WARBIXIN: KAADH QAYBINTA DOORASHADA SOMALILAND 08/02/2017

0
574

Doorashadii madaxtinimada Somaliland ee wakhtiga dheer la sugayey ayaa haatan loo asteeyey inay qabsoonto 13 November 2017. Waxaana kaadhqaadashada codbixiyayaashu ay si rasmi ah uga bilaabantay Somaliland 29 April 2017. Gobollada Awdal, Saaxil iyo xeebaha gobolka Sanaag ayaa ahaa meelihii ugu horreeyey ee kaadhqaadashada laga sameeyey, taas oo ku soo dhammaatay muddo 28 maalmood ah. Wejiga labaad waxaa la bilaabay 8 July 2017, waxaana laga hirgeliyey gobollada Maroodi-jeex (Hargeisa) iyo Togdheer. Wejiga labaad ayaa si guul ah u soo dhamaaday 30 July 2017.

Wejiga saddexaad ee kaadhqaadashada ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilawdo 12 August 2017, isagoo ka bilaabmaya Gobollada Sool iyo Sanaag.

Bishii March 28-keedii, waxaa guddida Doorashada ee Somaliland ay shaaciyeen natiijo hordhac ah oo ku saabsan tirada dadka iska diiwaangeliyey gobollada Somaliland.

Gobolka Maroodijeex: 312, 634 Qof

Gobolka Saaxil: 78,842 Qof.

Gobolka Togdheer: 178,506 Qof.

Gobolka Sool: 71,096 Qof.

Gobolka Sanaag: 85,222 Qof.

Gobolka Awdal: 147,031 Qof.

Wadarta guud : 873,331

Hase ahaatee tirada rasmiga ah ayaa guddida Doorashada ee Somaliland ay ku dhawaaqayaan marka la soo afjaro qaybinta kaadhadhka codbixinta ee haatan socota. Xilliga rasmiyan loo filayo inay kaadhqaybintu ay soo afjaranto ayaa ah bisha 8 September 2017.

Saddexda Xisbi ayaa laga rabaa inay gudbiyaan liista rasmiga ah ee musharaxiintooda u tartamaya jagada madaxweynaha iyo ku xigeenka ka hor inta aan si rasmi ah loo bilaabin ololaha doorashada.

Kulmiye waxay qabsadeen shirkoodii golaha dhexe iyaga oo u doortay Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo musharaxa jagada Madaxweyne halka Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici uu isaguna noqonaya musharaxa madaxweyne ku xigeenka. Xisbiga Waddani ayaa u doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi inuu noqdo musharaxa madaxweynaha iyaga oo ku xigeenkana u doortay Maxamed Cali. Xisbiga UCID ayaa isagu musharaxa u doortay Faysal Cali Waraabe hase ahaatee illaa haatan xisbigaasi kumuu dhawaaqin musharaxa madaxweyne ku xigeenka.

DHACDOOYINKA WERWERKA LEH EE DHACAY.

 

Hawlgalkii kaadhqaybintu wuxuu u dhacay hab nabdoon, inkasta oo mararka qaar ay soo baxeen warar sheegaya in kaadhadh codbixin la iibsaday, taas oo laga soo sheegay meelo ku yaalla Saylac iyo meelo kale. Sidoo kalena ay dhacday in Guddida Doorashada ee Somaliland iyo Guddida anshaxuba ay soo saareen digniin ay u jeediyeen xisbiyada qaar oo baalmaray xeerkii anshaxa, isla markaana mid ka mida xisbiyada mucaaradka ahi uu ka cawday marar kala duwan in dhibaatooyin loo geystay. Haddaba halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mida dhacdooyinka ay diiwaangelisay Xarunta CPA, inkasta oo ay jiri karaan dhacdooyin kale oo aan soo gelin warqabadka CPA.

1. Xisbiga Waddani wuxuu u sheegay warbaahinta gobolka Gabiley, in xukuumaddu ka hor-istaagtay xafiis uu ka kiraystay Gabiley. Masuuliyiinta Waddani ee gobolkaas oo ku hor hadlay guriga ayaa eedaynta dusha uga tuuray xukuumadda, Hase ahaatee Wasiiru-dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddaas. [1]

2. 17 July 2017, Guddida Anshaxa ee Doorashooyinka Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Guddida Doorashada ayaa ku eedeeyey xisbiyada Waddani iyo Kulmiye inay sameeyeen olole aan sharci ahayn intii ay socotay kaadh qaybinta gobollada Togdheer iyo Hargeisa. Guddida Doorashada ayaa sheegay in ololayaashaasi ay ahaayeen kuwo sharciga baalmarsan oo meel ka dhac ku an xeerka anshaxa ee ay saxeexeen. [2]

3. 20 July 2017, Guddida Doorashada ee Somaliland oo shir jaraa’id qabtay ayaa ganaax ku soo rogay xisbiyada Kulmiye iyo Waddani oo ay ku eedeeyeen inay ku xadgudbeen Xeerkii anshaxa, isla markaana ay sameeyeen ololayaal intii ay socotay kaadhqaybinta gobollada Togdheer iyo Hargeisa. Siddoo kale Guddida ayaa cabashooyin ka helay Xisbiga UCID. Guddida Doorashada ayaa ku ammaanay xisbiga UCID inay u hoggaansameen xeerkii anshaxa ee ay saxeexeen. [3]

4. 20 July 2017, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in illaa 20 xubnood oo xisbigiisa ah inay xidhay xukuumaddu muddo toban maalmood ah, wuxuuna xukuumadda ku eedeeyey inay cadaadis ku hayaan isla markaana ay xukuumaddu xidhay xafiisyo kala duwan oo ay leeyihiin. Cirro ayaa sheegay inay mudaharaad samayn doonaan haddii aan dawladdu joojin cago juglaynta. [4]

5. 22 July 2017, Xisbiga Kulmiye ayaa warbaahinta u soo bandhigay in waxyeello loo geystay xafiis ay ku lahaayeen xaafadda New Hargeisa, waxayna ku eedeeyeen Xisbiga Waddani. Warbaahinta waxaa la hadlay Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax ee Xisbiga Kulmiye Axmed Yonis Aadan. [5]

6. Taageerayaasha Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ayaa warbaahinta bulshada isku dhaafsaday ereyo laga dheehan karo nacayb isla markaana iska fidiyey dacaayado kala duwan.

7. Siyaasiyiin kala duwan ayaa isticmaashay ereyo qabyaaladeed, taas oo keenaysa kala qaybinta reeraha, haddii ay sii faaftona saamayn ku yeelanaysa wadajirka umadda.

8. 23 July 2017, Goor habeenimo ah waxaa ka dhacay gobolka Gabilay, mudaharaad, sida ay sheegeen masuuliyiinta Gabiley, isu-soo baxaas waxaa dadka ka qaybgalay ay ku dhawaaqayeen ereyo ay uga soo horjeedaan musharaxa Xisbiga Kulmiye. Wasiiru-dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye ayaa u sheegay telefiishanka Star in xisbiga Waddani uu ka dambeeyey, wuxuuna sheegay inay xabsiga dhigeen shakhsiyaad arrintan lala xidhiidhinayo. [6]

TALO-SOO JEEDIN

1. Si loo qabto doorasho xor ah, xalaal ah isla markaana u dhacda si nabdoon, waa in dhammaan dhinacyada ay khusayso doorashadani ay ka wada shaqeeyaan caqabadaha taagan ee wax u dhimi kara qabsoomida doorashada.

 

2. Xukuumadda, Xisbiyada iyo Guddida Doorashadu waa inay wada shaqeeyaan, isla markaana xogta wadaagaan si wada jirana u xalliyaan dhibaatooyinka hadba soo baxaya.

3. Guddida Doorashadu waa inuu dadweynaha la wadaagaa xogta iyo macluumaadka si ay kor ugu kacdo daah-furnaantooda shaqo.

4. Xisbiyada Siyaasaddu waa inay joojiyaan ku ololaynta qabyaaladda, taas oo bulshada qaybinaysa isla markaana keenaysa xiisado halis ku noqon kara ammaanka iyo doorashadaba.

5. Hannaan wacyigelinta dadweynaha ee doorashada ee haatan waa in dib loo eegaa, laguna saleeyaa hab waxtar u yeelan kara hawlaha doorashada, isla markaana fariimaha gaadhsiin kara codbixiyayaasha oo ay ku jiraan dadka ku nool gobaha miyiga ah.

 

6. Ururada bulshada rayidka ahi waa inay doorkooda ka qaataan sidii hannaanka doorashadu ugu socon lahaa habka ugu wanaagsan.

7. Waxaa sii kordhaya walaaca ku aaddan adeegsiga wararka been abuurka ah, oo halis gelin kara habsami u socodka doorashada. Dhinacyada ay arrintani khusayso waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddaan qorshe arrintaas looga hortegayo ama ugu yaraan kor loo qaadyo wacyiga dadka ee ku aaddan inay rumaystaan wararka been abuurka ah ee soo badanaya, ka hor intaanay abuurin xiisad.

8. Saddexda Xisbi Qaran waxaan si gaar ah ugu baaqaynaa inay la yimaaddaan is-xakamayn, isla markaana ay muujiyaan dulqaad, xilna iska saaraan amniga guud ee qaranka si doorashadu u noqoto mid ka tarjunta rabitaanka rasmiga ah ee dadweynaha.

Ku Saabsan Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee CPA

Xarunta CPA waxaa loo aasaasay inay dalalka Geeska Afrika ka caawiso dib u dhiska, nabadaynta, dimoqraadiyadda, Xuquuqda Aadanaha iyo weliba in muwaadiniintu helaan xuquuq ay u siman yihiin. Xarunta CPA waa magaalada Hargeisa ee xarunta Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Lifaaqa

1. https://www.youtube.com/watch?v=aKeIyw6WfpE&t=168s

2. https://www.youtube.com/watch?v=ySytqKbvoSc

3. https://www.slnec.com/…/daawo-war-saxaafadeed-kdq-soo-saar…/

4. https://www.youtube.com/watch?v=enT3ziRMKuM

5. https://www.youtube.com/watch?v=ZU36iBhgUgE

6. https://www.youtube.com/watch?v=wYZUX35aP5Q