Waraysi Gaar Ah: Warancade Iyo Khilaafka UDUB

0
750

warancade11Hargeysa, (Geeska)- Cali Maxamed Warancade, oo u tartamayey murashaxa  jagada Madaxweyne ee xisbiga UDUb ayaa cadeeyey inuu aqbalay go’aan ay soo saareen xubno sheegtay inay yihiin  guddidii xalinta khilaafkii UDUB soo saareen.

Cali Warancade ayaa uga digay Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u ku eedeeyey inuu abuuray khilaafka xisbiga, inaanu u isticmaalin lacagaha uu ka qaaday ama hayo saxeexooda ee account-ka ku jira inuu kaga hadliyo markhaati-siyaasad-beenaalayaal bulshada ku baahiya khilaafka, ee dhexdooda ku ekaado khilaafku.

Warancade oo wargeyska Geeska Afrika, uu  wax ka weydiiyey sida uu u arko in dhaqaale loogu heli karo xisbiga ayaa sheegay inuu leeyahay saaxiibo iyo taageerayaal badan oo dollar ama laba ugu tabaruci kara xibiga, sharci-darana tahay in qof keliya uu bixiyo dhaqaalaha xisbiga, si aanu berry u xadin khasnada ummada. Su’aalahii la weydiiyey waxay u dhaceen sidan:

Cali oo ugu horayn ka hadlaya go’aanka uu sheegay inay guddigu soo saartay ayaa wuxuu yidhi  “Sidaad sheegtay maalin dhoweyd oo saddex maalmood laga joogo ayey qoladaa guddida is-xilqaantay ee ka koobnaa lixda gobol ii yimaadeen iyagoo wata kalsoonida dhinacii kale ee Axmed yuusuf Yaasiin u horeeyo, waxaanay noo sheegeen inay kalsoonidii qoladii kale sitaan, waxaanay na weydiisteen kalsoonidayada, waanan u siinay si buuxda kalsoonidii. Maantana (Shalay) waxay soo saareen go’aan saddex mooyee intii kale saxeexeen, mar hadii intii badnayd isku raaceen go’aankaa, waan aqbalayaa, maadama aan hore kalsoonida u siiyey, laakiin waxaan qabaa inaan ahay murashaxa ugu haboon xisbiga xilligan, qofkii kale ee mustaqbalka ila tartamaya ee shuruucda buuxiyana waan soo dhoweynayaa.

S:Maadama, ujeedada ugu weyn ee doorashada musharaxa jagada madaxtooyada ee xisbiga UDUB ahayd helitaan dhaqaale lagu socodsiiyo hawlaha xisbiga, side ayaad filaysaa in dhaqaalahaa lagu heli karo?

J: Runtii dhaqaalahu waa lagama maarmaan laakiin, sidan immika uu Odaygu (Axmed Yaasiin) u dhigay ayaa khaldan, dhaqaalaha qof ma bixiyo, shuruucda dalkeenana way ka soo horjeedaa inuu qof bixiyo, laakiin waxa la ogol yahay in taageerayaasha xisbigu bixiyaan, oo tabarucaad lagu helo, raga kale ee madaxda, xildhibaanada, golaha dhexe ee xisbiga ku jiraana ay qeybtooda qaataan. Waxaan qaba ainaan xisbiga dhaqaale badan u heli karo, saaxiibo badan ayaan leeyahay, taageerayaal fara badan ayaan leeyahay, xitaa hadday laba doolar ama saddex doolar u bixiyaan, oo macnaheedu yahay, ninka murashaxa ah aanu noqon nin hanti meesha gashaday, si aanu hadhow u boobin ama u xalaashan hantida ummada uu madaxda u noqonayo dhaqaalaheeda kabkabka ah aanu ugu helin fursad, maadaama, haduu jeebkiis alacag fara badan ka bixiyey nina hantidiisa ma daadiyo, waxay noqonaysaa inuu hantidii ummada gacanta geliyo isagoo u arkaya inay xalaal u tahay, oo xagiis asoo ceshanayo, oo laga yaabo inay malyuun iyo lababa ku baxdo. Markaa hadii la yidhaahdo nin ha bixiyo, dee ummada adhacan, berigii dhoweyd Obama, waad aragteen dadkuu dollar iyo laba ka uruursanayey, meelaha keliya e elaga caawinayey waxay ahayd xukuumada iyo xisbiga, iyo taageerayasha, markaa, waxaan u arkaa arrinta lacagta bilow musuqmaasuq loo diyaargareynayo inaan weligii dalkani helin murashax xalaal ah oo dadweynahu soo saraaan oo Madaxweyne laga dhigto, ee ay noqoto nin iibsaday dadka, codka, dawladnimada iyo madaxnimada, oo hadhowna ku xalaashado. Waxa immika dalkeena ama Afrika ku badan ninka  waxii uu ka qaaday jeebkiisa ama saaxiibadii hadhow ka celinaya khasnadii ummada oo aan loo ogolayn oo xaaraan ah.

S: Ugu danbayn, sidee ayaad filaysa in wadajirkii xisbiga UDUB dib loogu soo celin karo, khilaafkan saameeyey dartii?

J: Runtii khilaafka xisbiga UDUB ma dhib badnayn, sida aad ka aragteen go’aanka ay soo saareen guddidii xalinta khilaafka isku xilsaartay, hadii aan la xumayn wax dhib ah ma leh. Qofka murashaxa ka noqonaya shuruudo ayuu leeyahay, marka laga reebo lacagta xaaraanta ah ee qofka la weydiinayo. Ta kale qofku markuu doono ayuu soo geli karaa xisbiga, laakiin waxa weeyey haduu madaxnimo ka doonayo waa inuu yahay nin xisbiga ku soo tabcay, oo xisbiyahanku yaqaano, oo dadkiisu yaqaano, oo qofka ummada la horgaynayo yahay mid ay barteen, ugu yaraana laba sanno ayaa ku xidhan, marka awaxa weeyey, khilaafkaasi immika meesha wuu ka baxay, muskilada dibedda lagaga keenay mooyee, UDUB khilaaf haysta ma jirto, rag badan oo ka tartami kara aya jira, mar hadii taasi meesha ka baxdo, waxaan qabaa in wax khilaaf ah oo hadhay aanu jirin.

S: ugu danbayn, guddidan aad sheegtay ee  xalinta khilaafku ma sheegeen xilliga la qabanayo doorashada murashaxa, sidii Gudoomiyaha UDUB Daahir Rayaale u soo jeediyey hore?

J: Maya.  Gudoomiyaha xisbiga UDUB dhowaan ayuu imanayaa, doorashada deegaamada ka hor, marka ayaa la isla eegayaa, marba sida ay xisbiga ugu badinayso ayaa la eegayaa. Waxaan uga digayaa Axmed Yuusuf Yaasiin oo khilaafka immika dhexdeena yaala isagu abuuray inuu sii balaadhiyo khilaafkaa, isagoo isticmaalaya accounka uu isagu saxeexayo iyo lacagahuu annaga naga qaadayba inuu ku isticmaalo oo bulshada dhexdeeda galiyo oo ka hadalsiiyo markhaati- siyaasad beenaalayaal, ee uu ku ekeysiiyo khilaafka dhexdayada.

Guddoomiyayaasha UDUB Ee Hargeysa, Awdal iyo Sanaag oo

Hargeysa(Geeska)-Saddexda guddoomiye ee xisbiga UDUB u qaabilsan gobalada Awdal, Maroodi Jeex iyo Saaxil, ayaa taageeray murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen uu xisbiga UDUB u doortay.

Saddexdan masuul oo kala ah Cabdicasiis Xuseen Raage oo ah guddoomiyaha UDUB ee Awdal, Cismaan Xasan Faarax (Waxar) oo ah guddoomiyaha UDUB ee Maroodijeex iyo Maxamed Cumar Faarax oo ah guddoomiyaha xisbiga UDUB ee gobalka Saaxil, ayaa shirjaraa’id oo ay shalay qabteen waxay ku beeniyeen xubno ay sheegeen inay ka been abuureen ka dib markii ay sheegeen inay go’aan ka gaadheen khilaafka UDUB, waxaanay sheegeen inay gobaladani si rasmi ah u taageersanyihiin Murashaxnimada loo doortay Jamaal Cali Xuseen.

“War been abuura oo ay niman soo qoreen weeye, mana jirto guddi la magacaabay oo loo diray inay khilaaf xaliyaan.” Sidaas ayay yidhaahdeen xubnahani, waxaanay intaas raaciyeen in laga been abuurtay magacyadooda.

Xubnahani waxay sheegeen inay gobaladan Awdal, Maroodi Jeex iyo Saaxil taageersanyihiin go’aanka xisbiga ee ah murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen.