Warmurtiyeedkii Kasoo Baxay Shirkii Wada-Hadaladda Somaliland Iyo Soomaaliya

0
879

Jabuuti  (Geeska) – Waxa jimcihii lagu soo gabagabeeyey dalka jabuuti  shirka Wada-hadalka Somaliland iyo Somaaliya, kaas oo socday muddo laba cisho ah.

Madaxwaynaha jabuuti oo ka ahaa shirka dhex-dhexaadin ayaa kulanka ugu qabtay jabtuuti wafdi ay kala hoggaaminayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. 29 kii Bishan ayaa shirka laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arimihii laga wada hadlay, kuwaas oo ay isla af-garteen labada dhinac.

War murtiyeed  ka kooban sideed qodob ayaa  lagu sheegay in labada dhinac ay isla meel dhigeen in dib loo amba qaado geedi socodka wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo mudo badan hakad ku jiray.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay in muddo 30 maalmood gudahood ah ay isla meel dhigaan hannaanka geeddi socodka (Roadmap) wadahadalada arrimaha masiiriga ah, islamarkaana la soo magacaabo guddiyo farsamo oo arrimahaas fududeeya.

Hadaba, Muqaalada gaba-gabadii shirka iyo Masuuliyiintii u kala saxeexayey go’aamaddii shirka ee  labadda dhinac ayaa hadal hayn keenay, taas oo ahayd wax ku cusub tan iyo intii wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya socdeen.

Waxa hore nuxur-qoraalka iyo go’aamadda shirka ugu kala sexeexi jiray wasiiradda arimaha Debedda, halka maanta ay kala sexeexdeen Wasiiradda arimaha gudaha; Maxamed Kaahin iyo Macalin Fiqi. Hadaba, hab-maamuuskan ayaa dadka siyaasadda falan-qeyaa ku tilmaameen in kaliya sidan oo kale dhici karto, marka labada dal ay ka wada hadlayaan arimaha khuseeya amniga labada dal laakin wada-hadaladda arimaha masiiriga ah ee labada wadan ay ahayd in wasiiradda arimaha debedda kala saxeexdaan.

Nuxur-qoraalka War-murtiyeedka shirka jabuuti iyo Qodabadii lagu heshiiyey aya u dhignaa sidan ahaa sidan;-

“Ayadoo laga ambaqaadayo dardargelinta Geeddi-socodka wadahadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Somaliland ayaa waxaa shir socdey taarikhda u dhaxeysa 28-29 December 2023 isugu yimid dalka Djibouti laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Bixi Cabdi isla markaana uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. lsmaaciil Cumar Geelle.

 Wadahadal iyo dood dheer ka dib waxay labada dhinac isla gaadheen qodobada soo socda;

  1. In dib loo bilaabo geeddi-socodka wadahadaladii u dhexeeyey labada dhinac, ayadoo diiradda lagu saarayo, saldhigna looga dhigayo arrimaha

 masiriga ah si loo gaadho xal-waara.

  1. In labada dhinac ay muddo 30 maalmood gudahood ah ay isla

 meeldhigaan hannaanka geeddi-socodka (Roadmap) wadahadalada arrimaha masiiriga ah isla markaana la soo magacaabo guddiyo farsamo oo arrimahaas fududeeya.

  1. In labada dhinac ay si wadajir ah u fuliyaan heshiisyadii lagu gaadhay

 wadahadalii labada dhinac horay ugu dhexmaray; Ankara (April 2012), London (June 2012), Ankara (April 2013), Istanbul (July 2013), Istanbul (January 2014), Djibouti (December 2014), Istanbul (March 2015), Ankara (April 2016) iyo Djibouti (June 2020).

  1. In garowshiyihii dawladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilki, gaboodfalladi, iyo burburkil dawladdil mileterigu ay ka geysatay Somaliland (gobollada Waqooyi) la si adkeeyo ka garaabiddiisa.
  2. In labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amniga, la dagaalanka faldambiyeedyada abaabulan ayadoo ay xiriir buuxa ka yeelanayaan arrimahaas hey’adaha u xilsaaran.
  3. In goobaha iyo gobollada ay colaaduhu ka jiraan nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo, isla markaana la joojiyo ayadoo loo marayo dhagankeenii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed.
  4. In labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraaladda iyo wax kasta oo wax u dhimaya Jawiga wadahadalada ee socda. U
  5. Labadi wafdi ee ay kala hogaaminayaan labada madaxweyne ee Somalilaind iyo Soomaaliya waxay si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dawiadda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabuuti martiqaadka, soo dhowaynta iyo daadihinta shirarka labada dhinac. Waxayna ku boorinayaan madaxweynaha inuu arrintaas si ambagaado.

Md. Maxamed kaahin Axmed : Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

 Md. Axmed Macallin Fiqi         : Wasirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya