Waraysi Gaar Ah: Mujaahid Cali-Gurey Iyo Aragtidiisa Khilaafka UDUB iyo Arrimo Kale

0
565

Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga UDUB ka dhex oogan, ururada siyaasadda ee cusub iyo weliba shirka Taleex.

Cali-Gurey oo muddooyinkan dambe u muuqday inuu ka gaabsaday inuu ku milmo khilaafka ka dhex oogan xisbiga UDUB, ayaa wuxuu tallo ku soo jeediyay in si khilaafka loo xaliyo ooddo dhacmeed siday u kala sareeyaan cali-gureyloo kala guro, isagoo sheegay inuu xisbiga UDUB weli yahay xukuumadii hore, maadaama oo ay guddoonka hayaan Madaxweynihii iyo ku xigeenkiisii, inta ku xeeranina yihiin wasiiradii xukuumadii hore, taas oo uu tilmaamay inaanay xisbiga dan u ahayn. Md. Cali-Gurey, wuxu amuurahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay, kaas oo sidan u dhacay:

Cali; sidee baad u aragtaa ururada oo aad furidooda taageersanayd xadhkihii bay goosteen oo waa ay isku tiro bateen sida dad badan ay aaminsan yihiin, sidaad u aragtaa imika?

Waxa aan anigu waligayba raacsanaa in la furo, ururdan tirada badana waxay muujinaysaa in aan laga soo fikirin ee ay qaar badan shaqsiyaad iska samaysteen, waxaanay ku fiicnayd inay noqdaan ururo dad isku jira oo kala duwan iyo fikiro cusub oo kuwan dhaami kara, xataa haddii qaarkood bedalaan, laakiin imika waxaad moodaa inay ururo samayso uun u badantahay, si kastaba  ha ahaado arinkuye anigu waan soo dhawaynayaa firkirka ururo samaysiga.

Cali Taleex shirbaa ka socda oo gabagabo ku dhaw, go’aanadiisiina ay dhawaan soo baxayaan, waxaana laga shaki qabaa arrimaha ka soo baxaa inay Somaliland qaar ka soo horjeeda ay noqdaan, adigu sideed shirkaas u aragtaa?

Anigu waxaan raacsanahay go’aankii ay xukumadani iska taagtay ee wasiirka arimaha guduhuna sheegay madaxweynuuna markii uu Laasanood joogay uu sheegay ee ahayd in aan la odhan karaynin beel heblaayo ma shiri karto, mida kale meesha Taleex la yidhaahdo si buuxda mar hadaanay marka hore maamulkeena gacantiisa  ugu jirin, taladeedana ma wada yeelan karaysid oo meesha aad gacanta aanad ku hayn ee cid kalena kula maamusho haddii sida Laasacaanood oo kale ay ahaan lahayd dee waan maamuli lahayn, lakiin anigu waxaan aaminsanahay beel shirtay in aanay wax dhiba isku wada raaci karin, ee in laga war sugo.

Saddexdii xisbi Qaran waatan oo khilaafyo ayaa hadheeyay, qaarna kala jabiyay-ba, markaa adiga siday kuula muuqdaan?

Horeba waan u sheegay in barigii Ucid khilaaf-keedu bilaabamay in kuwa kalana laftigooda uu khilaaf badani sugaayo, aniguna khilaafkan imika uma arko mid xisbi oo damcigiisa iyo dhadhankiisa uu yahay shaqsiyad xisbi oo laysku qabtay qabyaaladna maaha, waxa laysku hayaa ee u wayni,  xalkeedu waxa uu noqonayaa ayaan filayaa in laba talo dhaxdood talo ka dhalato. Haddii rayi laysku qabtana waxa khasaba in laysu tanaasulo.

Intii xisbigiina khilaafku hadheeyay adiga laguma arage miyaad ka  indho qarsatay arimahaas?

Taas horaan u sheegay oo anigu dhibaatadu inta aanay iman ayaan ka hadlaa inta badan, sanad iyo badh ayaan anigu ka hadlaayay Udub in dub loo habeeyo oo la cusboonaysiiyo, fikir cusub oo Udub la aslay layidhaadana oo wajiyo cusub iyo aragti cusubna iyo niyad cusub iyo dadaal cusub ayaan ilaa maalintii udub xilka wareejisayba rayigaygu ahaa. Lakiin waxaad moodaa dad badan halkaa meel ka sokaysa inay ka fikirayaan ama ay dano gaara wataan.

Waadigan leh aragti cusub iyo dadaal cusube sidaad u aragtaa Jamaal Cali Xuseen oo xisbigu uu doorashadiisii isku khilaafay?

Jamaal waxaan u aqaanaa inuu yahay, nin aqoon-yahana oo da’yar oo da’daal badan oo dadka oo dhan ay u qirsan yihiin oo nolasha ka gaadhay heer la odhan karo waa uu guulaystay.

Haddii Udub uu ku soo biirayna waa dadkii ay ubaahanayd, Murashaxnimadana sida kuwa kaleba ay xaqa ugu leeyihiin inuu ugu leeyahay ayaan aaminsanahay oo cid aan odhanaayo xaq uma laha inay Udub iska soo sharaxdo maaha, arinta ugu weyn ee laysku hayaana maaha murashaxnimadiisa inksta oo aanan anigu aad u dhex galin, imikana xisbiyadii  qaranku waa ururo, xisbiyo qarana cid noqon doonta la garan maayo saddexdii xisbina waa ururo, shan iyo tobana waa la diiwangaliyay sideed iyo tobankaas ayaa uu ka mid yahay Udub, hadduu doorashada guulaysto saddexda xisbi qaranbuu ka mid noqonayaa, haddii sadex kale ay soo baxaan oo isagu hadhana dee meel layska sharaxayaaba ma jirto, shariciguna waxa uu qoryaa in imika musharaxnimadii lagu dhawaaqo, khilaafkaas xalintisa sida loomaraayo dadku wax badan ayay iska waydiinayaan laakiin anigu waxaan qabaa ooda dhacmeed siday ukala sareeyaan baa loo kala guraa.

Adigu maxaad Cali ahaan  talo u soo jeedin kartaa xisbigii Udub hadday noqoto iyo xisbiyadii kalebe?

Wakhtiba wakhtiga uu ka horeeyo taladu waa ay ka fiicantahay, anigu maalintii Daahir Riyaale uu ka dagay xilka madaxweyne-nimada, waxan jeclaa inuu isugu yeedho xisbigii, golahiisii dhaxe uu sameeyo, shaqsiyaadkii uu isagu ka mid ka ahaa oo Gudoomiyaha, Gudoomiye ku xigeenka, hogaankii hore badankiisa oo aan jooginba inay xilka ka dagaan, oo layska dhex doorto hoggaan cusub, qoladii wasiirada ahayd ee muddada dheer xilka hayayna ay meesha baneeyaan waayo dadku inta badan waxa ay jacelyihiin inay arkaan wajiyo cusub, ragg-na xisbigu waa uu leeyahay aqoonyahano ah oo badan 180,000 oo qof baa u codeeyay dee lagama dhex waayin jiil cusub oo dee dadaal cusub iyo niyad cusub hawsha ku bilaaba, markaa dhibaatada koowaad ee waxan oo dhan uu salka waxaan u arkaa in xukumadii hore uu yahay xisbigu, oo dee madaxweynii hore ayaa ka guddoomiye ah, madaxweyne ku xigeenkii ayaa ka guddoomiye ku xigeen ah inta kale ee ku xeeran ee taladu ay ka go’daana waa wasiiradii, taasuna anigu uma arko inay xisbiga Udub dantiisa tahay.