Waraysi Gaar Ah: Wasiirka gaashaandhiga Somaliland

1
673

Wasiirka-Gaashaandhiga-Cusub-ee-Somaliland-Axmed-Xaaji-Cali-Cadami2Hargeysa, (Geeska)- Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed X Cadami ayaa sheegay inuu diyaar u yahay u sadqaynta xilkiisa xalka beeshiisa hadii ay gar leeyahiin, bixinta derejooyinka ciidamaduna kaga danbayn doonin dhamaadka sannadkan.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa cadeeyey in mowqifka xukuumada ee ku aadan shirka Taleex yahay inaan la dhexgelin, laakiin sugayaan go’aamada ka soo baxa, si mowqif la mid ah uga qaataan, wax ka dhul yaalana aanay jirin.

Axmex X. Cadami oo wareysi gaar ah wargeyska Geeska Afrika  la yeeshay ayaa u rajeeyey xisbiga KULMIYE inuu ilaahay ka badbaadiyo cudurka galay xisbiyadii, hadii wax soo gaadheena hore uga dawoobaan, su’aalahii la weydiiyeyna waxay u dhaceen sidan:

S: Ma jireen odeyaal reer Taleex ah oo dil ka dhacay halkaa kala soo xidhiidhay xukuumada, ogaalkaa halkuu marayaa xalkii dilkaa?

J: Arrintaasi mid qoys dhexdii ka dhacday ayey ahayd, annagu shuqul kuma lahayn, mar ba awaxa naloo sheegay, in ciidan, horta ciidan rasmi ah oo Somaliland halka u jooga ma jiro, waxa jira ciidan aan u naqaan ciidan beeleed , imisaa maqan iyo imisaa jooga waa arrin weli xagayaga ku dhiman. Mar baa nala weydiiyey. Arrinka shirka Taleex, xukuumadu mawqif cad bay ka qaadatay, ilaa heer  gole wasiireed aad ba alaysaga dhowray, waxaana la yidhi yaan innaga marmarsiiyo looga heline, aan nabadgelino, marka go’aamo ka soo baxaana, hadba waxii ka soo baxana taladeeda la qaato. Arrimaha qaarkood lagama hortago, laakiin mowqifkii ay qaataanba, mid la mid ah ayaa lagaga hortegayaa, wax annagu gacanta la gelaynana xilligan maaha, ama ciidan annaga noo tirsan uu ilaalinayo. Sida ayaan go’aan ku gaadhnay. Siduu sheegay wasiirka Arrimaha guduhuna xaq bay u leeyahiin in la tixgeliyo shirkooda, waxii la sugaana waa go’aamada ka soo baxa sidii loo waajahi lahaa.

S: Wasiir, guddi ka soo tallo bixisa tabashada saamiga beesha Warsengeli oo talooyin u gudbiyey Madaxweynaha JSL ayaad ku jirtay, maxaa laga qabtay, mase dhamaatay?

J: Tabashadu bani’aadamka weligeed kama dhamaato, mana ahayn mid qofeed, ee way ka weynayd oo mandaqada beeshu ka soo jeedo ayey saamaynaysay, xaqiiqadii, awoodeena dawlad ahaan beelaha wax loo qabanayo way ku jiraan, inkkastoo awood badan aynaan lahayn, haddana wax yare e la hayo inta badan nabadgelyada iyo socodsiinta hawlaha ayey ku dhamaadaan, oo ma lihin dhaqaale buuran oo horumar aynu ku samayno, iyadoo sidaa ah looma darna, oo wax la gaadhsiiyey way jiraan, wax mustaqbalka dhow la gaadhsiinayo, tamartu si kasta ha ahaatee way jirtaa. Kumana odhan karo waxii warqada ku qornaa baa wada dhamaaday oo aduunku waa marxalad marxalad oo hadba meel baa la joogaa.

 S: Waxa lagugu xantaa inaadan ogolayn masuul kaloo kuu dhaafa beeshaada, hadii adigu waxba ka qaban kari weyday , maxaad u diidi in cid kale bal eegto?

J: Horta, dad meel degan waxba lama wada gaadhsiin karo, markii xukuumadan la sameeyey guddi ayaan samaynay cid walba way arkeen, qof wax laga qarsaday ma jiraan, cid si kale wax isu tusi karta way jiraan, laakiin waxaan cadeynayaa in guddi halkan joogta oo odeyaal ahna ay madaxbanaani u arkeen xukuumada, sidoo kale suldaanka beesha Warsengali markuu yimi iyo markuu tegayeyba way is arkeen xukuumada, qof meel gooni ah wax ugu jidhan yihiin dabeecadaa annigu ma lihi.

S: Waxa jira khilaaf dhowaanahan hadheeyey xisbiyada UCID iyo UDUB, ma filaysaa in xisbiga KULMIYE ka badbaadayo?

J: Waxaan filaya insha alaah inuu ka badbaado, hadii wax saameeyeena si dhakhso ah uga dawoobaan. Dimoqraadiyadda iyo nidaanka aynu qaadanay ayaa u baahan axsaab, lagu tallogeli karo oo wadaniyiin ah, sidaa ayaanay hadhow ururadu isugu rogayaan xisbiyo, markaa ma lihi cudurkaasi ha inna wada gaadho, laakiin waxaan u rajeynayaa intuu gaadhay inuu ka baxo, kuwa kalena aanu soo gaadhin.

S: Hadafka ugu weyn ee wasaarada gaashaandhiga waa samaynta darajadii ciidanka, xillima ayaad filaysaa in la bilaabayo?

J: Khubaro milateri aya ku talisay in darajada ay ka horeyso tirakoobka ciidamada, xilligan gebagebo ayuu maraya tirakoobkaasi meelo darafyo ah mooyee oo wax ku hadhsan yihiin. Waxa iyana la wadaa dadkii hawsha qaran hawlgabka ku noqday ama naafada ah, waxaanay xilligan ku maqan yihiin dhinaca Burco guddidii waday, waxa la rajeynayaa in ninka qoriga haysta ee heeganka ah iyo ninka laxaadkiisii ku waayey difaaca dalka aanay isku khaldamin, nin walbana waxii loo diri karo loo diro, markaa hadii ilaah yidhaahdo sannadkan ayaan jeclahay inaanu nala dhaafin.

S: Ugu danbayn, hadii xalka beeshaadu ku xidhnaado  inaad u sadqaysid xilkaaga diyaar ma u tahay?

J: Haa, hadday gar leeyahiin.

Comments are closed.