Wasaaradda Caafimaadka Oo Sheegtay In Xanuunka Covid_19 Soo Laba-kaceeyay, Dalkana Laga Diwaangeliyey Kiisas Cusub

0
682

Wasaaraddu waxay Shacabka ugu baaqday inay Aad u Taxadaraan xilligan Qaboobaha

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xaaladda caafimaad ee dalka, waxayna guud ahaan shacabka reer Somaliland ugu baaqday inay aad isku ilaaliyaan.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay sheegtay in dalka lagu arkay Kiisas cusub oo Xanuunka Covid_19 ah, sidaasi darteed Shacabka looga baahan yahay aad isku ilaaliyaan, ugana taxadaraam Xanuunka Covid_19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL, Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Shacabka reer Somaliland uga digay xanuunka Kuduudiyaha, oo uu ka xog-warramay sida loo qaado, iyo qaabka la iskaga ilaaliyo, waxaanu sidoo kale ka hadlay socdaal uu ku tagay deegaano ka tirsan Somaliland iyo xarumo caafimaad oo ay xadhigga ka soo jareen, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Xanuunka Kuduudiyaha “Caalamadihii Kududiyihii way jiraan, muddo hore ayaanu ka qaadnay shaybaadh oo aanu ogaanay inuu jiray, xilli Burco uu ka jiray, laakiin imika weli shaybaadh lagama qaadin, laakiin waa la og yahay inuu jiro, isaguna laftiisu waa fayras, laakiin waxaa lagaga hor tagaa nadaafadda iyo kaneecada oo la iska ilaaliyo qaniyadeeda, dadkana waanu ka wacyigelinaynaa mar kasta oo waxaanu leenahay aad uga taxadira, iskana ilaaliya, oo waxyaabaha laga qaada iska ilaaliya”.

Mar aanu wax ka weydiinay Xanuunka Coronavirus oo Waddamo badan ku soo laba-kacleeyey iyo halka uu Somaliland ka marayo ayaa ku jawaabay “Dadku way yar yihiin, laakiin xilligan qaboobaha inuu kaco ayaa laga yaabo, wey jiraan kiisas yar oo soo noqday (Covid_19)   xilligan qaboobaha, laakiin wuu yar yahay weli,  taxadar gaar ah la sameeyo xilligan qaboobaha aynu ku jirno, oo wacyigelinta aanu wadno dadku ha joogteeyaan” 

 

Geeska.net/Hargeisa Office