Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Xanuunka Coronavirus Iyo Tallooyinka Uu Shacabka U Soo Jeediyay Si Looga Hortago

0
476

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Cudurka Coronavirus ee aadka ugu faafaya Dunida, waxaanu Bulshada u soo jeediyey Talooyin la xidhiidha sida looga taxadari karo, haddiiba uu Somaliland soo gaadho.

Madaxweynaha oo Shir-jaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada Shalay ayaa Shacabka u soo jeediyey inay raacaan Tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadku ka bixiso Cudurka, waxaanu sidoo kale ka halday dedaallada lagaga hor-tagayo Cudurka ee Dawladdu ka waddo Xuduudaha dalalka Deriska iyo qorsheyaasha kale ee la xidhiidha bedbaadinta Shacabka.

Tilmaamaha Cudurka

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Shacab iyo Madaxduba looga baahan yahay inay ku dhaqmaan Tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka “Tallaabooyinka la yidhi hallagaga hortago waxa ugu horreeya in meelaha lagu ururayo la daayo, sidaa daraadeed waxaan ummadda Somaliland u sheegayaa inaynu maanta ku soconaynno awaamiirta wasaaradda Caafimaadka, cid kalena amar kama bixin karto oo kama warrami karto, aniga oo madaxweyne ahi waxan raacayaa amarka uu i siiyo  Dhakhtarka u hadla wasaaradda caafimaadku, wasiirku tiisa ayuu raacayaa, Jananku tiisa ayuu raacayaa, saxafigu tiisa ayuu raacayaa, ninka Baayac-mushtarka ahina tiisa ayuu raacayaa, sidaasna waxa ku jirta danteenna si aynnu u nabadgalno”

Goobaha Dadka lagu Karantiilo doono

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu sheegay inay in Gobollada dalka laga diyaarinayo Goobo lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Caabuqa Corona “Waxaynu diyaarinaynaa meelo dadka lagu karantiimeeyo lixda magaalo ee waaweynba, xadkeennana meelaa la tegi doonaa, siday u kala dad badan yihiinna waxaynnu u diri doonaa caafimaad. Waxaynnu  leenahay  Xad min Lawyacaddo ilaa iyo Boosaaso agteeda ah, xadkaasna waxaynnu kaga nabadgelaynaa oo aynnu tallaabo qaadi karnaa in dawladaha aynnu jaarka nahay la yeelanno  xidhiidh aad iyo aad u midaysan oo aynnu colkan iska wada daafacno oo ay wasaaradaha caafimaadka ee dalalka deriskuna ka midoobaan.”

Isku Imaanshiyaha Dadka

Madaxweynuhu wuxuu Bulshada u soo jeediyey inay yareeyaan isku imaanshiyaha, sida aroosyada “Farriinta ugu horraysa ee aan dadka ka codsanayaa in loo hoggaansanaado awaamiirta dhakhtarka, marka horena waxa la yidhi halla yareeyo meelaha lagu soo buuqo, laakiin aroosyaa jira oo xafladaa jiree intii laga maarmi karo waa in la yareeyaa, illayn waa nafteennii waxa aynnu ka hadlaynaaye”

Culimada

Madaxweynaha Somaliland wuxuu Culimada u soo jeediyey inay mideeyaan Farriintooda la xidhiidha Coronavirus “Culimadu warka ay dirayaan waa inuu midoobaa, dadbaa waxay yidhaahdaan cudurkani Muslimka kuma dhacee gaalada uun buu ku dhacaa, laakiin Bani’aadamku waa isku wada mid oo cudurka wuu wada qaadaa, gaal iyo Islaamna wuu ku dhacay, sina waa looga wada taxadaraye, qofna yaan lagu Aamusiinin cudurkani Muslimka kuma dhaco iyo waa ciqaabe cudurku dadka wuu wada gaadhaaye ha laga taxadaro oo dadka taxadarka halloo wada sheego, culimaduna doorkooda haka qaadato oo caqiido ahaan nadaafadda iyo inay ka hortaggu ka wanaagsan yahay ka daba tagga ha u sheegaan.”

Saxaafadda

Madaxweynuhu wuxuu Talooyin u soo jeediyey bahda Warbaahinta, waxaanu yidhi  Dalku ciidanka qudha ee uu haysto ee  cudurkaas wax ka qaban karaa waa saxaafadda, Maanta dhammaanteen waxaynnu ka midaysannahay waa naftaadiiye  waxa ay dhakhaatiirtu inagu amraan sideeda u gudbiya oo yeynaan gelinin war aad meel kale ka maqashay iyo jariirad aad meel kale kasoo akhriday iyo dhakhtar aad la sheekaysatay wuxuu ku yidhi, wixii talo ah ee la hayona guddida halloo keeno.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here