Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Digtay In La Bixiyo Xoggo Shuban Biyood Oon Iyaga Ka Soo Bixin

0
641

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye, ayaa ka hadlay shuban biyoodka ka dilaacay Magaalada Burco, ee keenay Dhimashada, iyo in dad badan soo rito, waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii loola tacaali lahaa, meeshana looga saari lahaa Cudurkan, balse waxa uu ka digay in cid aan xog rasmiya aan ka haynin Cudurkan aanay ka hadal, waxaanu tilmaamay in xog walba oo ku saabsan Caafimaadka loogu soo hagaago ama loo daba fadhiisto Wasaaradda Caafimaadka, waxaanu sheegay in xogo aan la hubin oo la sheegaa ay dhib keeni karto.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale sheegay in ilaa hadda aanay jirin cid u dhimatay dayac ku saabsan Shuban Biyoodka ee ay u dhimatay cid wadkoodii dhammaaday, waxaanu xusay in dad aad u badan ka daweeyeen, waxaanu baaq u diray Bulshada, waxaanu yidhi“Xaaladan Shuban biyoodka iyo waliba xaaladaha kale ee Caafimaad Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’addaha la shaqeeya ayaa gacanta ku haya, umana baahna in si xun loogu adeegsado qalabka Warbaahinta, xanuunkan iyo xogaha caafimaadba waxa soo jeedin kara oo warbixin ka bixin kara, tirada dadka bukooday, tirada dadka la daweeyey, iyo inta dhimatayba waxa ka hadli karaa oo qudha Wasaaradda Caafimooda oo xaq u leh, waxaana diyaar u nahay in mar waliba cidii u baahani ay warbixin sax ah oo xor ah heli karto,iyadoo dadka oo dhami nala dadalayaan, haddana xogoha dhiilaysan ee la bixinayaa xaalada wey ka sii daraysa, Xanuunkani waa xanuun aanu la tacaalayno, oo aanu gacanta ku hayno, markaas  anigoo u mahadnaqaya  Masuuliyiinta Dawladda iyo kuwa kalena ee qaylo dhaanta bixiya, ee waxaan ka codsanayaa Masuuliyiinta Dawladda in xogta ay bixinayaan ay noqdaan xogo ay ka soo heleen Wasaaradda Caafimaadka, ee aanay iska bixin xogo aan la hubin, Wasaaradda Caafimaadkuna waxay leedahay meel lagu ururiyo xogta oo dhan, iyadoo waliba la tafatiray, cid kastaana wey heli kartaa, sidaas darteed Masuuliyiinta ka hadlay arintaas waxaan ka codsanayaa in Wasaaradda Caafimaadka loo daayo warbixinta xogahaas”.

Agaasimaha Caafimaadka ayaa mar uu ka hadlaayey dadka ku dhintay iyo dadka u jiifa cudurka Shuban Biyoodka ayaa yidhi “Xanuunka Shuban Biyoodka, cid dayac ugu dhimatay ma jirto, qof wadkiisi galay mooye, kuman kun qofna waanu ka dawaynay, imikana waanu wadnaa sidii looga hor tagi lahaa oo meesha looga saari lahaa Shuban Biyoodka”.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Caafimaadku wuxuu Bulshada ugu baaqay inay aad uga feejignadaan Cudurkan, oo taxadir aad u badan sameeyaan, cid walba oo dareenta cudurkana sida ugu dhakhsaha badan ula sooo xidhiidhaan Wasaaradda Caafimaadka xarun walba oo ay ku leedahay Gobolada, Magaalooyinka iyo Degmooyinka kala duwan ee dalka, waxa kale oo uu Warbaahinta ka codsaday inay ka qayb qaatan wacyigelinta ka hor taga Cudurkan Shuban Biyoodka, si Bulshada u fahanto.