Warbaahinta Maraykanka Oo Wax Ka Qoray Socdaalka Madaxweyne Biixi Ee Washington & Kulan Uu La Yeeshay Guddi Uu Joe Biden Hoggaamiyo

0
674

Warbaahintu waxay Diiradda saartay Hadalkii Uu Madaxweynuhu ku sheegay in Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya Fashilmeen

Washington (Geeska) – Warbaahinta Dunida, ayaa si weyn wax uga qortay socdaalka uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Maraykanka.

Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan taabanasey ka jeediyey Mac-hadka ‘The Heritage’ ee Magaalada Washington DC, ayaa ka warramay Marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay, Nidaamka Dimuqraadiga ah ee ay ku dhaqanto, doorashooyinka ay qabato, amniga ka jira iyo sida ay Adduunka intiisa kale ugala shaqayso la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah.

Sidaa darteed, Warbaahinta dunida, gaar ahaa kuwo fadhiyadoodu yihiin Maraykanka, ayaa qaadaa-dhigay khudbaddii uu Madaxweynuhu ka jeediyey Mac-hadka ‘The Heritage’.

Warbaahinta Associated Press oo ka mid ah Hay’adaha Warbaahineed ee wax ka qoray socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa soo qaatay hadal ku jiray khudbaddii Madaxweynuhu ka jeediyey ‘The Heritage’ kaasi oo ahaa inay fashilmeen Wada-hadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, sidaa darteedna ay taasi ku khasbayso inay Beesha Caalamka Aqoonsi buuxa waydiistaan.

Wakaaladda Wararka ee Associated Press waxa kale oo ay soo qaadatay hadalladii uu ka jeediyey munaasabaddaa Mr. Kevin Roberts oo ka dhacday Xarunta Heritage Foundation ee Washington, inuu aaminsan yahay in Somaliland iyo Mareykanku wada yeeshaan xidhiidh adag oo dhow, maaddaama ay ku taal Somaliland Gobol ay ka jirto xasilooni-darro iyo ammaan-xumo xagga argagixisada ah, iyadoo uu Mr. Kevin sheegay in taa beddelkeedana ay Somaliland tahay goob deggan oo ku taal Geeska Afrika oo Mareykanku wax la qabsan karo uu wax ay wada qabsan karaan.

Mr. Kevin Roberts waxa uu intaa ku daray in Somaliland tahay dal ku taagan cagihiisa oo ku dhaqma hannaanka Dimoqraadiyadda, soo qabsanayey doorashooyinkooda muddo dheer, balse aanay dunida inteeda badani ka war-hayn.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa la kulmay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Golaha Amaanka Qaranka Maraykanka (National Security Council), waxaana kulankaa lagaga wada hadlay iskaashiga, nabadgelyada iyo dimuquraadiyadda iyo horumarinta. Sidoo kale, Madaxweynaha qaranka Somaliland iyo weftigiisu waxay kulamo kale la yeesheen hay’adda Caalamiga ah ee dimuqraadiyadda qaranka Maraykanka (National Endowment for Democracy) iyo Baanka Adduunka (World Bank).

Guddiga sare Amniga Qaranka Maraykanka waxa Guddoomiye u ah Madaxweyne Joe Biden, waxaana Xubno ka mid ah Xoghayeyaasha Arrimaha dibedda, Difaaca iyo xubno kale oo muhiim ah, waxayna jaan-gooyaan siyaasadda Amniga iyo ta Arrimaha dibedda ee Maraykanka, waxaana la filayaa in Guddigaasi waxyaabihii ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland ay dhawaan ku soo saaraan War-murtiyeed.

Geeska.net/Hargeisa Office