Sida ay sheegtay wakaaladda warar ee Itoobiya, (EPA), iyada oo soo xiganeysa wasiir ka tirsan xukuumadda Itoobiya, waxaa meel wanaagsan maraya, siina hagaagaya wadahadalo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ku oo ahaa  in dawladda Itoobiya ay wax ka isticmaasho takadda wayn ee magaalada Berbera. Warkaan ayay wakaaladdu ku daabacday bogga ay ku leedahay barta Facebook.Bishii aynu soo dhaafnay ee October, ayaa ra’iisl wasaarah a Itoobiya Abiy Axmed sheegay, in helitaanka bad iyo Dakad ay leedahay itoobiya  uu yahay mid ay ku xidhan tahay ‘jiritaan Itoobiya’, arrintaas ayaa walaac ka dhex abuurtay wadamada dariska la ah Itoobiya. Wasiirka gaadiidka iyo lojistikada ee Itoobiya, Alemu Sime ayaa hadalkaan ka sheegay shir ay lahaayeen golaha wasiirada ee dalka kaas oo uu shir gudoominayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed sida ay sheegtay wakaalada EPA ee arrintaan baahisay.  Ka Dib hadalkan kasoo yeedhay itoobiya ayay  BBC-du Waxay la Xidhiidhay  wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Dr Ciise Kayd, balse waxa uu sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo ay kala leeyihiin Itoobiya Isaga oo u Jeeda   Arrintaan ah in Itoobiya yeelato 19%” ayuu yidhi waiirka oo sheegay in arrintani mar hore ahayd, warkeediina hadda dhamaaday.  Heshiiskaas ayuu sheegay in Itoobiya ay ka soo bixi wayday  shardigii laga rabay ee ay qaybta uga noqon laheed dekadda Berbera ee ay haatan gacanta ku hayso DP World. “Itoobiya waa ay bixin waday  lacagtii laga rabay, sidaas ayayna ku wayday  qaybtii ay rabtay,” ayuu wasiir kayd sii raaciyay hadalkiisa. Dadka qaar ayaa walwal ka muujiyay in Itoobiya ay si walba ku qaadan doonto baddaha ku teedsan wadamada ay dariska yihiin, balse wasiir Kayd wuxuu leeyahay “Wax walwal ah ma qabno”.  Itoobiya waxay isticmaashaa dekadda dalka Djibouti, halkaas oo ay kala soo dagto 95% waxyaabaha ay dhoofiso iyo kuwa ay la soo dagto intaba.  Itoobiyo iyo damaceeda Dakadeed

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa marar badan sheegay sida jiritaanka Itoobiya ay muhiim ugu tahay inay bad helaan, maadaama dalkiisu yahay mid xeeb la’ aan ah.  Bishii aynu soo dhaafnay ayuu jeediyay hadal dood badan abuuray kadib markii uu sheegay in helitaanka bad, gaar ahaan badda cas ay tahay arrin muhiim u ah jiritaanka dalkiisa, hadalkaas oo ay dad badan u fasirteen inuu yahay colaad lala galo waddanka dariska la ah ee Eritrea.  Abiy ayaa hadalkaan ka yiri khudbad laga sii daayay talafshinka oo uu kula hadlay baarlamaanka dalkiisa.  “Bad cas iyo wabiga Niil ayaa qeexa Itoobiya; waxay asaas u yihiin horumarka Itoobiya,” ayuu Abiy u sheegay baarlamaanka isaga oo ku booriyay inay ka xishoon mawduucaan. Hadalka Abiy ee ku saabsan badda ayaa dood iyo saadaalin ka dhex abuuray dadka Itoobiya ee ku xadhiidha baraha bulshada taas oo la is weydiiyay halista uu u ku keeni karo heshiiskii ay wada gaareen Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afeworki oo ahaa in la soo afjaro colaadda daba dheeraatay ee u dhaxaysay labada waddan, Heshiiskaas ayaa dhacay sanadkii 2018 kii. Ciidamada Eritrea ayaa ka barbar dagaalamay kuwa Itoobiya xilligii ay dagaalka kula jiree ciidamada Tigray kaas oo ka dhacay wuqooyiga dalka Itoobiya.  Itoobiya ayaa sidoo kale horaan sheegtay inay dhisaneyso ciidmadeeda badda.