Halista Shirka Taleex iyo Damanaanta Madaxweyne Siilaanyo

0
777

Waxa magaalada Taleex ee gobalka Sool ka socda shir beeleed siyaasadaysan oo ay soo abaabuleen kooxo ka soo horjeeda qaranimada madaxbanaanida Somaliland, waxaana magaalada ka babanaya calanka dalka Somaliya oo si carigsi ah meel walba loo sudhay.

Inkastoo shirkaas lagu tilmaamay mid dhaqan oo ay beesha Dhulbahanate ku tashanayso, haddana waxa hubaal ah inuu shirkaasi yeeshay weji kale islamarkaana si toos ah looga cadeeyay natiijada ka soo bixi doonta oo noqon doonta mid aanay Somaliland mahadin. Inta la ogyahayna shir lagaga soo horjeeda qaranimada Somaliland waa markii u horaysay ee lagu qabto gudaha Somaliland, waxaanu ku soo beegmay xillgan oo uu Madaxweyne dalka ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo.

Ragga ajandaha shirka hagaya waxa ka mid ah Cali Khaliif Galaydh oo ay madaxtooyada Somaliland wakhti hore suuqyada soo gelisay inuu wada hadal u socdo islamarkaana ay u dirtay mid ka mid ah siyaasiyiinta reer Sool ee ugu dhowdhow Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu Mr. Galaydh u hanqal taagayaa sidii uu u sii kala fogayn lahaa Somaliland iyo Beesha Dhulbahanate qaar badan oo ka mid ah ajandihiisuna waabu ku guulaystay.

Shirka ka socda degmada Taleex wuxuu halis ku yahay ammaanka guud ee qaranka, qaranimada Somaliland, midnimada iyo wada jirka beelaha Somaliland, laakiin waxa ayaan darro ah inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku fashilantay dhawr arrimood oo ay kaga hortagi lahayd in shir noocan ah dalkeeda lagu qabto, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay hesho xog-wareed ku saabsan shirkaas iyo ajandihiisa, inay ka hortagto in siyaasiyiinta ka soo horjeeda qaranimada Somaliland si fudud dalka ku soo galaan iyadoo ay ciidamada qaranka Somaliland ku teedsanyihiin bariga gobalka Sool iyo weliba inay qorshe siyaasadeed kaga hawlgasho shirkaas oo ay ugu yaraan saamayn ku yeelato islamarkaana ka hawlgasho sidii ay masuuliyiinta reer Sool ee Hargeysa joogaa uga qayb geli lahaayeen si ay aragtidooda uga iibiyaan bulshada rayidka ah ee la doonayo in lagu abuuro jahawareer siyaasadeed.

Waxa la ogaa sidii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isugu mashquulisay shirkii Dubur ee lagu qabtay deegaanka Sheekh oo haba yaraate aan lagu qorshayn in Somaliland wax lagu yeelo balse ay xukuumadu aragtay inuu danaheeda ka horiman karo, waxaanay xilligaas geed gaaban iyo mid dheer u fuushay inaanu shirkaasi qabsoomin. Laakiin waxa ayaan darro ah inay xukuumadu ka seexatay waajibadeedka loo xilsaaray qodobkii ugu muhiimsanaa oo ah midnimada iyo wada jirka qaranimada Somaliland oo uu shirkani halis gelin karo.

Si kastaba ha ahaate waxaa Madaxweyne Siilaanyo la gudboon in uu guto waajibaadka qaran ee loo soo doortay iyo in uu oofiyo dhaartii qarankan uu u maray oo ay ugu mudnayd in uu ilaaliyo midnimada iyo qarannimada dalka, waxaa muhiim ah in hay’adaha amnigu yeeshaan feejignaan inta hadda ka dheer, siyaasadda xukuumadduna noqoto mid ajandaheeda koowaad yahay cadowga qarannimada. Madaxweyne Siilaanyo oo wejigii hore ee ka hortagga shir noocas ahi seegtay waxaa looga fadhiyaa tallaabadii uu ku dhicisayn lahaa go’aamada khatarta ah ee laga filayo shirka Taleex