Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii hore ee UDUB Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-Cirro), ayaa ka hadlay go’aanka ay dawladda Ingiriisku ku gaadhay inaanay muwaadinteedu u safrin Somaliland.
Md. Cirro, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu wax laga naxo ku tilmaamay go’aankaas Ingiriisku gaadhay, waxaanu tallo ahaan ku soo jeediyay in si ficil ah loo beeniyo dareenka dawladda Ingiriiska galay, isagoo shacabkana u soo jeediyay inay muujiyaan isku duubni. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:
Cabdilaahi Dhawaaqan Dalka Ingiriiska ee uu amniga Somaliland kaga dayriyay sidaad u aragtaa marka hore ?
Runtii waa arin aad iyo aad looga naxo, oo qof kasta oo muwaadin Somaliland ahiba uu ka naxo, isla markaasna Somaliland iyo waxii saaxiib la ahina ay ka nixi doonaan, cadawga Somalilandna uu ku farxi doono ayaa ay marka u horaysa tahay, hasa yeeshee talo waxay la gudboon tahay reer Somaliland hadday xukuumada tahay, hadday shacabka tahay iyo haddii ay goleyaasha tahayba.
Dhanka Amniga Khabiir ayaad ku tahay maxaa sababay ayaad u malaynaysaa ee uu Ingiriisku arkay?
Ingiriisku waxaas uu arkay waa dawlad indho dheer oo caalamka dadka ugu awood badan ah markaas waxay arkeen ka faaloon maayo, laakiin waxa inaga maanta inla gudboon ayaan ka hadli karaa oo ah arinkaas uu Ingiriisku sheegay haddii uu jiro iyo haddii aanu jirinba in aynu beenayno, waxaynu ku beenaynaynaana maaha af, qalin ama warbaahinta. Waxaynu ku beenaynaynaa si ficil ah Somaliland oo midawda, shicib iyo dawladba heegankeena oo boqolkiiba boqol la dhaafiyo, xadkeena oo xoog loo xidho, nabadgalyadeena oo aynu taam yeelno, dadka ajaanibka ah ee dalkeena jooga oo aynu kafaalo qaadano amnigooda oo aynu nabad galydooda sugno, ayaynu kaga guulaysan karnaa warkaas la faafiyay ee meel kasta ka dhacay.
Wakhtigii xukuumadiina arimahan oo kale marna ma idin la soo gudoonaadeen ?
Waxa jirtay mar Somaliland ay ka reebanayd in ajaanibka oo dhani uu yimaado, maalinba maalinta ka danbaysana waxa soo kordhaayay soonaha fasaxa laga dhigaayay ilaa ay Somaliland oo idil ay noqotay fasax, markaas inay wax inoo kordhaan ayaynu filaynay ee inay wax inaga dhacaan maynu filayn.
Si kastaba ah ahaatee haddii la tuhunsan yahay Al-shabaabtaas Xamar lagaga adkaaday ee la soo jabiyay inay xagan u soo firxadaan, waanay dhici kartaa inay u soo firxadeen ama ay u soo firxan doonaan, waana in kuwaas dadkeena laga hawlgaliyaa oo marka horeba xukuumad, taayadii hadday tahay kuwii ka horeeyay iyo tan imikaba waxa ka awood badan shacabka markaas in shacabka la wacyi galiyo oo ay arkaan shacabkuna in waxii ay laba iyo labaatanka sano u soo halgamayeen in aanu dib u noqon oo nabadgalyadooda sidii ay u ilaalin jireen ay u ilaaliyaan.
Xukuumadana waxa waajibkeeda ah ciidamadii oo ay heegan galiso, dadkii oo ay wacyigaliso, gudidii nabadgalayada ee ilaa heer tuulo oo iyaduna shaqadeeda gasha iyo inaga oo feejignaana oo warkaas caalamka maanta gaadhay aynu si ficil ah u beenayno.
Wakhtigii qaraxyadu ay dhaceen Hargeysa hal darajo ayaa hoos loo dhigay amniga Somaliland, haddana bartiisii ayaa dib loogu celiyay. Wakhtigaas maxaad samayseen.?
Markaasna nabadgalyada ayuun baanu adkaynay oo si ficil ah ayuun baa lagaga jawaabay, markaas iyaga [Ingiriiska] murankooda iyo la hadalkooda waxa ka qiimo badan inaga oo inagu isa saxna oo waxii dhexdeena ah toosina, oo haddii firxadkaasu jiraana aynu raadino iyaga laftigoodiina aynu nidhaahno na taabsiiya waxaad aragteen, macluumaadkana adduunku waa uu kala qaataa oo waa dawlad inaga weyn oo inaga awood badane haddii wax ay hayaan laga faa’idaystaa.
Maxaad madaxweynaha iyo guud ahaan xukuumada iyo si gaar ah hay’adaha amniga aad u soo jeedin lahayd?
Sidaan shacabka u soo jeedinaayo ayaan leeyahay xukuumadana waajibkooda ha gutaan, mana lahi waajibkooda waa ay gudan waayeen ee waa inay sii laban laabaan oo ay sii adkeeyaan, oo arintanina sidan sheegay ay noqoto arin aynu ku beenin karno si ficil ah. Somalilandna waxaan ku baraarujinayaa in aanay arintan ku niyad jabine ee aynu waxii aynu laabaatanka sano ku soo mitidaynay aynu mitidkii ku wadno.