Nuxurka Qoraalka Wasaaradda Qorshaynta Ee Qaramada Midoobay Iyo Madmadowga Ka Muuqda

0
812

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda qorshaynta qaranka iyo xidhiidhka hay’adaha ayaa toddobaadkan soo saartay wareegto wasiir oo ka dhan ah hay’adha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Somaliland, taas oo la filayo inay jawaab u tahay heshiis wada shaqayneed oo ay dhawaan kala saxeexdeen Qaramada Midoobay iyo dawladda Somaliya.

Hase ahaatee wareegtadan wasaaradda ayaan si waadax ah u kala caddayn nooca go’aanka ay xukuumaddu qaadatay. Warqadda waxa ku xusan in ay xukuumaddu joojisay dhammaan hawlaha Qaramada Midoobay ee la xidhiidha dejinta qorshayaasha Heshiiska Wada-shaqaynta Horumarinta Waarta ee loo yaqaan (UNCF) oo ah heshiiska ay dhawaan kala saxeexdeen  Qaramada Midoobay iyo Xukuumadda  Soomaaliya iyo waliba shirarka wada tashiga ah ee la xidhiidha.

Wareegtada wasiirku may kala caddayn in hawlihii baaxadda lahaa ee hore u socday ee ka horeeyey heshiiska UNCF ee Hay’adaha Qaramada Midoobay dalka ka wadeen ay sii soconayaan iyo in kale.

Sidoo kale, haddiiba go’aanku yahay in la joojiyey shaqadii ay hay’adaha Qaramada Midoobay dalka ka wadeen oo dhan, wareegtadu may kala caddayn in go’aanku saamaynayo arrimaha bani’aadanimada iyo in uu ku koobnaanayo oo keliya arrimaha horumarinta.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaan weli ka soo jawaabin warqada ay wasaaradda qorshaynta Somaliland soo saartay, waxaana la sheegay inay ka baaraan degayaan jawaabta ay ka bixin lahaayeen.

17kii Oktoobar ayay  xukuumadda Somaliland soo sartay war-saxaafadeed ay ku caddaynayso mawqifkeeda kuna durayso heshiiska UNCF, kaas oo sheegtay inuu uu meel-ka-dhac ku yahay madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, isla markaana uu yahay farogelin loo gaysanayo arrimaha Somaliland.

Si kastaba ha ahaate, wasaarada qorshaynta ayaa looga baahanyahay inay si waadix ah u cadayso ujeedada warqada ku qoran iyo dhinacyada uu saamaynayo.