Kulan shalay madaxtooyada ku dhex maray Xukuumadda iyo kooxo ganacsato ah

0
647

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay xarunta madaxtooyada ka dhacay kulan saddex geesood ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, wasiirka maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi iyo koox ganacsato ah oo ka gadoodsan go’aan ay wasaaradda maaliyadu ku kordhisay tacriifada laga qaado qaar ka mid ah badeecadaha dibadda laga soo waarido ee hadda dalka laga hirgeliyay.

Kulankaas oo ahaa mid xaasaasi ah ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ay ganacsto, dacwad ka dhan ah wasiirka maaliyadda u gudbiyeen Madaxweynaha iyagoo ku doodaya inuu ku sameeyay qiimo korodh sare badeecadaha ay dibadda ka keenaan. Ganacsatada oo uu hoggaamiye u ahaa Cabdiraxmaan Faarax Xarbi oo ah maamulaha shirkadda Al-Xarbi ayaa waxay halkaas ka tiriyeen cabashada ay ka qabaan go’aanka wasiirka maaliyadda waxaanay codsadeen in go’aankaas laga noqdo iyagoo tiriyay dhawr qodob oo ay gundhig uga dhigeen doodooda. Hase yeeshe wasiirka maaliyadda oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka jawaabay eedaha iyo cabashooyinka is huwan ee ay ganacstadu ka qabaan, waxaanu sheegay in go’aankiisu salka ku hayo dhiirigelinta ganacsato dalka ka hirgeliyay wershado sameeya alaabooyin badan oo dalka dibadiisa laga soo waarido, waxaanu sheegay in distoorka qaranku awood u siinayo inuu dhiirigelinyo ganacsatada wadaniga ah ee ku dhiiraday inay boqolaal milyan oo Dollar dalkooda ku aaminaan si ay umadda iyo qarankuba uga daba faa’iidaan, waxaanu kooxdaas ganacstada ah ku eedeeyay inay doonayaan in lacagta dalku ku baxdo wadamada shisheeye islamarkaana la saqiiriyo wershadaha wax soo saar ee dalka laga hirgeliyay taas oo uu ku tilmaamay mid aan marnaba dhinaciisa ka suurtogalayn. Waxaanu ganacstada ka codsaday inay cashuurtaan alaabtoodaa, isagoo carrabka ku adkeeyay inaanay jirin wax cashuur ah oo uu kordhiyay balse uu kordhiyay tacriirad taas oo uu awood u leeyahay. Kulankaas oo ahaa mid adag ayaanu Madaxweynuhu wax go’aan ah ka gaadhin, waxaanu ku soo gunaanaday in kulan dambe la isugu yimaado.

Dhinaca kale bulshada ayaa soo dhawaysay go’aanka ay wasaaradda maaliyadu soo saartay oo ay tilmaameen inuu yahay mid mudan in la soo dhaweeyo. Distoork dalka ayaa dhigaya inay dawladu dhiirigeliso wax soo saarka wadaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta, wershadaha iyo shaqeeya wax soo saarka wadaniga ah, balse kooxo ganacsato ah ayaa ka xumaaday go’aankaas oo ay u arkeen inuu saamaynayo danahooda dhaqaale.