Wararkii U Dambeeyay Ee Xiisadda Diblomaasiyadeed Ee Dalalka Gacanka Iyo Dalka Qatar

0
628

Wasiirka arrimaha dibedda Kuwait, Sheikh Sabah al-Khalid al-Sabah ayaa sheegay in dalka Qatar uu diyaar u yahay inuu dhageysto walaacyada ay qabaan afar dal oo kale oo carbeed ee dhaliyey in dalkaas xidhiidhka loo jaro.

Xukuumadda Doha ayaa lagu eedeeyey inay taageerto kooxaha argagixisada. Qatar waa ay beenisay eedeymaha loo jeediyey.

Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa illaa iyo hadda ku guul darreystay inuu xal u helo muranka dalka Qatar kala dhaxeeya dalalka Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Bahrain.

La-taliyaha gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Qatar Mutlaq al-Qahtani ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in xasaradahan aanay ku saabsaneyn maal-gelinta argagixisada, hase yeeshee uu yahay olole mideysan oo la doonayo in Qatar lagu qasbo inay beddesho siyaasadeeda arrimaha dibedda.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dalalka uu horkacayo Sacuudiga iyo dalka Qatar ayaa weli taagan, una muuqda mid sii xoogeysanaya.

Imaaraadka Carabta ayaa ku amray bangiyada dalkaas inaanay  la macaamilin Qatar taasoo muujineysa in xal mudada dhow ah oo laga gaadho arrintan aanu  muuqan.

Dalka IRAN ayaa bilaabay inuu khudaarta u diro wadanka Qatar oo hada ku jira xayiraad ay saareen dalalka jaarka la ah ee Khaliijka.

Qatar ayaa hore khudaarta iyo cuntada dalkaasi la keeno ka iibsan jirtay wadamada Carabta ah ee jaarka la ah sida Sacuudiga oo iyagu todobaadkii hore xidjay xaduuda ay la wadaagaan wadankaasi yar.

IRAN ayaa afar diyaaradood oo sida khudaar Axadii  u dirtay magaalada Doxa ee xarunta Qatar, waxayna shirkadaha laga leeyahay IRAN sheegeen in ay si joogto ah u bilaabi doonaan khudaartaa iyo cuntada kale ee la geynayo Qatar, arrintan ayey si weyn usoo dhaweeyeen ganacsatada IRAN.

Dhinaca kale dowlada IRAN ayaa labo kamid ah maraakiibteeda dagaalka u dirtay dalka Cumaan, maraakiibtan ayaa la sheegay inay hawlgalo ka sameyn doonaan xeebaha dalka Yemen.

Dowlada Qatar ayaa sidoo kale shaqo siisay John Ashcroft oo hore usoo noqday Xeer illaaliyaha guud ee Maraykanka, wuxuuna Qatar ka caawin doonaa siyaasadooda ku aadan xiisada khaliijka iyo xidhiidhka caalamka.