Waraysi Gaar Ah: Maxamed Kaahin Oo Ka Jawaabay Buugga Cabdillaahi Yuusuf

1
1123

Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo ka mid ah saraakiishii milatari ee qaybta libaax ka qaadatay halgankii SNM ee lagu soo celiyay madaxbanaanida Somaliland, ayaa ka jawaabay eedaymo uu isaga iyo saraakiil kale oo reer Somaliland u jeediyay Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Buug uu dhawaan soo saaray CabdMuj-Maxamed-Kaahin-Axmedillaahi Yuusuf, ayaa wuxuu ku sheegay in rag uu ka mid yahay Maxamed Kaahin, Ibrahim Dhegaweyne iyo Alle haw naxariste Cabdillaahi Askar ay sameeyeen xasuuq horaantii sideetankii ka dhacay gobalka Mudug, waxa kale oo uu buuggiisa ku sheegay inay SSDF isku dayday inay magaalada Burco u qabato SNM laakiin ay hoggaamiyayaashii SNM ka diideen. Col. Cabdillaahi, waxa kale oo uu buuggiisa ku sheegay inay SSDF wakhti ka mid ahaa wakhtiyadaas hore gacanta ku dhigtay Ibrahim Dhegaweyne balse uu u talaabay dhinaca SNM. Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu faahfaahiyay aragtidii Cabdillaahi Yuusuf ka qabay SNM isagoo tilmaamay inuu hoosta kala shaqaynayay dawladii Maxamed Siyaad Barre islamarkaana ka dambeeyay rag badan oo magac leh oo ka soo jeeday SSDF oo la khaarajiyay. Wuxuu Kaahin ka sheekeeyay labo kulan oo rag uu ku jiro oo SNM ka tirsanaa ay la yeesheen Cabdillaahi Yuusuf. Arrimahaas wuxuu Maxamed Kaahin Axmed oo Hargeysa degeni kaga jawaabay waraysi uu la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika oo sidan u dhacay.

Maxamed, Cabdillaahi Yuusuf wuxuu dhawaan soo saaray buug taariikh ah oo uu arrimo badan kaga hadlayo. Tusaale ahaan adiga, Ibrahim Dhegaweyne, Alle haw naxariste Cabdillaahi Askar, wuxuu idinku eedaynayaa inaad xasuuq ka gaysateen gobalka Mudug idinkoo u shaqaynayay dawladii Maxamed Siyaad Barre. Bal arrintaas ka waran?

Horta Cabdilaahi Yuusuf taariikhdiisa waa nin la wada garanaayo, dadka Somalida ahina waa ay wada garanayaan, anaguna si fiican ayaanu u garanaynaa oo jabhadahii baanu wada joognay, inta uu Cabdilaahi Yuusus uu arin taariikheed uu run ka sheegaa waxa aan aaminsanahay in aanay gabigeeduba jirin, arintan la leeyahay Buuga Cabdilaahi Yuusuf qoray, Cabdilaahi Yuusuf waxna ma qoro, mana ma qori jirin, waxa la aaminsanyahay inay dad kale qoreen.
Waa marka ugu horaysee arinkan uu leeyahay xasuuqii gobalada dhexe ka dhacay ee sideetameeyadii  dhacay, Buuga aniga iyo rag-kale oo saraakiila oo reer Somaliland ah ayuu ku eedaynayaa, xasuuqaasi wuxuu  ka danbeeyay oo xukumadii uu madaxda ka haa Maxamed Siyaad Bare samaysay ka bacdi markii uu fashilmay inqilaabkii ay Cabdilaahi Yuusuf iyo rag kale ay  hogaaminayeen ee 12 April 1978-kii dhacay ee fashilmi jiray ee isaga iyo Cirro ay hawshaas wadeen, inqilaabkaas inqilaab Somaliyeed muu ahayn, inqilaab saraakiil Somaliyeedna muu ahayn, inqilaab yar oo ay Cabilaahi yuusuf iyo Cirro ay hogaaminayeen-buu ahaa mid qabiilna wuu ahaa, sababta uu u fashilmayna sidaasay ahayd, markaas dabadeed ayaa culayskan faraha badan leh ee Mudug ka dhacay uu abuurmay, xiligaas uu inqilaabku dhacay  1978 halkan qaybta 26-aad ee Hargaysa ayaan ka shaqayn jiray oo aan ahaa madaxa hawlgalinta, sahankaan ahaa, halkan ayaan joogay illaa markii aan ka baxaayay oo 1981-kii lay badalay Xamar oo markii danbana anigoo fasax yar ku jira aan halkan ka baxay jabhadii  SNM 1 Feb 1982 ayaan halkan ka baxay, rag badan oo u dhashay halkan oo reer Burco ah oo reer Berbera ah ayaa eedayan fara badan lagaga samayn jiray oo Ibraahin Dhagaweyne kamid yahay, alle hawnaxariistee Xasan Yoonis ka mid yahay, Aadan Saleebaan ka mid yahay, niman badanoo qabiil ahaan marka la yidhaahdo Isaaq ayaa la eedaynaayay.

Waxa cadaana oo biya kama dhib-caana oo taariikhdu qoraysa oo loo wada joogay raggan xasuuqa ka dhacay eeriyada Muddig sameeyay inay giddigood ahaayeen rag qabiil ahaan dadkaas Mudug ka soo jeeday oo ay Cabdilaahi Yuusuf isku reer ahaayeen, Moorgan-baa kamida, Mire Awaarihii wasiirka ahaa ayaa  kamida, ragf aro badan ayaa kamida ahaa, marka uu Cabdilaahi Yuusuf leeyahay nimankaas ayaa ka danbeeyay xasuuqa dadkaas ku dhacay, xasuuqii Diridhaba ka dhacay ee Wardheer ka dhacay ee SSDF-ka dhacay ma saraakiisha Isaaqa ah ayaa ka danbeeyay?,  ninkii isagu laayay miyaanu ahayn.

Ragan lagu xidhay ee la yidhi jabhadii SSDF ayaad la shaqaynayseen ee dawladii Maxamed Siyaad Bare ay xidhay Maxamed Cabdi Aadan ninka lagu naanayso Dhancade sarkaal sara ah kornayl ahaa, anaga in badan naga horeeyay, taliyaha gaaska 4-aad ahaa ee Gaalkacayo ayaa lagu xidhay oo la leeyahay waxa uu is hortaagay oo uu diiday dagaalkii SSDF-ta lagu qaadayay, imisa ninbaa lagaga badalay, qolada halkaas joogtayna kamay qayb galin Waa Ibraahin Dhagaweyne, Waa Xasan Yoonis Habane, waa Xuseen Tansaan. In aanu Cabdilaahi Yuusuf waligii taariikh run ka sheegin oo waligii dadka Somaliyeed run ka sheegin oo uba-dhalanin inuu runba sheego wax ka markhaatiya ninka la yidhaahdo Cabdilaahi Askar waligiiba kama shaqayn 21-aad, siduu ciidamada Somalida u noqdayba Xamarbuu ka shaqaynaayay, dagaalkii 77-na Godday buu ka galay oo raggii billad geesigii ugu waynaa ka qaatay buu kamid ahaa dagaalkaas, markii danbana wasaarada gaashandhiga iyo meesha agoomaha ayuu joogi jiray Cabdilaahi Askar, waligiiba kama shaqayn dhulkaas uu Cabdillaahi Yuusuf sheegayo. Markaas eedaymahaas Cabdillaahi wax ka jiraa ma jiraan.

Rag baa  jiray lixa oo halkan [Hargeysa] lagu laayay oo sarkaalkii siyaasada Axmed aa la odhan jiree  ee gaaska labaad halkan u joogi jiray oo deegaankaas ahaa , ninkii Somali Airlines joogi jiray, markhaati waxa ka ahaa Siciid Garaabo oo qaybta 26-aad nala joogi jiray, aniguna aan SSDF ugu tagay, markaanu xagaas tagnayna sidaasan uga wada hadalnay oo warka SSDF gudaha waxay leedahay Cabdilaahi Yuusuf baa laga heli jiray oo xidhiidh dawladii Somaliyeed ay lahaayeen, raga madaxda ahaa ee arintaas ku jirayna waxa ay ahaayeen isir ahaan qaar meel-kala soo jeeda.

Xadhig faro badan ayaa ka dhacay dil faro badan ayaa ka dhacay SSDF kuwaasna ma niman Isaaqa oo meesha la joogay ayaa laynaayay, waxaba waxa laynaayay Cabdilaahi Yuusuf-buu ahaa.

Waxa uu leeyahay mar baanu qabanay Ibraahin Dhawaweyne oo hadana SNM ayuu u talaabay, miyay jirtay mar ay SSDF qabatay Ibraahin Dhagawene?

Alle faan weynaa, waxa weeye Hibir-baa naaga waan lagaa aqbalayn ayaa lagu yidhi ninkii jiray, ma Ibraahin Dhagowayne ayuu Cabdilaaahi Yuusuf oo kale qabtaa, ma Ibraahin Dhagaweyne ayay SSDF qabataa. Xiligaas todabaataneeyada dabayaaqadeedii SSDF-tuna ay  ka horaysay SNM,  haddii Maxamed Siyaad Bari heli kari lahaa saraakiil beeshan Isaaqa ah oo ula dagaalanta SSDF, SNM may abuuranteen,  Berberi wax gunti lagu qaado ka weyn buu yidhi, rag murtasaqiina siday Cabdilaahi Yuusuf iyo u shaqan jireen u shaqeeya oo xukun noocaas ahi uu ku shaqaysto oo dad lagu xasuuqo may ahayn, Ibraahin Dhagaweynena Cabdilaahi Yuusuf muu qaban karayn, arin dhacadayna may ahayn, mid dhici karaysayna may ahayn.

Waxa kale oo uu buuggiisa ku yidhi SNM-ta marbaan ku nidhi waar aan idinla dagaal galno oo Burco idiin qabano dabadeedana waa ay nadiideen oo waxay is lahaayeen haddii SSDF idiin qabato tageerada deegaankiina ayaad waayi doontaan haddii aad SNM-tahiin, mar uu fikirkaas idiin soo jeediyay ma jirtay?

Horta Cabdilaahi yuusuf fikirkaas mana soo jeedin, fikirada uu soo jeedin jiray waxay ahayd ee Cabdilaahi ka hadli jiray in SNM itoobiya aanay caawin, in SNM Liibiya aanay caawin, waxaanu ku guulaystay in aanay Liibiya na caawin, lakiin kumuu guulaysan in Itoobiya aanay na caawin, Cabdilaahi Yuusuf markii ugu horaysay xili aan qiyaasaayo inay tahay tobankii casho ee ugu horeeyay bishii labaad markii aan tagnay Itoobiya afartayadii ugu horeeyay ee tagay Adis Ababa oo kala ahaa Aadan shiine, Axmed Dhagax, Aadan Saleebaan iyo anigaa, Maxamed Calina Duryaanu kaga tagnay iyo ciidankii 4-aad, ayaa nala marti qaaday gurigiisaan kula shirnay iyadoo malaa 50-nin oo SSDF ah ay fadhiyaan oo uu noo faanaayo Cabdilaahi Yuusuf oo uu leeyahay anigu Ciidan Dawladeed ayaan  hayaa ciidan jabhadeed ma hayee Kornaylaad ahaydeene kaalay nin waloowba gaas kaxee sidaas aan wadankii ku qabanee.

Shirkii markaan dhamaysanay ayaa nalagu yidhi Cabdilaahi Yuusuf Ayaa idiin imanaaya hudheel la yidhaahdo  Itoobiya Hotel baanu ku jirnayoo, Caqiidkaa idiin imanaaya ayaa nala yidhi oo magacyadii iyo  waxaas wuu badalayoo carabtaa kornaylka caqiid ku tidhaahda, isaga iyo nin Bolayo la yidhaahdo oo ay is xigaan baa noo yimi oo  la dilay oo ragii isaga loo aanaynaayay ahaa dabadeedna hudheelkii buu noogu yimi Cabdilaahi Yuusuf markii hore isaga iyo colkiisa waan isu xog waranay markii danbana waxa uu yidhi, anigu haddii aan  Cabdilaahi Yuusuf ahay galabta waa la badnaayoo sirtii hoose iyo waxaas isumaynaan sheegi karynine hasa ahatee waxaan idiin sheegayaa anigu qorshahii dalka lagu qaban lahaa lix bilood horteed ayaan sameeyay shandad Sam-samnayd ahayd oo uu sitay ayaa intuu kor laalaadiyay oo u ruxay ayuu yidhi lix bilood horteed baan sameeyoo shandadan ayuu ku jiraa, SNM-ta iyo waxbaan yara maq maqloo waxaan is idhi bal aad yara eegtid imikana waxaad yeelaysaan anigu ciidan jabhadeed ma hayee ciidan dawladeed ayaan ahayaa, qorshaana waydun ila yar eeg eegi,  nin walawna gaasbaad iska kaxaysan.

Markaas waan la hadalnay oo anigu sahan kaan joogi jiray macluumaad fara badan ayaan SSDF  ka hayaa iyo Itoobiyadan ay joogaan anigaa markaa lay qabiyay inaan la hadlo markaas waxaan ku idhi Cabdilaahi Yuusufaw jabhad somaliyeed oo naga soo horaysay baad ahaydoo anagu sir maanu qarinaynine xaaladii dalka ee aanu ka nimid iyo nidaamka kali taliska ah ee ka jiray intaan idiinka waranay ayay ahayd, adiguse waxaad noo sheegtay inaad dawlad daahsoon tahayoo aad wax kala qarsanaysay, halbaanuse kuu sheegaynaa qorshahaas shandadaada ku jirana waxba kama jiraan oo waxaad qorsho ku samaysay maad haynin, anaguna kornayladan aad sheegayso waan ahaynoo waliba Hargaysa iyo Burciyo ayaanu ka nimidoo gaasaskaad sheegaysana waanu xukumi jinayoo waqooyiga waadigii ka shaqayn jiray tuuladii yarayd ee Bandarwanaagna in naanan qabsan karin ayaa noo soo baxaday oo lug baanu kaga soo baxnay oo hadaanu doonaynaa in aan dib u jabhadayno.

Waa uu noo faanay anagu jabhadii 1987-kii oo awriyaal iyo shibanayaal iyo faataadhug uu shubi jiray oo uu noogu faanayaa, markaa Cabdilaahi waa uu is mahadinayaa oo ciidan faro badan ayuu hayaa, ciidan 9000 tiro ku dhaw ama sagaal kun iyo jarjara ayuu hayaa si fiican u qalabaysan, dagaalkii ka faaidaystay Itoobiya iyo Somaliya 77 ilaa 78-kii ka dhacay jabhadiisu isla xiligaas soo gashay Itoobiya xili Itoobiyana u baahantahay Jabhad Maxamed Siyaad Bare ka horjeeda, kaamkii hanti wadaaga ahaa oo meesha markaas laga abaabulaayo oo qiiqiisu aad uga kacaayo oo Libiya,  dawladii Yamanta Koonfureed ee Cadan ay hawshaas wadaan, waxii Somaliya lagala hadhay iyo waxii laga qabsaday ayaa isaga  lagu wareejiyay, Libiya si qayral xad ah ayay hub u siisay, markaas aanu anagu nimid waxa uu u keenay Hub ilaa 800 iyo jar jar ah, 50 Jiib, 50 Shilke, 50 Suug, 50 Barawn, 50 Beshee-kee, laba batalyan oo taangi ah oo uu mid waliba toddobaatan taangi ku dhowyahay, sodaneeyo BM oo BM-ka 21-ka nooca loo yaqaano ah, BM 14-ka 12 dhuumood oo isa-saarana, Garan Biiga  bii’emka la yidhaahdo,  labaatan kun oo nin hubkood, markab shildaala, markab daawo ah, markab rasaas ah intaasbaa loo keenay.

Aduunyadaba ma arko oo indhahaa ayuu isku hayaayo anakana afar nin oo qaaqaawan oo soo lugeeyay buu noo arkaa, anaguna Cabdilaahi Yuusuf oo aan naqaano ayuun baan u aragnaa oo waxiisani nooma muuqdaan, markaa waxaan ku nidhi Cabdilaahaw haddii uu halgan Somaliyeed kaa dhab yahay anaguu awrayaashaas aad ka bilawday ayaan dameerayaal ka bilaabaynaa, waxan aad haysaa haddii uu halgan Somaliyeed yahay wax naga sii, dadkii na taageerayay aan anaguna ku nidhaahno walaaladeen inamay xumayne waxbay ina soo siiyeene oo aynu is kaashano, halkuu waxaas ka samayn lahaa Cabdilaahi Yuusuf waxa uu subaxdii bilaabay dawlada Itoobiya safaaradahii joogay ee  halgankan iyo waxan danaynaayay iyo dawladii kale ee Itoobiya joogay inuu subaxdii yidhaahdo waxa ay ku xidhan yahiin Rajciyada Sucuudiga iyo reer Galbeedka jabhad maaha ashkatuu halkaas nagaga bilaabay.

Adigu waxaan isla socono oo isla soconaba akhirkii Itoobiya anaguna waanu wada hadlanay isaguna wuu nooga sii horeeyay, waxa uu is lahaa xoogaa waad buquujisan karaysaa, anaguna rag uu Cabdilaahi buquujisan karo maanu ahayn Itoobiyana toos baanu u wada hadalnay, aakhirkii bisha sideedaad 1982-kii ayaanu gaadhnay heshiis saddex qodaba oo ah, inaan iska kaashano warbaahinta oo raadyawgii raadyaw halgan markii danbe loo baxiyay raadyaw Kulmis buu ahaa iyagu may lahayn ee dawlada Itoobiya ayaa halganka ku caawisay, waana nalaga dhaxaysiiyay halgan baanu u bixinay, siyaasada iyo borobogaandadana inaan iska kaashano, hawlgalada milatarigana inaan isla kaashano iyaga oo ama meelo ka kala dhaci kara ama meelo aan ka wada dhaci karin inaan iska kaashano.

Markaas arinkaasu siduu u socday Cadde Muuse ayaa yimi oo taliyaha ciidanka SSDF laga dhigay xiligii hawlgalada mandheera uu fulay bisha koowaad 1983-kii dabadeed ayaanu wardheer isugu tagnay, taliskayaga ciidanka iyo iyagu waxa ay ku soo wada hadleen Addis Ababa iyo Diridhaba inaan hawlgalo wada jir ah samayno, hawlgaladaas layskuma  haynoo way naga ciidan badnaayeen, waanu isla afgaranay waanu qorshaynay bartilmaameed Oodweyne ayaanu ka dhiganay, ciidankii markaan nimid ee hawlgalkayagii dhaqaaqay meelaha la tilmaameedsanayo ee dhumucda fog laga soo qaado siday SNM uga samayn jirtay Gunburaha iyo Bisiqa iyo Beer iyo dhulka laamiga ah ee Hargeysa iyo Gabiley u dhexeeya hawlgaladii laga samaynayay iyagu umay baranine, ciidankayagii markuu xadka kawada gudbay xoogaa kalsooni ah baa iyaga ku iman wayday dibaa loo soo noqday, dib buu u baaqday, arinkaasu waa arinkii Cade Muuse xilka taliye nimo ee SSDF kaga tagay ee uu ku yidhi ciidankayga yaaku yidhi Isaaqa raaci. Cadde Muuse nin furfuran’oo diyaar u ah, halgankuna ka daacad ka yahay diyaarna u ah inay labada jabhadood is kaashadaan ayuu ahaa.

Markii danbe ee aan arinkan ka wad hadalnaa waxay ahayd bishii labaad 1984-kii, Xasan Ciise iyo Cabdilqaadir Koosaar oo guddoomiye ah iyo anigaa shirkaas ka qayb galay Cabdilaahi Yuusuf iyo nin Maxamed Jimcaale la yidhaahdo oo imika Xamar jooga iyo nin Daahir la yidhaahdo oo qoladii la xidhnayda oo hadda meel uu jiro aanan garanayan ayay iyagu ahaayeen, wasiirku xigeenka wasaarada amaanka, janankii Herer barigeeda haystay Damise iyo nin Muftaax la yidhaahdo oo Militari Ataj ka haa safaarada Libiya ayaa iyaguna nagu wehelinayay,  arinkaa markaa waxa laga wada hadlaayay mawduucaad hore ee ahaa bishii sideedaad ee 1982-kii ee aan gaadhnay heshiiskii iskaashiga sidee loo anba qaadi karaa oo ay jabhadii u midoobi karaan, markaas Cabdilaahi Yuusuf isagu jabhadaha fikirka uu ka qabay waxay ahayd anigaa SSDF ah, anigaa idinka soo horeeyay, anigaa hub iyo lacag badan, aniga igu soo darsada, anaguna sidaas umaanu arkaynin gawaadhi badan iyo biro fara badan inuu haystay waanu arkaynay lakiin qaar Cabdilaahi Yuusuf guul ku keeni karo umaanan arkaynin, markaa arinkaas maalintaas ayuu xidhmay markaan isku diidnay, dib dambena  ugamaanan wada hadlin.

Tobankii kun ee ciidanka ahaa ee uu Cabdilaahi Yuusuf haystay iyo markaanu tagnay qalabkuu haystay ee aan imika tirinaayay ilaa 800 iyo jar jar tikniko ah ayay Libiya siisay intaa in ku dhawna markii hore ayuu sii haystay,  ciidan Siyaad Bare dawladiisii lagu qabsado wuu ahaa, laakiin ninkii ku qabsani kari lahaa baanu ahayn, anaguna 1988-kii 12 gaadhi oo tikniko ahna Hargaysaan ku soo galnay intaas inleegna Burcaan ku qabanay, ciidankayaguna 3000 oo askari wuu ka yaraa, taas uu sheegayana [In SNM Burco loo qabto] waxba kama jiraan, arinka markaa SSDF markii Cabdiraxmaan Caydiid iyo ragii la socday la laayay ee kiiskii la ogaaday ee arintii ay fashilantay 1985-kii oo anagu markaas aanu 1982-kii tagnay oo saddex sanadood aanu joognay isaguna 1978-kii uu tagay oo illaa sideed sanadood uu joogay oo waxaaso qalaba haystay SSDF anagaa wax nalaga waydiiyay Itoobiyana meel bay iskaga xidhay, wax hawla oo danbe oo uu galayna ma jirto, wax macno leh intaan wada joognay hawlgal uu meel Laanwaale ku qaaday oo laamiga ku taala oo Duuso-mareeb iyo u dhaxaysa Gaalkacayo oo khasaare aad u badan oo dhawr boqol oo qof oo dhaawaca iyo dhimasho fara badan ay kaga gaadhay ayaa hawlgal macno leh oo ay SSDF  samaysay jiray.

Sidii Maxamed Siyaad Barre ugu mashquulay yaa kacaane yaa kacaan diid ah, waxa uu ku mashqulay isaguna yaa Cabdilaahi Yuusuf la socda iyo yaan Cabdilaahi Yuusuf la socon, taasaana  SSDF baabiisay, ragii Gadheere iyo ee Xamar iyo agagaarkeeda lagu dilay jeelka anagaa ka soo saarnay, Hadraawibaa ka soo qaaday Diridhabe anagaa ku qasabnay oo Itoobiyaanka u tagnay oo jeelka ka soo daynay, dhalinyaro  badan oo imika dibadaha ku maqani waxay ku baxeen ruqsad ay SNM u qortay intay dib u soo galeen.

Comments are closed.