“Dawladu Waxay Ku Fiicantahay Inay Cod Qudha Ku Wada Hadlaan, Haddiise Ninba Si U Hadlo Waxa Loo Arkayaa Xukuumad Aan Wada Socon Oo Kala Socota”

0
3978

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii maaliyada ee xukuumadii horeAwil Ali Ducaale Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa ka soo horjeestay go’aanka ay golaha wakiiladu ku laaleen diiwaangelintii hore islamarkaana ay ku go’aamiyeen in doorashada degaanka lagu galo diiwaangelin la’aan.

 

Cawil, oo isagoo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay wakiilada u qurux badnayd inay dhammaan doorashooyinka is raaciyaan oo aanay midna soo jeedin in bilaa diiwaangelin lagu galo midna diiwaangelin, isagoo Cawil qiray inuu khaladaad badani ku jiray diiwaangelintii hore, haddana wuxuu soo jeediyay in caalamka laga codsado in diiwaangelin rasmi ah la sameeyo. “Waynu ognahay oo khubaradii waa kuwii sheegay inay diiwangelintu qaribantahay, waana kuwii ku taliyay inaan doorasho lagu gelin, taasi meel ayay taalaa. Waxa kale oo yaala goluhu waxay isku raaceen in dawladaha hoose aan lagu gelin diiwaangelin, ta’ baarlamaanka iyo madaxtooyadana lagu galo diiwaangelin, taasi tallo haboon maaha, talo saliim ahna maaha. Wakiilada waxa u banaanayd mar haddii ay khubaradii yidhaahden way kharabtanahay oo aynu inagu 80% sabab u nahay, interpeace qalab xun way keentay laakiin inagaa ku xisaabtanay inaan beelna laga badan, markaas goluhu iyagoo masuuliyadii loo dhaariyay ka soo baxaya inay yidhaahdaan diiwaangelintii hroe waanu joojinay, deegaanka iyo wakiilada iyo madaxtooyada doorashadeeda intaba halagu galo diiwaangelin la’aan, markaas haddii ay deeq bixiyayaashu intaas inoo samaynayaan hala arko mid sax ah oo isha iyo fartuba wada socdaan, taas ayaanay danta umaddu ku jirtaa.” Ayuu yidhi Cawil, waxaanu intaas raaciyay “Laakiin golaha wakiiladu inuu yidhaahdo midna hala joojiyo midna halagu socdo waxaan qabaa inay khalad tahay, tuhun iyo shaki ayaanay keenaysaa oo odhanaysa maxaa looga jeedaa in tana diiwaangelin la’aan  lagu galo kuwo kalena diiwaangelin oo buuq iyo iska horimaad ayay abuuri kartaa, waana inay iska ilaaliyaan wax alle wixii shaki keenaya. Markaas waxaan anigu qabaa inay arrintan golaha wakiiladu dib u eegaan oo ay sida macquulka ah yidhaahdaan saddexda doorashaba waxa lagu galayaa diiwaangelin la’aan deeq bixiyaaashiina marka la weydiisto ay ka faa’iidaystaan dadku. Markaas waxaan ka codsanayaa inay arrintaas eegaan oo ay ka noqdaan waayo sumcadooda ayay dhaawacaysaa oo dadka laguma qancin karo doorashooyinkii ayaa labana lagu galayaa diiwaan gelin midna diiwaan gelin la’aan, markaas sumcadooda ha dhawraan oo ay saddexda doorashaba is raaciyaan.”

Wasiirka Duulista iyo Hawada md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka soo horjeestay go’aankan ay golaha wakiiladu ku laaleen diiwaangelintii hore, waxaanu sheegay inaanay xukuumadu aqbalayn. Hase yeeshe waxa taas dedefeeyay afhayeenka madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sheegay inay xukuumadu raali ka tahay go’aanka golaha wakiilada. Haddaba Cawil, ayuu Geeska Afrikaweydiiyay sida uu u arko kala hadalka masuuliyiinta xukuumadda, waxaanu ku jawaabay “Dawladi waxay ku fiicantahay inay cod qudha iyo af qudha ku wada hadlaan oo haddii madaxdii dawlada ninba si u hadlo sumcadeena banaanka ayay dhaawacaysaa oo waxa loo arkayaa dawlad aan wada socon, waxaanay sharaftu ku jirtaa qofka dawladda u hadlayaa inuu cod midaysan ku hadlo oo uu noqdo cod dawladda oo dhan ka soo baxay. Waxaanan qabaa taasi inay tahay arrin ay dawladu dib ugu noqoto si aanay dadku inoogu arag dad kala socda. Laba cod markay dawladu ku kala hadasho waxay keenaysaa kalsooni darro, markaas waxaan qabaa inay dawladu meel qudha ka wada hadasho.”