Gabose, Cirro iyo Muuse Biixi Iyamaa Ka Faa’iidi doona goosanka UDUB

4
810

Mar haddii uu khilaaf ka dhex qarxo mid ka mid ah xisbiyada qaranka waxa iska caado noqotay inuu burbur soo waajaho xisbiga islamarkaana la arko xubno magac ku lahaa oo meel kale u digo rogtay.

Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB oo muddo is huwanaa ayaa hadda u muuqda inuu khilaaf ka dhex curtay, ka dib markii murashax loo doortay Jamaal Cali Xuseen, waxaan qaadacay garab uu hoggaaminayo siyaasiga Cali Maxamed Warancade oo ahaa murashax madaxweyne. Khilaafka UDUB ma muuqato wax daawo ah oo lagu qaboojiyay, inkastoo ay jiraan odayaal xisbiga ka tirsan oo odayayn isku xilqaamay haddana waxa dedaalkooda maax duminaya hadalada xanafta leh ee ay labada dhinac isweydaarsanayaan kuwaas oo weedhaha ay isku cabirayaan aanay saamaxayn inay isku soo noqdaan, waxaanay dad badani aaminsanyihiin in dhawaan la arki doono xubno badan oo ka mid ah xisbiga UDUB oo ku biiray xisbiyo amaba ururo kale. Dad badani waxay aaminsanyihiin in goosanka ka yaaca xisbiga UDUB ay ku kala biiri doonaan Wadani oo uu Cirro Hoggaamiye, Umada oo uu Dr. Gabose hoggaamiyo amaba xisbiga xukuumiga ah ee KULMIYE oo uu Muuse Biixi hoggaamiyo. Waxa la ogyahay badhtamihii sannadkii hore inay mar suuqyada soo gashay in Cali Maxamed Warancade ka mid noqon doono xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, qaar badan oo ka mid ah saraakiisha xisbiga UDUB-na waxay aaminsanyihiin inaanay weli arrintaasi saqiirin balse ay dib u dhacday. Si kale haddii loo yidhaahdo hoggaankii sare ee xisbiga UDUB waxa laga yaabaa inay u kala qaybsamaan laba garab oo kala ah koox muddo ka aamusta siyaasadda iyo koox ku biirta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE.

Kuwo kale ayaa aaminsan in qunyar socodnimada Cabdiraxmaan Cirro ay suurtogal ka dhigi karto in xubno UDUB ah oo u badan da’da dhexe ay ku biiraan ururkiisa wadani, kuwaas oo ay ka mid yihiin ragga ku jira da’da dhexe ee ka mid ahaa xukuumadii Madaxweynihii hore amaba madaxda xisbiga UDUB, haddii kalena rag ka tirsanaan jiray xisbiga UCID oo UDUB ku biiray ayaa u digo rogan doona ururka wadani ee uu Cabdiraxmaan Cirro hoggaamiyo.

Dad badan oo ka mid ah dhallinyarada taageerta xisbiga UDUB ayay iyagana suurtogal tahay inay ku qancaan aragtida Dr. Gabose oo uu hankiisu yahay inuu hantiyo codka dhallinyarada, waxaana la sheegayaaba inuu hadda Digtoorku ku hawlanyahay abaabulka iyo xulashada dhalinyaro ku biirta ururka uu hoggaamiyo ee Umada.

Si kastaba ha ahaate falanqaynta siyaasadda cusub ee uu UDUB yeelan doonaa waxa ay ku xidhnaan doontaa hadba sida uu xisbigu khilaafka uga dabaasho, waxaana xaqiiqada halka ay UDUB ku dambayso la ogaan doonaa maalmaha soo socda.

Comments are closed.