Kulan Dhex Maray Gudoomiyaha Wajaale iyo Guddiga hurumarinta Ganacsatada

0
717

WAJAALETog-Wajaale (Geeska)- Kulan-Ballaadhan oo ay yeesheen Maamulka Magaalada Wajaale iyo Guddiyada kala duwan ee ka jira Magaalada oo ay kaga arrinsanayeen sidii loogu maaro heli lahaa Wadooyinka Magaalada Gudaheeda dhex mara, oo Dadwaynaha ku dhaqan Magaaladu in Muddo ahba khaati Nafsi ka joogeen Jid xumada haysata.

 Kulankan Maamulka Degmada Tog-Wajaale la yeeshay Guddiyada Horumarinta, Ganacsatada, iyo Odayaasha Deegaanka oo ku qabsoomay Hoolka Shirarka ee Xarunta Dawladda/Hoose ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxda Laamaha Dawlada ee Degmada, Ganacsatada, Cuqaal, Qaar ka tirsan Dadka ku dhaqan Magaalada, iyo Marti-Sharaf kale oo badan.

Munaasibadani lagaga wada hadlayey sidii loo hagaajin lahaa Waddooyinka Magaalada gudaheeda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi iyo Xog-hayaha Fulinta  Dawladda/hoose ee Degmada Faysal Maxamed Cumar, kuwaas oo Sharaxaad dheer ka bixiyey Baahida loo qabo in Waddooyin Laami ah laga hir-Galiyo gudaha Magaalada, sida ay u qoondeeyeen ee ay u qorsheeyeen in laga suurto-galin karo Waddooyinkaas, iyo Inta ay Gacanta ku hayaan, Wixii ku bixi lahaa ee Kharash ah, iyo inta ay ka doonayaan Ganacsatadu in ay kaga qayb gasho sidii loogu samayn lahaa Waddooyinkaasi,"Waxaanu qiimayn ku samaynay Jidadka Magaalada dhex mara oo aanu Shirkadani noo fulisay, waxay ku qiimeeyeen Lacagta ku baxaysa Jidadka Magaalada Lacag dhan Sideed

Boqol oo kun oo dolar, Dawlad/hoose ahaan waxaanu haynaa Boqol kun oo Doolar, Inta kale waxaanu qorshaynay in Dadwaynaha iyo Ganacsatada Magaalada iyo Dalkuba nagala qayb qaataan". Sidaana waxa yidhi Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Maxamuud C/laahi. "Waxaanu Ogaysiinaynaa Dawladda iyo Dadwaynaha Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, Gaar ahaan Qurbe-joogta in tusaale ahaan Hal Milyan oo Qof oo Min Hal Doolar ahi waa Hal Miyan oo Doolar, wax wayn ayay noo

qabanaysaa oo Waddooyinkaa way inoo dhamaystiri lahayd. Sababta oo ah tusaale ahaan Qoyska ka kooban Tobanka qof waxaa laga yaabaa Marka ay ugu yar tahay in Shan Qof oo ka mid ahi ay sitaan Moobilo oo Maalintii Alle keenaba ku shubtaan Min Hal Doolar, waxaa ka wanaagsanayd in aynu Maalin ka mid ah aynu ugu deeqno Horumarinta Dalkeena, sababta oo ah Dal kasta cida dhistaa Waa Dadkeeda". Sidaana waxa yidhi Xog-hayaha Fulinta Dawladda/hoose ee Degmada Tog-wajaale Faysal Maxamed Cumar.

 

Gudoomiyaha Guddida Horumarinta yuusuf Maxamed Xasan (yuusuf cali)                                         oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegey in ay qiimayn ku soo sameeyeen Waddooyinka Magaalada dhex marta, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa: "Waxaan u soo jeedinayaa Dadwaynaha Degmada Tog-Wajaale iyo Gobolkaba iyo guud ahaan Ganacsatada waawayn ee Dalka in ay qayb Libaax ka qaataan Sidii loo hagaajin lahaa Wadooyinkasi, Magaaladana markii aanu qiimaynay ee Magaalada gabigeedaba aanu Sarfayn ku samaynay, waxaa lagu qiyaasay Lacagta ku baxaysa Sida Maamulku sheegay 750,000$ ilaa 800,000$ (Todoba Boqol iyo Konton kun oo Dolar ilaa Sideed Boqol oo kun oo Dolar) marka hore waxanu soo bandhigaynaa inta ay Dawladdu u qorshaysay ee ay kaga qayb-qaadanayso, inta kalena in Dadwaynaha iyo Ganacsatada ka dhex ganacsatadaba la saarayo Muhiimada in ay ka qayb qaataan

Oday Cismaan Miigane Suldaan oo ah Gudoomiyaha Guddida Odayaasha Magaalada Tog-Wajaale oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay Dawlada kula garab taagan yihiin tallaabo kasta oo Dadwaynaha loogu adeegayo, "Hadii Dawladayadu ay diyaar u tahay in ay wax nagala qabtaan Baahiyaadkayaga, Annaguna waxaanu diyaar u nahay in

Maamulkayaga haday Degmada tahay, haday Gobolka tahay iyo haday qaranka tahayba in aanu Gacmaha Qabsano oo aanu wax la qabano inta Awoodayada ah, Hal Shilin haday Qofka Awoodiisu tahay waanu bixinaynaa" ayuu yidhi Oday Cismaan Miigane Suldaan.

Cali Tubeec oo Isaguna ku hadlayey Afka Ganacsatada Degmada Tog-wajaale ayaa yidhi: "Dadka ama Shacabkaba Waxaanu u tabinaynaa in Dhaqaalaha intaa leeg aanay Dawlada/hoose ee Degmadu ka kaban karin, Cid kasta oo wax ku darsanaysa Lacagta Xaddigaa leeg ee Sideeda Boqol ee Kun ee Dollar ah in lagala qayb qaato ayay soo ban-dhigeen, waxaanu diyaar u nahay in aanu ka qayb qaadano intii Karaankayaga". Ayuu yidhi Cali Tubeec oo ka mid ah Ganacsatada Degmada Tog-Wajaale.

Kulankan ay Maamulka Magaalada Tog-wajaale la yeeshay Guddiyada kala duwan ee Degmada oo ay kaga wada hadlayeen sidii loo samayn lahaa Jidadka Magaalada, ayaa noqonaya Kulankii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay ku kulmaan labadaa dhinac tan iyo intii lagu dhawaaqay Madaxbanaanida Somaliland.