Riyaad (Geeska)- Juhaymaan Bin Muxammed Bin Sayf Al Cutaybii, waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada qaranka ee dalka Sucuudiga oo uu ka mid ahaa muddo 18 sano ah, muddadaas oo uu mar ka mid ahaa ilaalada boqorkii dhowaan geeriyooday ee dalka Sucuudiga boqor Cabdalla bin Cabdalcasiis, oo xilligaas aan boqor ahayn balse xilal sare dowladda ka hayey. Dhinaca kalana waxa uu ahaa aqoonyahan Jaamacadda Makah Al-Mukarramaha ee Islaamiga ah ka bartay cilmiga Falsafadda Diiniga ah, kadibna shahaadada darajada labaad ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Al-Madiinaha Al-Munawaraha. Intii uu joogay magaalada Barakaysan ee Maddiinah Juhaymaan waxa ay is barteen nin lagu magacaabo Muxammed Bin Cabdillaahi Al-Qaxdaani oo ka mid ahaa ardayda Sheekhii Weynaa ee Cabdalcasiis Bin Baas (Alle ha u naxariisto). Xidhiidh adag ayaa labadan nin dhex maray, gaar ahaan waxa sabab u ahaa in ay aad isugu sii dhowaadaan arrimo badan oo ay isku aragti ka ahaayeen iyo caqiido xag-jir ah oo midaysay. Waxa ay si aad ah uga midaysnaayeen gaalaysiinta dowladda, iyo guud ahaan bulshada, arrintaas oo keentay in ay bulshada ka faquuqmaan, iskana ilaaliyaan macaamilka madaniga ah ee dunida casriga ah ku badan, sida Idaacadaha, talefishannada iyo guud ahaanba warbaahinta.
Saaxiibtinimadii Maxamed Al-Qaxdaani iyo Juhaymaan AL-Cutaybi waxaa u sii dheeraatay xididnimo, kadib markii Qaxdaani uu guursaday gabadh ay walaalo ahaayeen Cutaybi, taas oo sidii hore si ka sii adag kana sii khatar badan isugu soo dhoweysay labadan nin.
Saaxiibbadan isu seediga ahi waxa ay bilaabeen in ay fikirkooda xagjirka ah si qarsoodi ah u faafiyaan afkaartaas ay aaminsanaayeen, gaar ahaan waxa ay duruus ka dhigi jireen masaajidda yaryar ee magaalada Maddiinah, dad dhalinyaro u badan oo diinta barashadeeda xiiso u qaba ayaanay duufsadeen oo fikirkii ay xambaarsanaayeen ku shubeen, maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii ballaadhanayey urur uu Juhaymaan si qarsoodi ah u aas-aasay, illaa tirada xubnaha ka tirsani ay gaadheen illaa kun qof.
Juhaymaan iyo ururkiisu waxa ay si aad ah uga soo horjeedeen dowladda Sucuudiga iyo guud ahaan maamullada siyaasiga ah ee ka jira dunida Islaamka oo ay u arkayeen in maadaama oo aanay Shareecda Islaamka sidii ay ahayd oo dhamaystiran ugu dhaqmayn ay gaalo noqdeen. Sida laga akhriyey qoraalladoodii markii dambe la helayna, waxa ay iskula dardaarmi jireen in bulshada iyo qalabka iyo aaladaha casriga ah ee ay isticmaalayso laga dheeraado, taas oo ay u arkayeen in ay ka qayb qaataan faafinta xumaanta iyo fisqiga bulshada dhexdeeda, tubta toosan ee xaqa ahna ka weecinayso.
Sida caadiga ah Muslimiintu waxa ay aaminsan yihiin in boqolkii sannaba mar uu Muslimiinta u soo baxayo hoggaamiye ama Sheekh Diinta Islaamka boodhka ka jafa oo aqoonteeda, karaamadeeda iyo awooddeedaba kor u soo qaado, arrintani waxa ay ku aroortaa Xadiis nebi Muxammed (SCW) laga soo wariyo oo macnihiisu noqonayo, “Alle boqolkii sano ee kastaba waxa uu soo saaraa qof ummaddayda diinta u cusboonaysiiya”
Waxa kaleo o iyaduna jirta in Muslimiinta Sunniga ahi ay aaminsan yihiin in uu soo bixi doono hoggaamiye ay ku tilmaamaan (Mahdiga la sugayo) oo abtirsiintiisa fogi ku isir leedahay Aala Baytii Rasuulka (SCW), magaciisu waa Muxammed aabihiina waxaa lagu sheegay Cabdillaahi, taas oo noqonaysa in uu Mahdigu la magac yahay Nebi Muxammed (SCW). Waxaa la sheegaa in Mahdigu uu waqti waqtiyadiisa ka mid ah magan geli doono masjidka Xaramka Barakaysan isaga oo ka soo firxaday Cadow Alle oo raadsanaya.
Dabayaaqadii sannadkii Hijriyada ee 1399kii oo ku beegnayd isla dabayaaqadii sannadkii 1978kii ayaa Muxammed Bin Cabdillaahi Al-Qaxdaani oo markaas loo arkayey Sheekh cilmiga ku fogaaday xertiisuna aad u qaddarisaa waxa uu u tegey seedigii saaxiibkii ahaa ee ururka dhisay, waxa aanu u sheegay in uu ku riyooday in Mahdiga la sugayaa uu isaga yahay!!! Waxa uu u sheegay in manaamkaas lagu soo faray in uu yahay kii Daallimiinta iyo talisyada tacaddiga ka xorayn lahaa Jasiiradda Carbeed iyo dunida oo dhan.
Maadaama oo sida taariikhdaas Hijriga ah ee markaa la joogay ku cad uu xilligaas bilaabanayey Qarni cusub oo ah 1400, Juhaymaan waxa uu isku qanciyey in seedigii uu yahay ninkii Nebigu (SCW) sheegay ee boqolkaas sano diinta cusboonaysiinayey, waxa kale oo sii qalday magaca saaxiibkii ee ah Muxammed Bin Cabdillaahi oo sida aynu horeba u soo sheegnay uu ku sammi yahay Nebi Muxammed (SCW), waxa keliya ee uga dhiman in uu noqdo Mahdigii la sugayeyna uu yahay in uu galo Xaramka Barakaysan. Taasna ay tahay in isagu dhammaystiro.
Bilowgii qabsashada Xaramka:
Markii uu beryey waagii ugu horreeyey ee bisha Muxarram (Koowaad ee Hijriyada) sannadkii 1400 oo ku begnayd 20kii Noofambar 1979kii ayaa Juhaymaan iyo kooxdiisu ay galeen masjidka Xaramka ee Makah, iyaga oo isu dhigaya dad kala socda oo salaadda Subax soo gudanaya. Arrinta xiisaha lihi waxa ay ahayd habka ay hubka ku soo geliyeen gudaha xaramka.
Dhowr Naxashka maydka lagu qaado ah ayaa ay ku soo gureen hubka, saanadda iyo sahayda kale ee ay qiyaasayeen in ay u baahan karaan, kadibna inta ay maro soo huwiyeen ayaa ay Naxash kasta kooxi soo qaadday iyaga oo ka dhigaya mayd ay doonayaan in lagu tukado salaadda subax kadib, koox kastaa dariiq gaar ah ayaa ay soo martay umana ay muuqan dad wada socda. Xilligaas oo aanu ammaanka dunidu xasaasi u ahayn sida imika jirta, awgeed ilaaladii xaramku waxa ay u qaateen dad maydad sida sida caadiga ah ee mar kasta dhacda, ujeedkuna yahay uun in salaadda kadib lagu tukado. La soco…