Jaaliyadda Koonfurta Sudan Oo Beenisay Inay Hoggaan cusub doorteen

0
838

Hargeysa(Geeska)-Jaaliyadda Somaliland ee Koonfurta Sudan ayaa beenisay inay doorteen hoggaan cusub oo guddoomiye u noqda jaaliyadda.

Waxa dhawaan la baahiyay warar sheegayay inay jaaliyadu dooratay Farxaan Ciise Jaamac (Jaamac Dollar) oo guddoomiye u noqon doona jaaliyadda dalkaas cusub ku dhaqan, laakiin xubno ka tirsan jaaliyadda oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa gebi ahaanba beeniyay inay doorteen hoggaan cusub, waxaanay sheegeen in ninka la sheegay in la doortay uu yahay muwaadin dalkaas ku cusub, waxaanay sheegeen inay jaaliyadu hore u lahayd nidaam iyo maamul iyo weliba isku duubni iyo wada shaqayn ay ku muujiyeen sidii ay u soo dhaweeyeen weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ee ka qayb galay xornimadii dalkaas. Xubnahan Jaaliyada ahi waxay xukuumadda ka codsadeen inaanay rumaysan xubno ay sheegeen inay doonayaan inay ku qadhaabsadaan magaca hoggaanka jaaliyadda Somaliland.