Oday Qaybe Iyo Milicsiga Taariikhda Ugaaskii Warsengeli

0
1001

Garaadka weynIntii aan Cadan degenaa ee aan gudoomiyaha Naadiga Soomaalida ahaa waxaa isna Cadan noogu yimid Garaad Maxamuud Cali Shire, Ilaahay naxariistii Jano ha ka waraabiyee, oo ahaa Garaadkii Warsangeli, kana soo jeeday Saldanad taariikh dheer, magac iyo maamuusna ku lahaa Somali dhexdeeda.

Dagaalkii labaad ee dunida intuu socday waxaa Garaadka iyo madax kale oo Afrikaan ah oo ay ka mid ahaayeen Boqorkii beesha Anshanti, ee dalka Ghana Boqor Nana Agyinian, Raysalwasaarahii Masar Sacad Zaqluul iyo kuwo kale loo masaafuriyey jasiiradda Seycelles ee badweynta Hindiya. Madaxdaas waxaa lagu eedeeyey inay ka soo hor jeedeen Isticmaarka Ingiriiska.

Garaadku waxuu ka guursaday dadka Jasiiradaas waxuuna halkaa ku dhalay wiil iyo gabadh. Markii dagaalkii dhamaaday ayaa Garaadka la soo fasaxay, laakiin reerkiisii ma soo kaxaysan, oo waa kala lumeen.

Garaad Maxamuud Cali Shire iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan inkastoo ay isu Seeddi ahaayeen muddo dheerna Ingiriiska la wada dagaalamayeen, hadana isku aragti may ahayn oo Garaadku si adag ayuu dhulkiisa uga difaacayey inay Daraawiishtu la wareegaan, dhowr goorna wuu la dagaalamay si uu madaxbanaanidiisa u badbaadiyo

Markii Garaadku Cadan noogu yimid, waxaa ila soo xidhiidhay nin aanu saaxiib ahayn oo Tifaftire ka ahaan jiray wargays lagu magacaabi jiray AL-NAHDA. Waxaa magaciisa la odhan jiray Cabdiraxmaan Gurgurah.Waxuu ka mid ahaa Carabtii faro ku tiriska ahayd ee shahaadada Masters ka soo qalin jebiyey jaamacad ku taalla dalka Britian, taariikhda Garaad-kana wax buu kala socday.

Waxaan u geeyey Garaadkii oo igu yidhi maxuu ninkani naga rabaa? Markaa aniga ayaa isu sheegay oo ku idhi aniga iyo adigu Muuse Carre ayaa ina dhalay Harti-na waynu nahay, oo Dhulbahante ayaan ahay,  ninkana ha ka shakiyin waxuu doonayaa inuu taariikhdaada wargayskiisa ku faafiyo.

Beri dambe Gabadhii oo weynaatay ayaa booqatay Magaalada Tokiyo, Caasimada Dalka Japan. Waxay tagtay Safaarada Somalia ee Japan (weli waa furan tahay) Waxay la kulantay Alle ha u Naxariistee Ambassador Ibraahin Meygaag Samatar, isuna sheegtay  waxayna ka waraysatay aabaheed. Waxuu ugu jawaabay Garaad-kii inuu xijaabtay laakiin ay jooogaan dadkii uu ka tegay oo rag iyo dumarba leh. Safiirku waxuu gabadhii la xidhiidhiyey  Walaalkeed Ambassador Maxamed Garaad oo hadda ku nool Dalka Maraykanka. 2004-tii Maxamed Garaad waxuu u dhoofay Jasiiradda Seychells oo uu kula kulmay Walaalihiis iyo carruurtii ay dhaleen.