Doorashooyinka dimuqraadiga ah waxaa ku Guulaysta oo keliya dadka kuwa ugu tayada iyo kartida liita

0
612

Daraasad- Intii ka dambaysay burburkii dalkii Midowga Soofiyati oo ahaa awood dheelli tirta xoogga reer galbeedka waxaa si weyn dunida ugu faafay aragtidii dimuqraadiga ahayd ee ay reer galbeedku wateen. Dhaqaalaha adag iyo awoodda milateri iyo diblumaasiyadeed ee dalalkan ayaana sahashay in dimuqraadiyaddu ay gasho guri kasta oo dunida maanta ku yaalla, iyada oo noqotay erey uu ugu yaraan maqlay qof kasta oo dunida ku nool, waxa ay reer galbeedku dunida ku qanciyeen in dimuqraadiyaddu ay tahay habka keliya ee lagu dooran karo hoggaamiyaha ugu fiican ee rumayn kara himilada bulshadiisa, waxaana qof kastaa u qaataa in hoggaamiyaha doorasho xor iyo xalaal ah ku soo baxay uu yahay qofkii ugu mudnaa ee bulshadaasi lahayd, laakiin taasi waa ay beenowday.

Daraasado dhowaan la sameeyey ayaa caddeeyey in inta badan ay doorashada ku soo baxaan dadka bulshada ugu liita tayo ahaan, waayo dadka wax doortaa waxa ay u badan yihiin bulshada kuwa ugu aqoonta, dhaqaalaha iyo ilbaxnimada liita muwaadiniinta, halka kuwa aqoonta leh iyo hal doorku aanay inta badan tegin sanaaduuqda codka. Natiijada daraasaddani waxa ay noqotay in qofka aan aqoonta iyo karitda lahayn ama waayo aragga aan ahayni aanu dooranba karin qof ka fiican.

Nidaamka dimuqraadiga ahi waxa uu ku tiirsan yahay malaha ah in muwaadiniinta ugu yaraan intooda ugu badani ay xulan karaan siyaasiga ugu habboon ama aragtida dimuqraadiga ah ee ugu mudan. Laakiin aragtiyio isa soo taraysa oo ka soo baxaysa cilmi baadhiso lagu sameeyey arrintan ayaa gebi ahaanba burisay aaminsanaantaas. Daraasadahani waxa ay daahfureen in nidaamka doorasho ee dimuqraadiga ahi uu soo saaro siyaasado iyo madax aad u tayo daran. Daraasad uu hormuud u ahaa David Dunning oo ah khabiir ku xeel dheer cilmi nafsiga oo ka tirsan jaamacadda Cornell ee dalka Maraykanka, ayaa muujisay in dadka bilaa tayada ah, dadka aqoontoodu hoosayso iyo dadka bilaa khibradda ahi aanay garan karin khibradda iyo aqoonta qofka kale ama aanay qiyaasi karin tayada aragtida dadka kale. Tusaale ahaan haddii qofku aanu khibrad u lahayn waxa ay tahay dib u habaynta cashuuruhu, waa ay adag tahay in uu xusho ama garto murashaxa dhab ahaan khibradda u leh oo awoodo in uu cashuuraha dalka dib u habeeyo, waayo malaha awooddii maskaxeed iyo aqoontii ay ku kala dooran lahaayeen ama xukun macno sameeya ku kala saari lahaayeen qofka khibradda u leh iyo kan aan u lahayn waxa ay doonayaan.
Murashaxiinta siyaasadda oo aan laga haynin war waafi ah ama xog dhab ah ayaa iyaduna sii kordhinaysa awood darrada keenta in cod bixiyeyaal badani aanay si sax ah u qiimeeyn karin qofka ay dooranayaan. Waxaa intaa dheer in caadi ahaan aanay dadku awoodin in ay kala gartaan fikirka iyo ereyada quruxda badan iyo kuwa ficilka loo beddeli karo ee uu ku hadlayo murashaxa ay dooranayaan, xataa in aanay garan karin illaa xadka ay wanaagsan tahay fikraddan uu ku hadlayaa ama ay suurtogal tahay in ficil loo beddelo, marka laga tago in loo ereyeeyey ay qurux badan tahay.

David Dunning iyo saaxiibkii Justin Kruger oo isna ka tirsan jaamacadda New York ayaa ku celceliyey in bani’aadamku sidiisaba aanu qiimayn karin illaa xadka ay fariidnimadiisa ama garashadiisu tahay, waxaa ku badan is mood-siiska beenta ah oo uu qofku isu qaato inuu yahay qof garasho badan, tusaale ahaan hadallada ay ku kaftamayaan, saxnaanta luuqadeed iyo naxwe ee ereyada ay odhanayaan, garashadooda iyo weliba kartidooda ciyaaraha dhammaan waxa uu qofku ka aaminaa fikir qaldan oo ah in uu ku wanaagsan yahay ama haddii uu isku dayo kaga wanaagsanaan lahaa dadka kale. Labadan khabiir waxa ay daraasaddooda ku ogaadeen in qofku sidiisaba iska aaminsan yahay in uu dadka kale ka hawl-karsan yahay ama ka karti badan yahay, xataa haddii qofka si rasmi ah loo tijaabiyo oo la ogaado in kartidiisa iyo gudashadiisa shaqo liitaan weli aaminsanaantan beenta ah waa uu ku sii dheggenaandaa. Malaha waana sababta ay Soomaalidu u tidhaahdo, “Nin walba qumanihiisaa qoorta loo sudhay”
Khabiirka daraasaddan hormuudka ka ahaa ee David Dunning ayaa isaga oo sii faahfaahinaya natiijadan ah in qofku aanu qiimayn karin khibradda iyo aqoonta ama kartida iyo hawl-karnimada qof kale ama naftiisa maadaama oo aanu aqoon buuxda iyo waayo aragnimo u lahayn waxa uu qiimaynayo, waxa uu yidhi, “Haddii aqoonta aad shayga u leedahay ay yar tahay, ma joogtid heer aad qiimayn karto meelaha aad u liidato ama gal-daloolada dadka kale” Taas oo keliya ma’aha ee waxa ay daraasaddani daahfurtay in sideedaba qofku aanu qiimayn karin qofka kale haddii aanu ka haynin xog badan iyo macluumaad waafiya, oo ku saabsan shakhsiyaddiisa qarsoon, taariikhdiisa dhabta ah, dhaqankiisa iyo aqoontiisa, sida aynu og nahayna dadka tartanka dimuqraadiyadda ku jira badankooda lagama hayo macluumaadkaas oo dhab ah, taasina waa sabab kale oo keenaysa in qofka wax dooranayaa uu doorto keliya qofka ay isu dhow yihiin dhinaca garaadka iyo aqoonta ama khibradda.

Mato Negal oo ah khabiir u dhashay dalka Jarmalka oo ku xeel dheer cilmiga bulshada ayaa dhowaan daraasad iyo tijaabooyin ku sameeyey natiijada daraasaddan iyo aragtida Dunning iyo Kruger ee ah in dadka caadiga ahi aanay inta badan dooran qofka ku habboon talada, Nagel waxa uu tijaabo ka qaaday natiijo ka soo baxday doorasho si dimuqraadiya u dhacday, kadib markii hab cilmiyeysan murashaxiintii loo kala saaray, kuwo xun, kuwo dhexdhexaad ah iyo kuwo fiican iyada oo loo eegayo aqoonta ah leeyihiin wax yaabaha ay ballan qaadayaan in ay qaban doonaan, kartidooda iyo khibradda ay leeyihiin, markii ay soo baxday natiijada daraasaddan waxaa la arkay dadkan kuwii ugu xumaa oo noqday kuwa ugu badan ee ku guulaystay doorashada.

Tijaabadan kadib waxa uu Nagel isna soo saaray aragti odhanaysa, “Dimuqraadiyaddu dhif ayaa ay keentaa hoggaamiye fiican ama maba keento abidkeed” Natiijada daraasaddani waxa ay marag cad u tahay, xikmadda Rabbaaniga ah ee ku jiray, hadalkii nebigeennii Muxamed (SCW) ee macnihiisu ahaa in aan talada loo dhiiban qof isagu badka is keenay oo yidhi aniga ayaa hal door ah ee ii xusha hoggaanka. Ugu dambayntii labada qodob ee muhiimadda daraasaddani isugu soo biyo shubanayso ayaa ah; Murashax kasta waa in la daraaseeyaa barnaamijkiisa siyaasadeed iyo balla