Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya Oo Ka Hadashay Kulankii Siilaanyo iyo Meles Zenawi

1
633

Addis Ababa (Geeska)-Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ka hadashay kulankii toddobaadkan dhammaaday Addis Ababa ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa boggeeda ay Jimce kasta ku falanqayso gobalka Geeska Afrika, waxa ay xalay ku soo qaadatay kulankii labada hoggaamiye, waxaanay sheegtay inay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Itoobiya ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo weliba arrimaha gobalka. Waxa kale oo ay wasaaradda khaarajiga Itoobiya sheegtay inay ka wada hadleen fulinta heshiisyadii hore loo kala saxeexday. Wasaaradu waxay sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo kulankaas ka sheegay sida ay dawladiisu ugu qanacsantaahay xidhiidhka ay la leedahay dalka Itoobiya, waxaanu cadeeyay inay ka go’antahay inuu sii xoojiyo, “Madaxweyne Siilaanyo wuxuu cadeeyay inay Somaliland ku faraxsantahay inay sii xoojiso dhammaan xidhiidhkada ay Somaliland la leedahay Itoobiya.” Ayay wasaradu tidhi, waxaanay intaas raacisay inay dawladda Somaliland ka qayb geli doonto shirka uu Ingiriisku dabayaaqadda bishan qabanayo, ,”Somaliland waxa lagu casuumay shirka London ka dhacaya dabayaaqadda bishan, wada hadalo ay saddexda xisbi ee dalku galeen ka dibna waxa la isla qaatay in laga qayb galo.” Ayay wasaaradu tidhi, waxaanay intaas raacisay in Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar sheegay inuu shirkaasi Somaliland ka caawin doono inay qaddiyadeeda soo bandhigto.

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdillaahi Jaamac Geeljire, ayaa isna sheegay inuu shirkaasi fursad u yahay Somaliland, maadaama oo sida wadamada kale Somaliland lagu martiqaaday inay Somaliya talo ka siiso khibradda Somaliland ee dhismaha nabadgelyada iyo amniga ay ku naaloonayso.

Comments are closed.