Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Maleeshiyada SSC Ku Eedeeyay Inay Soo Maleegeen Shirqoolkii Ceerigaabo

0
557

 

IMG_4524Hargeysa (Geeska) Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu ahaa shirqool  SCC iyo kooxaha diidan Somaliland soo maleegeen dhibaatadii ka dhacday Ceerigaabo, lana qaban doono bisha danbe shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

 

Shir jaraa’id oo masuuliyiinta ugu sareeya xisbiga KULMIYE shalay ku qabteen xaruntooda Hargeysa, ayuu ku sheegay Muuse Biixi Cabdi in xisbigoodu marna durin shaqsiyada Gudoomiyaha golaha wakiilada Md, Cabdiraxmaan Ciro, ixtiraamna u hayaan, hadii laga qaadayo xilkana baarlamaanku awood u leeyahiin.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inuu xaalada amaanka iyo siyaasada gudaha ee dalka ka hadlayo, kuna bilaabay, “Somaliland waa labaatan jir, mudadaana waxay ka soo gudubtay caqabado badan, oo siyaasad iyo dhaqaale leh. Shacbiga Somaliland waxuu ilaahay talada waafajiyey markii iyagoo isu-dhan ay go’aansadeen inay xornimadooda la soo noqdaan, hase yeeshe waxa mar walba jiray ashkhaas Somaliland u dhalatay oo ka soo horjeeday. Somaliland waxay leedahay laba cadow, mid waxaan la wadaagnaa aduunka oo waa argagaxisadii qaraxyada inoo geystay, oo ka soo horjeeda kala danbaynta iyo is-xukunka, cadowga labaad waa ashkhaas u dhalatay Somaliland oo ka soo horjeeda, ilaa wakhtigana innagu qancin Kari la’ wax dhaama. Dhibaatadii ka dhacday Ceerigaabo, waxay ahayd shirqool ay soo maleegtay SCC, iyo kooxaha diidan Somaliland. Nasiib wanaag, dhamaan xukuumad, shacab iyo ciidan intii joogtay si midaysan ayey u arkeen ujeedada laga lahaa shirqoolkaa. Xisbiga KULMIYE, waxuu tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaranka ay ka geeryoodeen dadkii halkaa ku dhintay, iyo intii ku dhaawacmay.”

Muuse Biixi Cabdi, ayaa raaciyey, “Waxaan beryahan saxaafada ka maqlaynay ashkhaas dibed wareeg ah oo u soo tafaxaytay inay qas ka abuuraan gobolka Awdal, waxaan ognahay in gobolka Awdal qeyb libaax ka qaatay dhismahii dalkan, isla markaana yahay hormoodka  waxbarashada dalka, waxaan aaminsanahay in shacabka gobolku gacan bir ah ku qaban doonaan cid kastoo u soo hanqal taagta waxyeelaynta gobolka Awdal iyo qaranimada Somaliland inay fidmo ka dhex abuuraan.”

Isagoo ka hadlaya dhibaato soo noqnoqotay oo ay ciidamada kililka shannaad ee Somalida Itoobiya ku hayaan degmooyinka xuduudka ku teedsan ee Somaliland wuxuu yidhi  “Dhinaca kale baryahay dambe waxaa dhacday in ciidamada Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay Deegaamo xadka dhicana Somaliand ah usoo gubeen.Somaliland marnaba ma faro galiso arimaha dalalka jaarka . Somaliland waxy diyaar u tahay in ay Nabada iyo Horumarka iska kaashakaad dawladah Jaarka, Xisbiga KULMIYE sida uu ka warqabo Xukuumadu way kala Xidhiidhay dawlada Itoobiya dhacdooyinkan. Waxaanu ku talinaynaa in dhinac waliba ka foojignaado wixii Nabad-galyada iyo Jaarnimada wax u dhimi kara si aanay ugu soo gaban Kooxaha Nabad diidka ahi.”

Isagoo bulshada ku dardaaraya inay feejigni muujiyaan maadaama oo ay doorashooyin soo socdaan, wuxuu yidhi “Waxa innagu soo fool leh doorashooyin, waxa loo baahan yahay inaan xumada doorashooyinku gaadhin heer fawdo, dimoqraadiyadu dhib iyo dheefba way leedahay. Si loo gaadho doorashooyinka waa in golayaashu dhamaystiraan waxii xeerar loo baahan yahay, xukuumadu meel sii dhigto dhaqaalahii loo baahnaa, komishanka iyo guddida Diiwaangelintu dardargeliyaan hawlahii kaga aadanaa, ururada soo socdaa waa inaanay noqon qaar ku kooban qabiil, deegaan gaar ah, dad gaar ah, ama qof. Waa in kaalintii aqoonyahanka Somaliland ka dhex muuqata saaxada siyaasada dalka.”

Muuse Biixi, wuxuu ugu dambayn yidhi “Dhalin-yarada oo maanta In badani jaamacado kasoo baxeen waxaa laga sugayaa in ay waxtar iyo Aqoon kusoo kordhiyaan Saaxada Siyaasada Somaliland. Xisbiga KULMIYE wuxuu ku kalsoon yahay in shacbiga Somaliland u bisil yahay Xamaasada Doorashooyinka,Loolanka Asxaabta iyo Tartanka Ururada Siyaasadeed.”

Shirkaa jaraa’id ka dib suaalo la weydiiyey Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, waxa ka mid ahaa:

S: Gudoomiye, shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, oo muddo dhaafay, xillima ayuu idiin qorshaysan yahay qabashadiisu?

J: Shirkii golaha dhexe ee KULMIYE, horta xeerkii dhowaan ay soo saareen golaha wakiiladu ee Lm.14, ayaa waajibinaya qabashada shirka golaha dhexe ee xisbiyada sannad walba, hore xisbiyada xilliga ay doonaan qabsan jiray, xisbiga KULMIYE intaanu sannadkan dhamaan bisha December ayuu qabsan doonaa shirkiisii golaha dhexe.

S: Gudoomiyaha UCID, Eng, Faysal Cali waraabe, waxuu sheegay in Gudoomiyaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, sharci daro ku fadhiyo, idinkuna (KULMIYE),sidaa la qabtaan, maxaad ka odhan lahayd?

J: Annagu shaqsiyada gudoomiyaha Baarlamaanka marna kamaanu hadlin oo ma faragelin. Xisbiga KULMIYE marna ma durin, mana durayo, ixtiraam ayaan u haynaa madaxda qaranka ee golayaashu doortaan ee codka ku fadhiya. Haddii laga qaadayona baarlamaanka ayaa awoodaa leh. Waana gudoomiyahii baarlamaanka, su’aali kama taagna.