Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Qof Looga Shakisnaa Covid_19 Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
574

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Warar sheegaya in Qof waayeel oo Hargeysa ku Geeriyooday uu qabay Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19.

Qofka Geeriyooday oo dhawaan Cisbitaallada gaarka loo leeyahay u soo gudbiyeen Cisbtaalka guud ee Hargeysa, gaar ahaan qaybta la dhigo Dadka Xaaladdooda Caafimaad culus tahay ee loo yaqaano (ICU), ayaa Allaah ha u naxariistee markii dambe uu Qofkaasi ku Geeriyooday.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Shalay Saxaafaddu waydiisay waxa ka jira in Qofka Geeridiisa la hadal-hayaa u geeriyooday Covid_19, ayaa sheegay in intii aanu Geeriyoon ay shaybaadh ku sameeyeen, dhawaan ay dheecaannadii laga qaaday u dirayaan dalka dibeddiisa, sidaasi darteed aanay Wasaarad ahaan sheegi Karin in Qofkaasi qabay Cudurka Covid_19, balse ay u sugayaan natiijada shaybaadhka lagu samaynayo dheecaannadiisa.

Agaasimaha guud oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Qofkani wuxuu ahaa qof laga shakisnaa (Inuu qabo Covid_19) oo ay soo gudbiyaan Cisbitaalladu, wuxuu markii u dambaysay yeeshay Xanuunka Faaligga, wuxuu ahaa Qof aad u xanuunsanayey oo da’ ah oo Faalig ku dhacay, markaa wuu Geeriyooday, laakiin ma odhan karno wuxuu u geeriyooday Coronavirus, illaa Shaybaadhkii aanu ka qaadnay aanu dirno oo uu soo noqdo, annaga wuxuu noogu jiraa Qof laga shakisan yahay, laakiin marka Shaybaadhkiisu soo noqdo waa laga heli karaa ama waa laga waayi karaa.”