Dr. Gabose Oo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Goleyaasha Sharci Dejinta Ugu Baaqay In Dhallinyarada Laga Furo Dabarka Lagaga Xidhay Ka Qayb Galka Siyaasadda

0
606

 

Hargeysa(Geeska) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabose, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo goleyaasha sharci dejinta ugu baaqay in dhallinyarada dalka laga furo dabarka lagana qayb geliyo arrimaha siyaasadda. Dabarkaas ayaa ah qodob ku jira xeerka doorashooyinka oo dhigaya in doorashada goleyaasha deegaanka lagaga qayb geli karo 35 jir, taas oo ay in badan dhallinyaradu aad uga qaylisay balse aanay ciddi dheg u dhigin.
Dr. Gabose, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in xeerka doorashada ee loo yaqaan lambar 20, gaar ahaan qodobkiisa 33aad dhallinyarada dalka ka hortaaganyahay inay ka qayb galaan siyaasadda iyo horumarka dalka, maadaama oo uu qodobkaasi sheegayo in goleyaasha doorashada deegaanka lagaga qayb geli karo 35 jir. “Waxaan jecelahay inaan ka hadlo mawduuc xaasaasi ah oo muhiim u ah dalkeena soo koraya, waayo dalkeenu waa curdin doonaya inuu horumarkiisu ku socdo xawli ka badan dalalka la aqoonsanyahay.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Yuusuf (Gabose), waxaanu isagoo si gaar ah uga hadlaya dabarka dhallinyarada haysta uu yidhi  “In dhallinyarada gaar ahaan mutacalimiinta albaabada aad loogu furo oo daaqadii fursad shaqo oo dalka lagu dhisayaa ka banaanaan karto loo furo. Gaar ahaan waxaan xusayaa xeerka doorashada ee loo yaqaan No.20 ee soo baxay 2001 ee ka hadlaya shuruudaha looga baahanyahay muwaadinka isku sharaxaya xubin gole deegaan, qodobkiisa 33aad deegaan faqradiisa afraad waxay odhanaysaa waa inaanay da’diisu ka yaraan 35 jir, waxaan rabaa inaan masuliyiinta gaar ahaan xubnaha goleyaasha xasuusiyo in dalkeena in ka badan 75% ay yihiin dhallinyaro, markaas da’daas haddii aad eegtaan inay tahay da’ aad u sii yaraynaysa fursada xoogii ugu badnaa ee dalka wax tari lahaa. Waxaan idin xasuusiinayaa ilmahaaga oo lix jir ah haddii aad dugsiga gayso oo 12 jir dugsiga sare lagu daro oo uu dugsiga sare ku dhammaysto 18 jir, jaamacadna uu 22 kaga baxo oo haddana aad ku sii dartid jaamacad kale inuu cilmigii meel sare ka gaadhayo haddana aanu wax shaqo ah haynin waa dhibaato.”
Isagoo qodobkan da’da ka sii hadlaya wuxuu Gabose, yidhi, “Markaas waxaan odhan lahaa da’daasi maaha mid macquul ah, waa mid xuquuqdii uu distoorku muwaadinka siinayay ee odhanaysay waxna wuu dooran karaa waana la dooran karaa kak hor imanaysa. Markaas da’daasi waa mid aad uga fogaynaysa inuu xaqiisaas aad uga faaiidaysto, waxaan odhan lahaa da’ macquul ah hala isugu yimaado oo 25 jir halaga dhigo oo ah da’da uu jaamacadihiisa ku dhammaysto ee uu waayo aragnimada qaato.”
Wuxuu goleyaasha sharci dejinta u soo jeediyay inay da’daas dabarka ku noqotay dhallinyarada wax ka qabtaan, “Teeda kale distoorku wuxuu qeexayaa da’da Madaxweynaha iyo ku xigeenka lagu ordi karo, da’da xubin gole lagu ordi karo, laakiin distoorku wuxuu u baneeyay xubnaha goleyaasha inay iyagu samayn karaan da’da murashixiinta goleyaasha deegaanka. Sidaas darteed waa wax gacmihiina ku jira, arrintaasna ha ka eegina dhinac kale ee waxaad ka eegtaan horumarka cududa xaniban ee banaanka taala ee aan shaqo haynin. Waxa kale oo aad ka eegtaan ololeyaasha doorashooyinka iyo siday u socdaan, 70% waa dhallinyaro markaas xaq looguma laha in laga dhigto salaankii lagu gaadhayay kursiga iyaguna ay daawadayaal ka noqdaan, noloshana lagu yidhaahdo mustaqbalka ayay leeyihiin. Mustaqbalka ma laha ee maanta ayay leeyihiin oo waalidkood uu jaamacado ka soo saaray oo haddana ay taagantahay rajo xumo ah in ay albaabadii ku soo xidhmeen. Waxaan idin xasuusiinayaa gobalka Maraykanka ugu weyn in 21 jir uu maayar u tartamay kuna adkaaday, aqoonta iyo caqliga bini-aadamku waa intuu qofka Alle geliyay, masuuliyaddu kuma jirto wuu weynyahay. Isla qodobkaas 33aad faqradiisa 8aad iyana way sii xanibtay oo waxay tidhi waa inuu cashuur ka bixiye ka noqdaa degmada uu ka tartamayo, haddii aanu ila 35 jirkiisii shaqo hayn, xaggee ayuu cashuurta ka bixinayaa, guryaha uu leeyahay ee lagu xujaynayaa waa maxay, miyaa shaqo loo abuuray. Waajibaadka markaad gudataan ee laga soo baxo in shaqo la siiyo ayaa wax la weydiin karaa. Markaas xaqiisii ayaa lagaga tumanayaa wax dalkii gabay oo la abuuri kari waayay ayaa haddana lagaga xanibay xaqiisii distooriga ahaa ee ah inuu wax dooran karo lana dooran karo. Markaas cashuurta u weyn ee uu bixiyay waa inuu wax bartay oo waxbarashadii uu cadceeda u lugaynayay ee uu bixiyay shilimaadkii uu baska ku raacayay ee uu wax ku baranayay,. Markaas ardaydnimada lafteeda ayaa ah cashuur uu bixinayay oo ah in baska uu raacaba cashuur laga qaadayay iyo koobka shaaha ah ee uu cabo.”
Isagoo ka sii hadlaya caqabad kale oo faqradaas ku jirta, wuxuu yidhi “Teeda kale waxa la yidhi waa in la xaqiijiyaa inuu hawlo mutadawacnimo dalka ka soo qabtay, horta waa tuma degmada hawlaha mutadawacnimo leh ee ay muwaadiniintu buugeeda ku qoranyihiin. Maalin walba nadaafadda Hargeysa waxa ka qayb gala kumanaan dhallinyaro ah, yaa ka qoray oo nidaamiyay. Markaas maaha in xuquuqda dhallinyarada lagu xujeeyo nidaam la abuuri kari waayay.”
Ugu dambayn wuxuu baaq u diray Madaxweynaha iyo goleyaasha sharci dejinta waxaanu yidhi, “Markaas waxaan soo jeedin lahaa inaan dhaqaajino dhallinyarada. Waxa hore dhaqan loogu lahaa inay siyaasadu tahay da’ weynta iyo magacyo hore u baxay oo siyaasadda lagu yaqaanay inay umadda ku soo noqnoqdaan. Anigu waxaan qabaa caalamku wuxuu ku socdaa xawli badan, wakhtiganina waa wakhtigii tiknoolajiyada iyo maalmihii dhallinyarada, markaas waxaan qabaa  haddii la yidhaahdo siyaasadda kama qayb qaadan kartid in xayiraad dadban la saaray. Waxaan Madaxweynaha iyo goleyaasha u soo jeedinayaa inay sida ugu dhaqsaha badan dabarkaas u furaan, waayo waxa taagan fursadii doorashada goleyaasha deegaanka waxaanan leeyahay haddii ay fursadii hore dhaaftay yaanu jaaniskani dhaafin.”