Qarax Ka Dhacay Madaxtooyada Somaliya

0
599

 

Picture8Muqdisho(Geeska)-Qof isa soo miidaamiyay ayaa shalay isku qarxiyay afaafka hore ee xafiiska Raysalwasaaraha dalka Somaliya.

 

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen markii qof bam isku soo xidhay uu isku qarxiyay meel u dhaw xafiiska Raiisul Wasaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qofku uu is qarxiyay markii ay suaallo weydiiyeen ciidamada ammaanka meel koontarool ah oo u dhaw xafiiska.

Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa saxaafadda u sheegay in ninka is qarxiyay uu hore uga tirsanaan jiray al-Shabaab, uuna ku soo biiray ciidanka nabad-sugidda dowladdaas, laakiin dhawaan laga eryay shaqada oo ay baadhayaan faylkiisa.

Qaraxa ayaa waxa ku dhaawacmay saddex qof oo kale. Xafiiska ayaa waxa uu ku dhexyaal dhismaha xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.