Warbaahinta Kenya Oo Indhaha Ku Soo Jeedisay Halista Somaliland Ka Soo Waajahaysa In La Laalo Heshiiska SOM Cable

0
1092

Nayrobi(Geeska)-Warbaahinta dalka Kenya ayaa indhahooda ku soo jeedisay toddobaadkan Somaliland, waxaanay sheegeen inay Somaliland halis dhinaca maalgashiga ahi ka soo waajahayso xeerka isgaadhsiinta ee ay dhawaan baarlamaanka Somaliland ku sameeyeen kaabista iyo wax ka bedelka oo meesha ka saaray heshiiskii xukuumadda Somaliland iyo shirkadda SOM Cable.

Wargeyska caanka ah ee Daily Nation, wargeyska Standard Media iyo warbaahinta Citizen, ee dhammaantood xarumahoodu yihiin magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa baahiyay qormooyin ay ku sheegeen in wax ka bedelka iyo kaabista xeerkaas lagu sameeyay oo meesha lagaga saaray heshiiskii ay xukuumadii hore ee Somaliland la gashay shirkadda SOM Cable ee ganacsade Maxamed Aw Siciid, ay caqabad ku noqon doonaan maalgashi mustaqbalka lagu sameeyo Somaliland, waxaanay warbaahinatani sheegeen in siyaasaddo is diidan oo Somaliland ka jiraa ay caqabad ku noqonayaan maalgashadayaasha.

CITIZEN

Telefishanka Citizen TV, ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa warbixin uu ku qoray boggiisa uu wararka ku baahiyo, wuxuu ku sheegay  inay Somaliland halisi ka soo food saari karto xeerka isgaadhsiinta dalka ee ay dhawaan Baarlamaanku ku sameeyeen kaabista iyo wax ka bedelka.

Warbixinta oo ciwaan looga dhigay, ‘Somaliland: Siyaasadaha ka dhanka ah maalgashiga.” Oo uu diyaariyay weriye ka tirsan Citizen, ayaa wuxuu ku sheegay in Somaliland oo aqoonsi caalami ah raadinaysa kuna caan baxday nidaamka dimuqraadiyadeed iyo suuqa xorta ah ee ganacsiga iyo dhaqaalaha, ay hadda qaaday jid dib u noqosho oo caqabad ku noqonaya fursadaha maalgashi ee lagu samayn lahaa dalka,

Wargeysku, wuxuu warbixintiisa ku sheegay in khubarada siyaasadda iyo dhaqaaluhu ay aaminsanyihiin in natiijada ka dhalatay wax ka bedelka lagu sameeyay xeerka isgaadhsiinta oo saameeyay heshiiskii shirkadda SOM Cable uu sababay warbixin uu dhawaan wargeyska Capital ee Addis Ababa ka soo baxaa qoray oo sheegaysa in dawladda Itoobiya joojisay saamigii ay ku lahayd maalgashiga iyo horumarinta dekedda Berbera. “Somalilnd waxay heshiis la saxeexatay shirkadda SOM-CABLE si ay maalgashi ugu samayso xadhiga Fiber Optic iyo abuuritaanka kaabayaasha ku habboon ee muwaadiniinteeda si ay u helaan internet awood leh.” Ayay tidhi warbixintu, waxaanu intaas raaciyay, in heshiiskan loo arkay fursad maalgashi oo soo jiidanaysa in maalgashadayaal kale ay maalgashi ku sameeyaan Somaliland. “Heshiiskani wuxuu Somaliland siiyay koboca ay u baahantahay ee ah inay la shaqeyso shirkadaha caalamiga ah, kuna dhiirrigeliso inay maal gashadaan waddankeeda. Shirkadda Dubai Ports World iyo Emirati consortium oo maamula dekedo faro badan oo dunida ah ayaa aqbalay inay ku maalgashadaan dekeda Berbera ee Somaliland.” Ayay tidhi warbixintu, oo sheegtay inay ay mar keliya soo baxday talaabo aan la filayn oo ay dawladda Somaliland ku soo diyaarisay wax ka bedelka iyo kaabista xeerka isgaadhsiinta Somaliland, wuxuuna sheegay in 7 March ay Baarlamaanka Somaliland wax ka bedel ku sameeyeen xeerkaas oo dawladda u saamaxaya inay ka noqoto heshiiska ay la gashay shirkaddan.

Standard

Wargeyska Standard Media ayaa isna qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Isbedelka lagu sameeyay xeerka isgaadhsiintu wuxuu niyad jabinayaa maalgashadayaasha, waxaanu dhaawacayaa mawqifka Somaliland.”

Wuxuu wargeysku sheegay in isbedelka iyo kaabista xeerkan lagu sameeyay uu dhaawacayo sumcadii Somaliland, waxaanu wargeysku isku xidhay isbedelka lagu sameeyay xeerkan iyo warka ay jariirada Capital ee Itoobiya dhawaan qortay ee dekedda Berbera ku saabsan.

Standard, wuxuu sheegay in heshiiska shirkadda SOM Cable iyo dawladda Somaliland uu ahaa fursad maalgashi oo weyn oo warbahinta dunida ku soo jeedisay fursadaha maalgashi ee Somaliland.

Talaabadan uu Baarlamaanka Somaliland kaabista iyo wax ka bedelka ku sameeyay heshiiska shirkadda SOM Cable iyo Somaliland, ayuu wargeysku sheegay inay raad xun ku yeelanayso Somaliland, balse ay dawladda maanta talada haysaa iska indho tirayso, wuxuuna ku soo gunaanaday warbixintiisa in talaabadan uu Baarlamaanka ku laalay heshiiskaasi ay dhaawacayso sumcada Somaliland iyo aaminaadii dunida ee sannado badan la soo dhisaayay.

Daily Nation

Wargeyska Daily Nation, ayaa isna lagu qoray warbixin ciwaan looga dhigay “Siyaasaduhu waxay dilayaan maalgashiga Somaliland.”

Wargeysku, wuxuu sheegay in maalgashadayaal badani ay indhaha ku soo jeedinayeen Somaliland, doonayeena in ay dhaqaalahooda geliyaan dalkan curdinka ah ee aan aqoonsiga haysan, “Dalkani awood uma laha uu kula xidhiidho hay’adaha dhaqaale ee caalamiga ah oo uu  kelidii ku soo jiito maalgashi shisheeye. Hase yeeshee shirkado gobal iyo kuwo caalami ah ayaa qaatay khatarta ah inay maalgashadaan dalkan aan la aqoonsanayn, waxaanay natiijadii noqotay inay Somaliland ka soo muuqatay warbaahinta caalamiga ah inay tahay dal istaraataji ah oo diyaar u ah ganacsiga. Waxay Somaliland heshiis ganacsi la saxeexatay shirkadda SOM-cable si ay u maalgashato xadhiga  Fiber Optic.” Ayay tidhi warbixinta wargeyska Daily Nation.

Wuxuu wargeysku sheegay in heshiiskaas loo arkay fursad maalgashi oo maalgashadayaasha dunida tusi kara sawir ah  inay Somaliland diyaar u tahay in la maalgshado oo ay dawladu ilaalinayso  hantida maalgsadaha ka dib maalinta uu Baarlamaanku ansixiyo, laakiin taladii uu Baarlamaanka Somaliland qaaday 7 March ee uu wax kaga bedelay heshiiskii SOM-Cable ayuu wagesysku sheegay inuu dhaawacayo kalsoonidii iyo aaminadii Somaliland, waxaanu xusay in heshiiska la laalay uu saamayn ku yeelanayo maalgashadayaasha kale ee Somaliland sida DP world oo kale, wuxuna wargeysku sheegay in  arrintani dhibaato u gaysanayso sumcad muddo dheer la soo dhisaayay laakiin uu sheegay in dawladda maanta jirtaa ay iska indho tirayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here