Sahamin caafimaad oo cusub ayaa lagu ogaaday in hawada wasakhaysan oo si joogto ah qofku u neefsadaa ay keento dhaawac soo gaadha habdhiska neerfeed ee qofka iyo burbur ku dhaca qayb ahaan unugyada maskaxda oo sababa xanuunnada ‘Alzheimer iyo xanuunka Parkinson’s.
Sida ay faafisay shabakadda Alcarabiya cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday khartarta ka dhalanaysa qiiqa iyo suntan hawada dadku neefsanayaan wasakhaysay oo mustaqbalka keeni karta xaalado caafimaad darro oo nolosha aadamaha bubruriya. Sahaminta daraasaddan waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 90 dadka adduunka ku nooli ay halis u yihiin hawada wasakhaysan ee khatarta ku ah caafimaadka maskaxdooda iyo guud ahaan caafimaadka.
Walxo saxarro ah (Nanoparticle) oo ku dhex jira wasakhda hawada ayaa ay xeeldheereyaashu ogaadeen in uu xidhiidh weyni ka dhexeeyo xanuunnada unugyadam askaxda dila ee Alzheimer iyo Parkinson’s.
Arrinta khatarta ugu khatarta badani waa in carruur qaarkood naaska weli jaqayaan lagu arkay xaalado dhinaca neerfaha ah oo inkasta oo aanu cilmigu si kama dambays ah u caddayn haddana xeeldheereyaashu u tirinayaan wasakhowga hwada.
Xaaladahaas ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay sabab u noqon karaan maskaxda oo weuyda awoodda ay ku xakamaynayso dhaqdhaqaaqa iyo socodka carruruta iyo xitaa dhalinyarada.
Parkinson’s: Waa khalkhal maskaxeed xubnaha jidhka ku keena gariir, xubnaha oo adkaada / tawafa, socodka oo qofka ku adkaada, dheelli badan, iyo isku xidhnaanta maskaxda iyo xubnaha jidhka o daciifta ama lunta.
Xanuunkani xaalado sahlan ayaa uu muddo dheer ka hor ku bilowdaa, marba marka ka dambaysana waa uu ka si idaraa. Ugu dambayntana waxa uu gaadhaa hadalka iyo socodka oo qofka ku adkaada, iyo isbedello maskaxda iyo dabeecadda ama habdhaqanka ah oo ku yimaadda. Dhibaatooyin dhinaca hurdada ah, qulub iyo xusuusta oo lunta.
Alzxheimer’s: Waa nooc ka mid ah xanuunnka kale ee xasuusta kaxeeya ama waxa Soomaalidu asaasaqa u taqaanno keena oo afka Ingiriisiga ‘dementia’ lagu yidhaahdo.