Sababaha Keena Indha Ololka

0
810

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro badan; kuwaas oo isugu jira sababo fudud iyo kuwo khatar caafimaad calaamad u ah. Warbixintan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera ayaa ay iskaashatadu ku eegaysa qaar ka mid ah sababahaas.

Sababaha fudud

Sababaha fudud ee ay Iskaashatadu sheegtay in ay keeni karaan indha xanuunka waxaa ka mid ah kuwan hoose:

  1. Maaddooyinka qaar oo marka ay indhaha galaan keena olol, sida shaambooyada qaarkood iyo biyaha ay ku jirto maadadda Kolooriinta oo inta badna lagu nadiifiyo biyaha magaalooyinka Soomaalida:
  2. Daalka habeennimo ee ka dhasha shaqada saacadaha badan ah ee shaqada ah ama marka saacado badan la hor fadhiyo shaashadda Kombiyuutarka.
  3. Waxaa indha ololka isku arka, dadka xidha caagga sida muraayadda indhaha u shaqeeya oo lagu dhejiyo wiilka.

Sababaha khatarta ah

Sababaha Khatarta ah ee indha ololka keeni kara waxaa ka mid ah:

  1. Bakteeriya ama Fayras indhaha caabuq ku keena ayaa sababa indha ololka. Inta badan xaaladdan waxaa ololka indhaha ku lammaan dheecaan huruud midabkiisu yahay oo indhuhu soo saaraan.
  2. Waxaa jira dawooyinak qaar sababa in ay yaraadaan dareeraha indhuhu soo daayaan ee ilmada ah, taas oo sababta in indhuhu ay engagaan kaddibna uu qofku dareemo indha olol. Dawooyinka xaladahan keena waxaa ka mid ah dawooyinka dhiigkarlka lagu dejiyo iyo dawooyinka xaaladaha nafsiga ah lagu dejiyo.
  3. Bukaanka ku dhaca xaydha indhaha (Isha qaybteeda cad) ama xanuunka ‘Daafta’ (Indhaha Caseeyaha) oo inta badna ka dhasha bakteeriya ‘Conjunctivitis’.
  4. Xanuunnada Roomatiisanka, Macaanka iyo qanjo xanuunka ayaa sababa khalkhal ku dhaca heerka biyaha ishu yeelanayso, taas oo marar sababta in indhuhu engag noqdaan kaddibna qofku isku arko cuncun.

Talada:

Haddii uu qofku isku arko indha cuncun dhowr maalmood socda, ama indha cuncun inta dabiiciga ah ka badan waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu sida ugu dhaqsaha badan ugu tago dhakhtar takhasus ah oo baadha sababta, haddii loo baahdana waqtiga ku habboon daweeya.