Waraysi Gaar Ah: Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)

1
903

qaybeHargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii golihii hore ee wakiilada Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), ayaa Somaliland ugu baaqay inay wax ka qabato tabashada beesha Dhulbahanate si ay Beesha iyo Somaliland isugu soo dhawaadaan.

Oday Qaybe, oo waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu isu soo sharaxi doono murashaxa madaxweyne ee xisbiga UDUB si meesha looga saaro dacaayadda ay kooxda Khaatumo ku shaqaysato ee ah inaan Beesha Dhulbahante waxba looga ogolayn Somaliland iyo hay’adaheeda dawladeed. Md. Qaybe, waxa kale oo uu ka hadlay aqoonsiga Somaliland iyo weliba khilaafka xisbiga UDUB. Waxaanu waraysigii u dhacay sidan:

Marka ugu horaysa Oday Qaybe sideebaad u aragtaa xaalada dalku maraayo wakhtigan?

Xaalada dalka haddaan eegay waxaan u arkaa siday yidhaahdaan reer Mudugu, waxaanay reer Mudugu yidhaahdaan ( Balaayo ma jidho, hadday jidhana ma buurna ), aniguna sidaas ayaan u   arkaa.

Qaybe waxaad badwayta diblamaasiyada iyo siyaasada arimaha dibada aad ku soo dhex jirtay rubuc qarni, arintii ictiraafka Somaliland ina wax bidhaan ahi ma kuu muuqdaan?

Adduunku waxa ina yidhaahdaan idinka iyo Somaliya ayay arintaasu idinka dhaxaysaa waana tan shirarka la tagayaa, waxaanay yidhaahdaan waanu idinku dhiiri galinaynaa haddii aad idinku kala baxdaan oo ku heshiisaan sida dawlada qaarkood waxba kama qabno, laakiin arintaasu idinkay idiin taala.

Tusaale ahaan dalka Czechoslovakia aan anigu safiir ka soo noqday ayaa jiray oo hadda kala noqday laba dal oo kala ah Czech Republic iyo Slovak Republic. Yimaadeen waxaanay ku heshiiyeen inay kala baxaan Juck  iyo lasavaciyai , baarlamaankay geeyeen madaxweynahooduna waa uu saxeexay , dabadeedana dukumentigii  waxa la geeyay qarmada midoobayoo waxay kala noqdeen Czech Republic iyo Slovak Republic, waxa kale oo jirta Sudaan oo waatii midaysnayd, markaas waxay ku heshiiyeen in lix sanadood kadib doorasho laga qabto Koonfurta Suudaan oo markaas hadday goostaan inay go’aan ay go’aan,  doorashadii ayaa la qabtay lixdii sanadood markii la gaadhay waxaanay go’aansadeen inay gooni isku taagaan, markaas imika waa kuwaas noqday dawlad gooni u taagan.

Sidaas oo kale ayaa laynaga rabaa, waxaana jira dawlado inaga soo horjeeda oo aan ahayn kuwa afrika oo kaliyaata, tusaale ahaan China waxa jirta Taiwan barigii hore iyadaa ku jiri jirtay golaha qaramada midoobay, dabadeedana wax badan ayay China-da wayi daba taagnayd, markii dawladaa badan ee Afrikaanka ah ay galeen qaramada midoobay, Taiwan meesha laga saaray oo China soo gashay, markaas China wali kamay hadhin Taiwan, markaas  hadaynaan ka shaqayna arinteena oo qadiyadeenu intay ka duwantahay tooda loo sheegin waa dhib, markaas dawladaha China iyo Ruushka iyo kuwa noocaas ah waa in laga shaqeeya, afrikaankuna macne wayn malaha waanay ina diidan yahiin, waxaana hore loo yidhi geed walba in gubtaa hoostaala, dalalka afrikana dalwalba gobal raba inuu goosto ayuu leeyahay, sidaasayna inugu diidayaan.

Markaas anigu waxaan hadda arkayaa aqoonsigaas in aanu hadda bislayn, laakiin waa in la shaqeeya, intii xukuumadda Axmed Siilaanyo timina dhaqdhaqaaq ayaa socda oo dardarbay galisay.

Dhawaan waxaad ku dhawaaqday inaad isku soo taagayso jagada gudoomiyenimada iyo murashaxa  xisbig Udub, arintaas halkay ku danbaysay?

Waxaan doonayaa inaan gudoomyaiha Udub isku sharaxo waayo kamid baan ahaa Udub doorashadii ugu danbaysayna Buuhoodlana waxaan ugu galay Udub, waxaana xisbiga sameeyay marxuumkii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal alle hawnaxariistee, haddii cidi yeelan karto oo ay sheeganaysana isagaa lahaa, labadan qaybood ee ay u kala ajabeena midna ma laha.

Markaa talaabada ugu horaysaa waa sidii xisbiga loo badbaadin lahaa oo ama inaan iyagii heshiisiiyo oo ay meel isugu baydhaan ama aan anigu ka dhex qaado, taasi waa mid. Mida labaadana nimankii Dhulbahante waan isku xiiqnay, waxaan leeyahay Somalilandbaynu nahaye Somaliland soo raaca inta marba qolo idiin gacan haadinayso, oodkaa dheerina kuma dhaxan tirto ee halkanaynu waligeen ahayne soo raaca, waxa laygu yidhi adigu cuslaysbaad halkaas la joogtaaye ka soo bax, waxaanan idhi waxba ka soo baxi maayo, waxa laygu yidhi maxaynu ku haysanaa, waxaanu ku idhi haddaan madaxweyne noqono ka warama cid waliba soo noqotaye, waxaanay igu yidhaahdeen haddii madaxweyne lagu siiyo markaasayniuwada hadlaynaa, arinkaasuna waa uu igu soo kordhay, waana in meeshii cadaalada la sameeyo oo la wada yeesha.

Khilaafkan xisbiga Udub markaas ma waxaad leedahay waan dhex galayaa?

Haa, laakiin wali wax xidhiidha lamaan samayn oo maalintii hore waanigii ka gaabsaday oo haddaan bilaabayaa.

Kooxda Khaatumo sidaad u aragtaa?

Kooxda Khaatumo horta Dhulbahante meel uu joogaba waa uu la socdaa, waanu waalan yahay, laakiin meel jirta maaha, waxaana waxaas oo dhan keenaya in aan halkan waxba lagu haysan ama Puntland hala jiro ama Somaliya’ee halkan ayaan waxba lagu haysan, markaas waxaan leeyahay Somaliland dagdag haw xaliso tabashada beesha Sool. La Soco qaybta labaad ee waraysigaas oo uu Qaybe kaga sheekaynayo taariikhdii midnimada ilaa burburkii dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Comments are closed.