Shirweynaha Xisbiga WADDANI Oo La Muddeeyay & Hadal-hayn Ku Saabsan In Cabdiraxmaan Cirro Uu Xirsi Ku Wareejinayo Guddoomiye-nimada Oo Ka Dhalatay

0
760

Maxaa iska beddelay Heshiiskii Cirro Iyo Cabdiqaadir Jirde Ee dhigayey Inuu Xilka Guddoomiye-nimo ku wareejiyo, hadduu Madaxweyne Noqdo ?

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa shaaciyey xilliga la qabanayo Shirweynaha Xisbigaasi.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa shaaciyey in Shirweynaha Xisbiga la qaban doono 30-ka illaa 31-ka bisha October, 2021-ka, isla-markaana Shirkaa lagu dooran doono Hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI, laguna ansixin doono Golaha dhexe ee xisbigaasi.

Xoghayaha guud oo ku dhawaaqaya xilliga la qabanayo Shirweynaha Xisbiga ayaa yidhi  “

“Xisbigu markuu Tixgeliyey in la fuliyo Go’aannadii ka soo baxay Shirkii saddexaad ee Golaha dhexe ee dhacay sannadkan, markii uu Xisbigu dhegaystay Talada, Tusmada, Tilmaanta ay bixiyeen Guddiga fulinta ee Xisbiga WADDANI, markuu Xisbigu Gar-waaqsaday in la joogo amin la isku diyaarinayo, lagulana jaan-qaadayo Isbeddellada ka dhashay Jamhuuriyadda Somaliland ee ay horseedka u yihiin doorashooyinkii isku sidkanaa ee inoo qabsoomay 31-kii May, 2021, sidaai darteed waxaan shaacinayaa in Shirweynaha Xisbiga WADDANI la qaban doono 30-ka iyo 1-ka bisha October, 2021. Muddadaa waxa ka hadhsan 60 Cisho, muddadaa wuxuu Xisbigu ku diyaarin doonaa hawlaha uu xambaarsan yahay Shirweynaha guud ee Xisbiga oo ah Hay’adda ugu sarraysa ee Xisbiga Matasha, kaasi oo lagu dooran doono dhammaan hoggaanka sare ee Xisbiga, laguna ansixin doono Guddiga fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga..”

Markii uu Xoghayaha guud ee WADDANI uu ku dhawaaqay xilliga la qabanayo Shirweynaha Xisbiga WADDANI, ayaa waxa soo baxay Warar kala duwan, kuwaasi oo la xidhiidha in Guddoomiyaha xilligan ee Xisbigaasi, ahna Musharraxa Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu xilka Guddoomiye-nimo ku wareejinayo Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, inkasta oo aanay jirin Il-wareed Rasmiya oo Warkaasi ka soo baxay ama laga helay.

Dadka isticmaala baraha Bulshada, ayaa qaar badan oo iyaga ka mid ahi waxay baahiyeen Sawirrada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdiraxmaan-Cirro, iyagoo su’aalo iska waydiinaya inay suurto-gal tahay in Xirsi lagu wareejiyo Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI marka la gaadho bisha October ee sannadkan, halka kuwo kalena ay baahiyeen Sawirro uu leeyahay Guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jire, kuwaasi oo sheegaya in Jirde yahay Qofka ugu habboon ee ay tahay in Cirro ku wareejiyo Xilka Guddoomiyaha Xisbiga.

Waxa jiray heshiis ay hore u wada gaadheen Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, kaasi oo dhigayey in haddii Cirro uu Madaxweyne noqdo uu 45 Maalmood ka dib doorashada  Madaxtooyada xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ku wareejiyo Jirde.

Ugu dambayn, hadal-haynta la xidhiidha in Xirsi lagu wareejinayo Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI, ayaa ku soo beegmaysa xilli uu Xisbiga KULMIYE dibedda kaga maqan yahay Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay siyaasiyan is-ceshadaan Xirsi, iskuna deegaanna yihiin.

 

Geeska.net/Hargeisa Office