Gudiga Culimada Ee Abaaraha Somaliya Oo Caddeeyay In Sakada Meel Kale La Gayn Karo

0
595

 

 

abaarahaHargaysa(Geeska) Guddidii culimada ahayd ee u ururinaysay kaalmada abaahara ka jira koonfurta Somaliya oo uu weheliyo wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi ayaa bulshada u soo bandhigay inay ansax tahay in sakada iyo sadaqadaba lagayn karo deegaano ka fog dhulka laga ururiyay iyada oo la gaadhsiinayo haday jiraan bulsho kale oo muslimiina isla markaana ay hayaan dhibaatooyin xoogan.

Culimada ayaa xalay saxaafada u soo bandhigay daliilo badan oo aayado quraana iyo axaadiisba leh kuwaas oo muujinaya in in sakada iyo sadaqadaba deegaanka laga qaaday kuwo ka baahi badan loo qaadi karo.

Arintan ayaa ay kaga hadleen shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen Wasiirka diinta iyo awqaafta Sh.Shaliil Cabdilaahi Axmed, iyo culimada kala ah Sh.Maxamed Aadan Maxamed, Sh.Maxamed Cali Jaamc iyo Sh. Maxamed Cali Geedi oo dhamaantood u soo jeediyay bulshada Somaliland inay ajarkooda leeyihiin intii abaaraha Somaliya ka dhacay wax ku tartay iyo inta doonaysa inay haatan wax ku taraanba.

Wasiirka diinta iyo awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil Cabdilaahi Axmed oo arintaas ka hadlayaa waxa uu ka bilaabay hadalkiisa sidan “  Xukumaada Somaliland markii ay ka heshay dadwaynaheedii iyo waxgaradkiiba oo baaqyo faro badan ay dawlada kaga codsanayaan in arinta ka dhacday Somaliya ee ah baahida  inay ka jawaabaan. Bishan sideedaa 11-keedii go’aan ay golaha wasiiradu gaadheen isaga oo uu gudoominayo madaxwayne ku xigeenka oo ahaa kusimaha madaxwaynaana ayaa waxa layskula qaatay inay arintaasu tahay arin waajiba oo ay tahay in laga jawaabo, waxana loo magacaabay lix wasiir oo ka mida wasiirada Jamuuriyada Somaliland oo wasaaradan diinta iyo awqaaftuna ay ka mid ahayd, fadhigii u horeeyay ee aan fadhiisano waxa aan go’aansanay in bulshada lafteedii uu hadalku ka yimid oo ay ka mid ahaayeen culimadu,barlamaanka iyo ururada bulshaduba, deeto aan go’aankaa lagu eegin xukumaada oo qudha ee laga wada jawaabo iyada oo culimaduna hormuud ka tahay, maadaama oo loo baahan yahay in bulshada loo cadeeyo inay tahay wax waajiba oo loo baahan yahay in la qabto, wakhtigan aan ku jirnaa waa xagaa haddana roobkaa inoo da’aya anigu waxaan qabaa in ay tahay balantii Alle uu ku lahaa dhulka isugu naxariista samadaa laydiinka naxariisanayaaye.” Wasiirku isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi  “Qodabka labaad waxa uu yahay waa ka warhaysaan lacagtii ay ururisay guddidii abaaruhu sidii bay u jirtaana, maxawayne ku xigeenkaana gu’doomiye ka ah, waxana waa loo qaybiyaa dadka baahan ee dalkeena, sadaqadu waa ay socotaa oo hadh iyo habeen waa lagu celinayaa dadkeena, lakiin maaha in arinta la siyaasadeeyo oo loo eekaysiiyo dadkan in la ilaaway kuwo kalena wax loo qabanayo, kuwana waa la wadaa oo gacanta midig ayaa wax lagu siinayaa, gacanta bidixna walaalaha kale ee inooga baahida badan ayaa lagu siinayaa sida shareecadu ina fartay. Halkan ugama jeedno in aanu cid culimo ah raadino ama wax ka sheegno, waxa laga yaabaa inuu qawl aqwaashii kamida uu qaatay, lakiin waxa lagaga badan yahay aqwaashii, waxaanay arintu ku qurux badnayd in ay culimadu iska aragto intaan meelkale lala tagin oo aan shaki la galin arinta, maantana shakigii ayaanu ka saaraynaa arintaa ka culimo iyo dawlad ahaanba, waxanan leenahay waa shay waajiba oo banaan in lageeyo sakadii iyo sadaqadiiba qofka ubaahana lasiiyo  kolba.”

Ugu danbayntii waxa uu wasiirku ku baaqay in aan arinta la siyaasaday  balse loo daayo wajiga ay leedahay oo ah waji samafal oo ay diiniya.

Culimada kale ee iyaguna halkaas ka hadlay ayaa kala ahaa Sheekh Maxamed Aadan, Sheekh Maxamed Cali Jaamac iyo Sheekh Maxamed Cali Geedi, waxaanay dhammaantood tafaasiil ka bixiyeen inaanay diinta Islaamku waxba ka qabin in sakada iyo sadaqadaba la geeyo meelo ka baahi badan deegaanada ay joogaan. Waxaanay culimadani shacabka Somaliland uga mahadceliyeen kaalinta ay ka qaateen caawinta dadka Somaliya. “Dhibaatadaas Somaliya oo ah mid caalamka oo dhan damaqday ayaa waxa dhacday in lanaga codsaday in barnaamijkaas aanu ka qayb galno waana iska caadi, wixii wanaagsan ayuun baanu ka hadalnaa. Arrinkaas maadaama oo aanu dilo iyo daliil uga hayno diinta inaanu umadda u bandhigno ayay noqotay waanan u bandhignay.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Maxamed Aadan, waxaanu shacabka Somaliland uga mahadceliyay kaalinta ay ka ciyaareen wax ka qabashada abaarihii Somaliland, “ Arrinkani [Dhibaatada Somaliya] mid siyaasada maaha ee waa mid sadaqo oo ah qof dhimanaya ama baahan sidii loo saacidi lahaa.” Sheekhu wuxuu sheegay inaanay diintu waxba ka qabin in dad kale la caawiyo, “Anigoo boorinaya in dadkeena jilicsan 100% la caawiyo, laakiin adigoo dhibaatadana daboolaya oo aan mararka qaarna waxba  dabooli karayn ayay haddana dad kale oo baahan inaad saacido ay tahay.” Sidaas waxa hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Maxamed Aadan.