Waraysi Gaar Ah Oo Aanu La Yeelanay Madaxa Hay’adda UNICEF Ee Xafiiska Somaliland

0
4088

 

naHargeysa (Geeska)-Madaxa xafiiska UNICEF ee Somaliland, Ms. Ettie Higgins, ayaa sheegtay in caruur yaryar oo nafaqo-daro ku haysay gobolada dalka u gudbiyeen xaruno hay’adoodu ugu talogashay soo kabashadooda.

 

Ms, Ethie, ayaa sheegtay in xafiiskoodu caawimo ka geysto sidii caruurta derbi-jiifka ah loo daryeeli lahaa, balse siyaasad ahaan taageerin dhistaanka ururada ka shaqeeya hawlahaa.

Madaxa UNICEF hargeysa, Ms. Ethie, oo wareysi gaar ah wargeyska Geeska Afrika xafiiskeeda kula yeeshay shalay ayaa u dhacay sidan:

Ugu horeyn, warbixin kooban naga sii hawlahii xafiiskaagu dhowaan dalka ka qabtay?

Mahadsanid. Ugu horeyn, xafiiska UNICEF waxuu hawlahiisa ka bilaabay Somaliland sannadkii 1983-gii, waxaanu wada shaqeynta koowaad la leeyahay xukuumada Somaliland, annagoo sidoo kale xidhiidh shaqo wadaagna 7 wasaaradood oo xukuumada ka tirsan. Hawlahii ugu danbeeyey ee dalka aanu ka qabanay waxa ka mid ah mashruuc loogu talo galay kor-u-qaadida caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, oo lixdii bilood mar la sameeyo. Bishii July waxaan talaal xanuuno kala duwan lagaga hortageyey u samaynay caruur tiradoodu gaadhayso 500,000, waxa sidoo kale barbar socday hawlgal lagu siinayey nafaqooyin ka caawiya koriinka ugu yaraan afar boqol oo caruur ah, marka talaalada kale laga yimaado, waxaan kaloo samaynay hawlgal lagu ogaanayey caruurta nafaqo-daradu haysato, oo baadhitaan lagu sameeyey tiro gaadhaysa  saddex boqol iyo konton kun ka soo baxeen ilaa afar kun oo halis nafaqo daro haysato, dhamaantoodna la xidhiiidhinay xarumo si gaar ah loogu daryeelo nafaqayntooda oo UNICEF ku leedahay dhamaan deegaamada dalka. Ugu danbayn boqolkiiba sideetan iyo afar waan gaadhnay ujeedadii hawlgalkaa.

Waxaad sheegtay in tiro caruur ah oo nafaqo-daro baahsan hayso ku ogaateen baadhitaanadaa, lana xidhiidhiseen xarumo lagu daryeelo, ma noo sheegi karta deegaamada ugu sii daran xaga nafaqo-darada caruurta?

Caruurta gaadhaysa ilaa afarta kun ee nafaqo-darada halistu haysato waxay ku baahsan yihiin dhamaan deegaamada Somaliland, mana jiraan meelo la odhan karo tiro sareysa ayaa laga helayaa. Sida jaantus hay’adda FSNAU soo saartay, deegaamada laga soo bilaabo ilaa Sool, dhulka xeebaha ee Saaxil iyo Sanaag, deegaamada baro-kacayaasha ee Burco iyo Berbera, dhulka xeebaha ee Hargeysa ilaa Awdal waa laga helayaa caruurta xaaladaa ah.

UNICEF waxay dhowaan ka dhisanaysaa xafiis balaadhan Somaliland, maxuu ku soo kordhin karaa marka loo eego xaga shaqo abuuritaanka iyo mashaariicda?

Xafiiskii hore Somaliland aanu ugu lahayn waxuu ahaa mid gaar loo lahaa, xukuumada Somaliland qadarin ayaan ugu haynaa boqcada balaadhan ee ay na siisay oo dhamaan xafiisyadii, dhulkii guryaha martida iyo hawlahii loo baahdo lagu qabsan karo ila sagaashan hawlwadeen ka shaqeyn doonaan. Xilligan shaqaalahayagu waa lixdan muwaadiniin Somaliland ah, laakiin soddonka kale waxay noqon doonaan ku-meel-gaadh ah. Xafiiskani wax weyn kama bedeli doono qaab dhismeedkii shaqaalaha UNICEF. Waxa kaloo jira ilaa boqol shaqaale ilaalo iyo hawlaha kale noo qabta oo shirkad heshiis aanu kala galay.

UNICEF waxqabadkeeda waxa ugu muhiimsan Haweenka iyo caruurta, sidaan wada ognahay waxa laga helayaa caruur badan oo derbi-jiif ah dhamaan deegaamada Somaliland, miyaanay caruurtaasi ku jirin waxqabadkiina?

Haa, UNICEF, guud ahaan saamayn ayey ku leeyihiin caruurta derbi-jiifka ah ee Somaliland, waana sababta aanu si dhow u wada shaqeyno wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Waxaan ka caawinaa Somaliland kor u qaadida xuquuqda caruurta hadday yihiin derbi-jiifka, kuwa laxaadka la’, caruurta xaalada nuqul ku jira ama ku nool deegaamada ka fog adeegyada bulshada. Barnaamijka shaxaynta caruurtu waa mid ujeedadiisu tahay sidii loo ogaan lahaa deegaamada caruurta noocyadaa ah joogaan iyo sidii wax looga qaban lahaa. UNICEF ma caawiso abuuritaanka ururo hawlahaa ka shaqeeya, laakiin waxaan aaminsan nahay in aqalada iyo bulshada laga taakuleeyo, halkii ururo looga tegi lahaa.

Dhowaan, waxa cisbitaalka Hargeysa la soo dhigay haweenay halis ku noqotay talaal la siiyey, wax xog ah xafiikiinu ma ka hayaa?

J: Maya. Wax xog ah kama hayo, ma maqal.

Hore waxa u jirtay is-afgarawaa u dhexeeyey xafiiskiina iyo wadeyaasha gaadiidka la kireeyo, xal ma loo helay, sidee?

Haa. Arrinkaa xal waa loo helay.UNICEF wada xaajood mug weyn ayey kala yeelatay xukuumada iyo wadeyaashii arrinkaa oo kala soo xidhiidhay iyagoo ku mahadsan, si waafi ah ayaan ugu sharaxnay xukuumada iyo wadeyaashii inaanu dooranay shirkad waxii hawlo kirooyin u baahano kala soo xidhiidhno, annagoo raacna hab caalami ah oo aan qarsoodi lahayn waxii hawlo aanu u baahan nahay ama kirooyin heshiis kula gala shirkad, hawlahaa in badan xukuumada qeyb nagala ahayd.