WARBIXIN: Hadal-Hayn Ka Dhalatay Doodda Ay Oromadu La Shir Timi & Dhulka Oo Ah Damaca Ugu Xaasaasisan

0
87

Hargeysa [Geeska/BBCsomali.com]:- Dood iyo hadal-hayn ayaa ka dhalatay kadib markii odeyaasha dhaqanka qowmiyadda Oromada Itoobiya ay socdaalka ku  ku yiaadeeni magaalo madaxda  jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo sheegtay inay  ka tirsan yihiin mid kamid ah beellaha Soomaalda. Wefti ka kooban oday dhaqameedyo oromo ah oo Hargeysa yimi toddobaadkan kaasi oo   uu hoggaaminayay ugaas dhaqameed la sheegay inuu  yahay hoggaamiyaha ama guddoomiyaha guutida oromada itoobiya ayaa tibaaxay  in wada dhalashada iyo diintu ka wada dhexeeyaan walow qaar badan oo ka mid ah qoomiyadda Oramadu aanay muslmiin ahayn. Mid ka mid ah, wafdiga oo afka Soomaaliga si fiican ugu hadlayay ayaa sheegay in oromo-da iyo beellaha Somaliland ay wada leeyihiin dhulka iyo dekedda, isaga oo si gaar ah u carrabaabay dekedda Saylac, oo la sheegay in ay Itoobiya  danaynayso. Dalalka Geeska Afrika sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya waxaa wada dega qowmiyado badan oo ay ka mid yihiin Soomali iyo Oromo. Labadan qowmiyadood waxay kaga duwan yihiin qowmiyadaha kale ee ay dalalkan wada degaan, in ay leeyihiin dhowr waxyaabood oo isu dhaweynaya labadooda.  Wa’ayo qowmiyada Oromadu?  Oromadu waa qoomiyad degta geeska Afrika tiradooda guudna lagu qiyaaso ilaa 40 milyan oo 25 milyan oo ka mid ah ay ku noolyihiin Itoobiya. Qoomiyadani waa Kushitik u badan Muslimiin. Ka sokow Itoobiya waxay qaar ka mid ahi degaan Sudan iyo Kenya. Waxay isugu jiraan beeralay iyo xoola dhaqato reer guuraa ah. Daraasadaha taariikhda afafku waxay tilmaamayaan in ay qoomiyadan kasoo jeeddo    harooyinka sida Chew Bahir iyo Chamo oo ku wada yaal dalka Itoobiya. Waxay taariikhda Afku qiyaasaysaa in halkan ay ku noolaayeen in ka badan 2 kun oo sano. Qowmiyadaha Soomaalida, Oromada, Rendille, Booran iyo Gabra waxay ka wada tirsan yihiin Kushitic oo ah mid ka mid ah magacyada lagu mideeyo jinsiyadaha iyaga oo la eegayo waxyaabo ay ka mid yihiin hidde sidahooda iyo taariikhdooda. Afafka Orormada iyo Soomaaliga ayaa ku wada jira afafka la isku yidhaahdo Kushitik oo ay ka mid yihiin afafka qoomiyadaha aan kor kusoo xusnay iyo kuwa kale.  Oromadu ma Soomaali baa mise Soomaalida ayaa Oromo ah?  Waxyaabaha ku saabsan Weftiga Hargeysa socdaalka ku yimi iyo haddalladooda  hadal haynta dhaliyey oo ka mid ah su’aashan aan kor ku xusnay. Siyaabo kala duwan ayeyna dadku uga falceliyeen. Haddaba taas awgeed waxaan eegaynaa waxa ka jiri kara sheegashooyinka qaar. Kahor burburkii dal waynihii la odhan jiray Soomaaliya, bulshada Oromo-da ee Soomaaliya joogtay, oo qaarkood ahaa jahbad hubeysan oo la dagaalama taliskii  Itoobiya waxaa loogu yeedhi jiray Soomaali Aboo. Labada qoomiyadood ee Soomalida iyo Oromadu waxay degaan laba dhul oo aad u ballaadhan dhinacana isku haya, iyo meelaha dhulkaasi iska galo oo ay wada degaan. Intaas waxaa dheer inay jiraan   sheegasho   marar badan la arko in qabiillo ka mid ah Oromadu ama Soomaalidu ay sheegtaan midka ay afkooda ku hadlaan mooyee ka kale. Tani waxay cadayn u tahay suurta galnimada ah in tusaale qoys Soomaali ahi uu la dhaqmo Oromo sidaasna uu ku noqdo Oromo inkasta oo ay ogyihiin in ay dhalasho ahaan yihiin Soomaali.   Tusaalaha ugu fiican: Weftiga  Hargeysa  yimi ee  sheegay inuu soo maray Kenya, waxay ku doodayaan inay yihiin qabiil Soomaali ah oo sida ay sheegayaan kaliya aan ku jirin Oromada ee sidoo kale ku dhex jira lana dhaqmay qoomiyada Booranta iyo kuwa kale. Tusaale kale;  beesha Sheekhaal waxaa jira qabiil Oromada la dhaqmay kuna hadla afka Oromada balse ku abtirsanaya isla halka ay Sheekhaal ku abtirsato. Sheegashadu iyaga u gaar ma aha ee waxaa ogol oo la qaba isla beesha Sheekhaal ee Soomaalida ah. Warbixintan oo uu Wargeyska Geeska afrika ka soo xigtay qormo shalay lagu daabaycay degelka laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa intaas ku ladhay in aan la beenin karin lana xaqiiqsan karin in labadan qoomiyadood ay isku dhafan yihiin  laakiin ay jiraan raadad aan la tirtiri karin oo muujinaya in qabiillo ka dhex beermay lamaanneyaal ka kala tirsan Soomaalida iyo Orormada oo is guursaday  saamayn togan iyo mid tabanna ku yeeshay abtirsiinta labadan qoomiyadood  “Ma beenin karno mana rumayn karno balse waxay cadeyn u tahay sida ay suurta gal u tahay in labadan qowmiyadood (Oromo iyo Soomaali) ay isku dhex milmaan. Waxaa sidoo kale jira sheegashooyin ah; qabiillo ka dhex abuurmay labada qowmiyadood oo is guursaday. Laakiin xaqiiqada taariikhda iyo sooyaalka labada bulsho waa in aaanay  midna ahayn tan kale, se ay yihiin labo qowmiyad oo siman, islamarkaas na hal meel kasoo farcamay. Diinta

Qowmiyadda Oromadu waxay leedahay Muslimiin iyo masiixiyiin labadaba, hase yeeshee waxaa badan kuwa islaamka ah waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 55% ilaa 60% inay yihiin Muslimiin sunni ah. Oromada muslimiinta ah waxay dhul ahaan is xigaan Soomaalida, waana halka uu ka yimaaddo isdhex galka labada qowmiyadood. Inkasta oo aynaan qodob gaar ah ka dhigayn dhaqanka; Soomaalida iyo Oromadu way isaga dhowyihiin dhaqan ahaan qowmiyadaha kale. Waxay leeyihiin wax la ydhaahdo Abbaagadhe oo u dhigma Ugaas ama Suldaan. Oromadu waa xoola dhaqato sida Soomaalida oo kale walow dhanka beeraha ay Soomaalida kaga horreeyaan, waana reer guuraa kuwooda xoolaha dhaqda. Dhulka  Sida aan horeba soo xusnay dhulka ay hadda Soomaalidu degto iyo kan Oromadu dhinaca ayey isku hayaan walow aanu  u dhaxaynin xad cad oo kala qaybiya ayna dhacdo in mararka qaar ay isu gudbaan si nabad ah iyo dagaal ba. Qodobada ama waxyaabaha mideeya Soomaalida iyo Oromada uguna xasaasisan waa dhulka, balse si aan sawir uga bixinno aan dib ugu laabanno xooga taariikh ah. Qarnigii 13-aad ilaa 14-aad ee miilaadiga waxaa geeska Afrika ka talin jirtay boqortooyo islaami ahayd oo la yirah ADEL.  Boqortooyadan waxaa xarun u ahayd magaalada Herer oo hadda ku taal gudaha dalka Itoobiya. Maadaama ay ahayd boqortooyo Islaami ah, waxay ka dhaxaysay guud ahaan qoomiyadihii muslimiinta ahaa ee halkaas ku dhaqnaa iyo kuwa gadaal ka yimidba.  Boqortooyadani waxay la dagaali jirtay marar badanna dhul kala qabsadeen  dhiggeedii xabashida oo ahayd bqortooyo masiixiyad ah. Bqortooyadan waxaa hogaamin jiray marka laga tago shakhsiyaad aan asalkooda si fiican loo qeexin, madax Soomaali ah kana dhashay qaar ka mid ah Qabiillada aan maanta Soomaali u naqaanno. Magaaladan aan sheegnay waxaa dhinac walba hadda ka xiga Oromada ama dhulka Oromada.  Sida ay dawladda itoobiya diiwaan galisay Oromada degta magaalada Harar maanta, waxay ka badan yihiin Soomaalida iyo xitaa qowmiyadda Herarida loo yaqaanno oo la sheego inay asal ahaan degi jireen halkaas xitaa saldanadii Adel ka hor.