Faysal Cali Waraabe Oo Taageeray Mudaharaad Farmaajo Lagaga Soo Horjeedo Oo Shalay Gilgilay Muqdisho

0
554

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Mudaharaad ballaadhan oo Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagaga soo horjeedo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa ugu horrayn ka hadlay Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Kenya, waxaanu sheegay inuu Hambalyeynayo, isagoo xusay in Somaliland iyo Kenya ay leeyihiin xidhiidh soo jiray illaa lixdamaadkii.

Faysal wuxuu sheegay in marka la eego Xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland la leedahay Kenya iyo Itoobiya ay ahayd inay mar hore aqoonsadaan, waxaanu yidhi “Waajib bay ahayd in Kenya iyo Itoobiya ay mar hore Somaliland ictiraafaan, Waayo? Ictiraafka Somaliland wuxuu ka mid yahay Degganaanshaha Geeska Afrika.”

Guddoomiye Faysal waxa kale oo uu ka hadlay dibed-baxyo lagaga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaasi oo Hal ku-dheg looga dhigay ‘Dooni mayno doorasho boob’.

Faysal oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu sheegay in Soomaaliya waxa halkaa dhigay tahay hoggaan xumo “Soomaaliya, waxaan u ehel ahayn ayaa qabtay Hoggaanka, Maantana Soomaaliya ayaa u liidata Shantii Soomaaliyeed, Somaliland waa Caadi, Jabuuti, NDF, Ogaadeen, meesha u liidataa waa Soomaaliya, Waayo? weli kuwii baa lugta kula jira, wakaa Maanta wuxuu samaynayo Farmaajo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo eedaymo u jeedinaya Madaxweyne Farmaajo “Waxaanu Siyaad barre gaadhin 15 sanadood ayuu  3 Sanadood ku gaadhay Farmaajo, inuu Suuqa idinku toogto oo uu yidhaahdo Doorashadu ama tayda ayay noqonaysaa ama ma noqonayso, idinka ayuu idinka arkay (reer Banaadir) oo aan Hoggaamiye lahayn.”

Guddoomiyaha UCID wuxuu soo dhaweeyay Dibed-baxyada lagaga soo horjeedo Farmaajo “Waanu soo dhaweynaynaa Mudaharaadkaa ka dhacay (Muqdisho) gilgisha, xabad qudha haku ridina ee ku kaca wuu iska cararri doonaaye, diyaar baanu u nahay inaanu Gacan idin siino. Dalkayaga Somaliland gacantayada ayaanu ku haysanaa Ilaahay baa Mahad leh, waxaad uga baahan tihiin waad ka heli doontaan ee horta idinku is xoreeya..” ayuu yidhi, isagoo xusay in sababta Soomaaliya ay xidhiidhka ugu jartay Kenya tahay in la dhibaateeyo Ganacsatada Soomaaliya ee ku sugan gudaha Kenya, kuwaasi oo uu sheegay inay u badan yihiin Reer Banaadir.

 

Geeska.net/Hargeisa Office