Khilaafkii Hawada Somaliland Iyo Somaliya Oo Soo Laba Kacleeyay

0
743

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka duulista iyo hawada Jamhuuriyadda Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa daboolka ka qaaday in dib uu u soo cusboonaaday khilaafkii dhanka maamulka hawada ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya,waxaanu  Sheegay inay ogolyihiin in wadahadal laga yeesho arimaha hawada ee laysku hayo.

Wasiirka duulista iyo hawada oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi"Hadday dhacdo in lagu wareejiyo hawada Somaliland talaabooyinka ay qaadaysaa way u cadyihiin cid ay gorgortan kala galaysaana ma jirto oo hawadeeda inay maamulato awood ayay u leedahay, taasina waxay keenaysaa khalkhal ku dhaca mandaqada oo dhan, xalka wanaagsani waxa weeye in la wada hadlo. waxaanu leenahay dawlada Somaliya anaga oo dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ixtiraam u hayna inay noolaadaan oo ay jiraana ogol, inay amnigooda isku tashigooduba hirgalo ogol hadana waxaanu leenahay waxa ay ku baaba'aday dawladii Somaliya ee xoogaweynayd  shacbiga dhagaysan mayno, waxii laga dhaxlayna waynu ognahay maanta in lays yidhaahdo cid cid ka horgee oo awooda gacangtaada ku muquuni dhici mayso, casharadii wax halaga barto, dariiqa ugu wanaagsanina waa in laga wada hadlo waxii lagu heshiin karaayaba, Somaliland in dib ay ula midowdo diyaar uma aha oo dadka ayaa afti laga qaaday laakiin waxii kale ee sababaaya in la wada noolaado ee aan taas ka horimanayan diyaar ayaanu u nahay, in hawada la wada maamushana diyaar ayaanu u nahay, Somaliland mawqifkeedu waa inay hawadeeda maamulato,  ICAO waan la xidhiidhay oo qoraalkii ay iiso dirtay waan hayaa ilaa ay Soomaali ka wadahadasho in aanay cidna ku wareejinayan hawadana waa ay ii cadeeyeen, markaas war war aanu ka qabnaa ma jirto."