Hargeysa: Weriye Coldoon Oo Ay Xabsiga Ku Dhex Haysato Xaalad Caafimaad Darro

0
956

Hargeysa(Geeska)-Saxafiga Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa, ayaa la sheegay inay xaalad caafimaad daro ahi la soo deristay.

Dhakhaatiir ka tirsan cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa shalay ku booqday saxafigan xabsiga uu ku xidhanyahay ee Hargeysa waxaaay ka soo qaadeen dhiig muunad ah oo la baadhi doono. Waxa la sheegay in baadhitaanka dhiigga la sameeyay ka dib markii looga shakiyay xanuunka dunida aafeeyay ee Covid_19.

Inkastoo aanay Somaliland weli si rasmi ah u rakibin mishiinka loogu tallo galay in lagu baadho xanuunkan ee ay WHO Somaliland ku deeqday, haddana sida uu Geeska Afrika ku helay warar xogogaala baadhitaan hordhac ah oo lagu sameeyay cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa la sheegay inuu muujiyay inaanu saxafigani qabin xanuunkan, inkastoo dhiiga loo diri doono dalka Kenya si ay u soo baxdo natiijada rasmiga ahi.

Laakiin, dhakhaatiirta ayaa Geeska Afrika u sheegay in saxafigan uu ka muuqdo xanuun, waxaana wejigiisa laga dareemayaa daal iyo tabar darnaan uu sababay xanuun aan weli si rasmi ah loo ogaan.

Madaxweyne Biixi ayaa in badan loogu baaqay inuu saxafigan u fidiyo saamaxaad si uu uga soo baxo xabsiga, ulana midoobo xaaskiisa iyo carruurtiisa. Laakiin baaqyadan loo dirayo Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda inaanay weli gelin dhegaha Madaxweynaha.