46 Xildhibaan Oo Golaha Wakiillada Ah Oo Maxkamadda Sare U Gudbiyey Xeerka Furista Ururrada Oo Muran Ka Taagan Yahay, Si Ay Tafsiir Ugu Samayso

0
391

Hargeysa (Geeska) – 46 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Shalay Maxkamadda sare u gudbiyey Qaraar ay ku dalbanayaan in Tafsiir-sharci lagu sameeyo Xeerka Furista Ururrada siyaasadda, ka dib markii Mudaneyaasha Golahaasi ku kala qaybsameen inuu dhaqan-gal yahay iyo in kale.

46 Mudane oo aaminsan in Xeerka Furista Ururradu uu dhaqan-gal yahay isla-markaana doonaya inaan Goluhu gudo-gelin, ayaa Maxkamadda u gudbiyey Qaraarkooda ah in Maxkamaddu arrintan ku samayso Tafsiir, si ay u kala saarto labada dhinac ee Golaha Wakiillada.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo u hadlay xildhibaanada Maxkamada hortagay shalay, ayaa sheegay in la isku haysto in Madaxweynuhu uu xeerka golaha ugu soo celiyay muddadii sharcigu siinayay iyo in uu muddo dhaafay oo uu sidaa dhaqangal ku yahay, waxaanu yidhi isagoo arrimahaa ka hadlaya “Wax dhibaato ah oo Golaha iyo Qaranka midna ka jirtaa ma jirto, laakiin Goluhu wuxuu isku qabtay laba qodob oo sharci ah, xeer Madaxweynaha loo gudbiyay oo madaxweynuhu soo celiyay ayaa goluhu wuxuu isku qabtay xiligii loogu talo galay ayuu Madaxweynuhu ku soo celiyay iyo kumuu soo celin” ayuu yidhi Abiib.

Abiib ayaa sheegay in ay Maxkamadda xeerka ugu gudbiyeen si ay u kala caddayso qodobka dastuurka ka mid ah ee loo raacayo “Qayb naga mid ahi waxay leedahay xeer ka waxa loo raacayaa qodobka 77 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, 46 mudane oo halkan jooga oo uu ku jiro guddoomiye ku-xigeenkii golaha wakiilladuna ay leeyihiin waxa loo raaxayaa qodobka 78″ ayuu yidhi Abiib, waxaanu intaa ku daray “Shacabka waxaanu u iftiiminaynaa in Qodobbo Sharci la isku hayo, laakiin aan siyaasad la isku haynin, Waayo? Golaha Wakiilladu ma muddeeyo Doorashada xilliga la qabanayo, Komiishanka ayaa muddeeya doorashada xilliga la qabanayo, Masuuliyadda qabashada doorashaduna waxay saaran tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, in la siyaasadeeyo maaha, haddii Golaha Wakiilladu waajibkiisii ka gudan kari waayay inuu labadaa qodob ku kala baxo, oo ay qolo leedahay aynu cod u qaadno wax ka beddelkii Madaxweynaha iyo Mayee Xeerku wuxuu ku Muddo-dhaafay Gacanta Madaxweynaha, markaa qodobbadaa Dastuuriga ah ayaa la isku hayaa. Markaa Maxkamadda sare waxaanu ka rabnaa oo aanu Marti uga nahay Tafsiir-sharci ah oo ah labadaa qodob ka loo raacayo Xeerkaa.”

Xildhibaan Maxamed Abiib wuxuu sheegay inay ka xun yihiin in muddo 7 Maalmood ah uu Golahoodu u fadhiisan kari waayo Khilaafka ka taagan Xeerka Furista Ururrada siyaasadda “Aad baan uga xumahay in 7 Maalmood uu Golahayagii Wakiilladu fadhiisan kari waayo, Masuuliyaddaana Cid baanu  saaranay, Ciddii aanu saaranay inay sideeda u gudato ayay ahayd..” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office