Wargeys Caalami Ah Oo Sheegay In Somaliland Ogolaatay Inay Marti-geliso 10 Kun Oo Qoxooti Reer Afgaanistaan Ah Iyo Cidda Heshiiska Saxeexday Oo Uu Shaaciyey

0
635

Jiritaanka Heshiiskan waxa hore u beeniyey Wasiirka Warfaafinta, laakiin War cusub baa ka dambeeyay

Hargeysa (Geeska) – Waxaan weli soo afjarmin hadal-haynta Qoxooti reer Afgaanistaan ah oo la sheegay in Maraykanku doonayo inuu si ku meel-gaadh ah u keeno Somaliland.

Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee AFP ayaa Toddobaadkii hore baahisay in Dawladda Somaliland ka aqbashay Maraykanka inuu si ku meel-gaadh ah dalkeeda u soo dejiyo kumanaan ka mid ah Dadka reer Afgaanistaan ee ka qaxaya dalkooda, ka dib markii ay xoog awoodda dalkaa kula wareegeen Kooxda Daalibaan oo laga cabsi qabo inay dhibaatayso Dadka badhkood.

Xilligaa Wakaaladda Wararka ee AFP waxay soo xiganaysay Xubin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland oo aan Magaciisa la sheegin, laakiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii Warkaasi soo baxay ka dib, beeniyey inuu jiro heshiis dhex maray Maraykanka ama Maalgashade matalaya Maraykanka, heshiiskaas kaasi oo ogolaanaya in dalka la keeno Qoxootiga reer Afgaanistaan ah.

Hase-ahaatee, Wargeyska Wall Street Journal, ayaa daabacay War-bixin sheegaysa in Cidda heshiiska la gashay Somaliland isla-markaana doonaysa inay soo daabusho Qoxootiga Afgaanistaan tahay Nin Maalgashade ah oo lagu Magacaabo Zach Van Meter, kaas oo ah Muwaadin Maraykan ah oo ka soo jeeda deegaanka Naples, Fla ee dalka Maraykanka.

Ninka ayaa markii hore Telefoon arrintan kagala hadlay Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Good, waxaanu waydiiyey su’aalo ku saabsan in Somaliland ay marti-gelinayso Qoxootiga Afgaanistaan laga soo qaadayo, sida uu Wargeyska u sheegay Bashiir Good.

Wargeyska Wall Street Journal, ayaa War-bixinta uu arrinta ka qoray ku sheegay in heshiiska AFP sheegtay in Somaliland ku ogolaatay Qoxootiga reer Afgaanistaan uu saxeexay Sii haya Xilka Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland “25-kii August, sii hayaha Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa heshiis hordhac ah la saxeexday hay’adaha samofalka ee la shaqeeya Mr. Van Meter, isagoo oggolaaday in si ku -meel -gaadh ah loo dejiyo (Somaliland) illaa 10,000 oo qof oo reer Afgaanistaan ??ah..” ayuu qoray Wargeyska Wall Street Journal.

Joornaalka ayaa sidoo kale sheegay in qorshuhu yahay in Dadkan Qoxootiga ah laga soo daad-gureeyo Berbera.

Zach Van Meter ayaa ah Maalgashade iyo Qandaraasle Dawladda Maraykanka la shaqaysta, kaasi oo door ku lahaa in illaa 5 Kun Qof oo reer Afgaanistaan ah Toddobaadyadii laga soo daad-gureeyo Magaalada Kaabul ee Caasimadda Dalka Afgaanistaan, sida uu sheegay Wargeyska qoray War-bixintani.

Xidhiidh aanu la samaynay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, Wargeyska Geeska Afrika uma suurto-gelin inuu helo, si aanu wax uga waydiino warkan sheegaya inuu saxeexay heshiis dhigaya in Qoxooti reer Afgaanistaan ah la keeno Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka uu Wargeysku sheegay inuu heshiiskan u saxeexay Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa Maanta Madaxweyne Biixi u Magacaabay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office