Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Liibiya

0
609

 

Hargeysa(Geeska)-Xaaladda dalka Liibiya ayaa u muuqata inay caadi ku soo noqonayso ka dib markii ay gebi ahaanba magaalada Tiripoli gacanta u gashay kooxaha mucaaradka ah ee hubaysan. Kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah ayaa gelinkii dambe ee shalay qabtay Wasiirkii khaarajiga ee maamulkii Qadaafi Mr. Cabdilayti Cubaydi, kaas oo ay wakaaladda wararka ee Reuters sheegtay in laga qabtay beer uu ku leeyahay deegaanka Jansur ee galbeedka Tiripoli iyagoo mucaaradku markii ay qabteen sameeyay dabaal deg.

Golaha sare ee mucaaradka hubaysan ayaa soo saaray digniin kama dambays ah oo ay ku sheegeen in cid kasta oo ka soo horjeeda kacdoonkoodu is dhiibto ugu dambayn Sabtida, isagoo sheegay in wixii ka dambeeya Sabtida maanta aan la aqbali doonin is dhiibis. Laakiin Afhayeen u hadlay taageerayaasha Col. Qadaafi ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday digniinta mucaaradka waxaanu sheegay inaanay marnaba Qadaafi iyo taageerayashu is dhiibi doonin isagoo si xun u caayay kooxaha hubaysan ee talada kala wareegay Col Mucamaral Qadaafi.

Kooxaha hubaysan iyo isbahaysiga NATO ayaa ku jira baadi goob ay ku raadinayaan hoggaamiyihii Liibiya, waxaanay NATO shalay garaaceen laba magaalo oo weli ku jira gacanta taageerayasha Qadaafi iyagoo aaminsin uu labadaas magaalo midkood joogo.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Talyaaniga Mr. Franco Frattini, ayaa shalay sheegay inuu aaminsanyahay in Qadaafi weli ku suganyahay gudaha Liibiya, “Waa inaan ogaanaa in Liibiya tahay dal qarfe iyo lama degaan ah, waxaanan rumaysanahay inuu ku dhuumanayo gudaha Liibiya.” Ayuu yidhi Wasiirka Talyaanigu, si gaar ahna wuxuu u sheegay in laga yaabo in Qadaafi joogo magaalada Sirte oo 250 Mayl bari kaga beegan magaalada caasimadda ee Tiripoli, waxase uu sheegay inay magaaladaasi dhawaan gacanta u geli doonto kooxaha hubaysan markaas oo uu sheegay in gacanta lagu dhigi doono Col. Qadaafi.

Wuxuu sheegay in isbahaysiga NATO sii kordhiyay hawlgaladiisii Milatari ilaa bisha September si mucaaradka looga caawiyo inay dalka gacanta ku wada dhigaan.

Dhinaca kale Saadi oo ka mid ah wiilasha uu dhalay Qadaafi ayaa codsaday in la damaanad qaado ammaankiisa si uu isugu dhiibo kooxaha mucaaradka ah ee talada ka tuuray aabihii. Cabdilxakiim Belhaji oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee milatariga golaha mucaaradka ayaa sheegay inuu Mr. Saadi xidhiidh telefoon la soo sameeyay waxaanu yidhi, “Waxaanu ku nidhi ha u cabsoonin naftaada. Waxaanu kuu damaanad qaadaynaa xuquuqdaada bini-aadminimo waxaanan kuula dhaqmi doonaa si bini-aadminimo leh.” Ayuu yidhi Sarkaalkani.

Haddii uu rumowdo in Mr. Saacid soo dalbaday inuu is dhiibo, waxay mucaaradka u noqon doonaa talaabo ay hore u qaadeen, sababtoo ah waxa hore u beenoobay warar ay faafiyeen oo ay ku sheegteen inay qabteen Seef Al-Islaam iyo Maxamed Qadaafi oo isagu hadda ku sugan dalka Aljeeriya. Sidoo kalena waxa suurtogal noqon doonta inay Mr. Saacid ka helaan xog ku saabsan Aabihii Qadaafi iyo walaalkii Seef Al-islaam. Ugu yaraana waxay ku faani doonaan inay gacanta ku hayaan cid ka tirsan qoyska Qadaafi.

Taliye Belhaj ayaa ayaa sheegay in Mr. Saacid ku dooday inaanu qofna dilin islamarkaana aanu ka soo horjeedin kacdoonka shacabka Liibiya, “Waxaan ku idhi waa si fiican. Ahmiyadayadu waxa weeye inaan la daadin dhiigga dadka Liibiya. In masuuliyiinta xukuumadii hore isa soo dhiibaana waa fikirka ugu fiican.” Ayuu yidhi Sarkaalkaasi, waxaanu intaas raaciyay in Mr. Saacid subaxnimadii shalay ku soo celiyay telefoonka balse aanu qaban isagoo sheegay inuu ka maqnaa.

Hase yeeshe Seef Al-islaam oo ah ninka la aaminsanyahay inay aabihii goob wada joogaan ayaa cod maqal ah oo uu xalay soo diray wuxuu ku sheegay inaanay marnaba is dhiibayn oo ay dagaalamayaan ilaa marka u dambaysa, “Waxaanu ku dhimanaynaa dhulkayaga, cid is dhiibaysaa ma jirto.” ayuu yidhi Seef, waxaanu intaas raaciyay inuu joogo duleedka Tiripoli islamarkaana uu aabihii ku suganyahay xaalad wanaagsan.