Culimada Qaadiriyada Oo Dhaliilay Sharciyadda Guddiga Culimada Ee Madaxweynuhu Magacaabay

0
526

Hargeysa(Geeska)-Culimada qaadiriyada ayaa golaha guurtida Somaliland ugu tagey kulan cabasho ah oo ay ka cabanayaan gudida culimada Somaliland ee uu madaxweynuu soo saaray gudidaas oo aan laga soo qaybgalin iyaga oo isku tirinaayay culimadii qadiimiga ahayd ee dalka.

Sheekh Axmed Caabi oo tilifishanka Star kula hadlaayay afaafka hore ee golaha baarlamaanka ayaa sidan u sheegay"Waa culimadii Ehlusuna a wal-jamaaca ee dalku uu asal u lahaan jiray shir gudoonka guurtida ayaanu la kulanay oo waanu la balanay arinta aanu kala hadlaynaana waa 11-ka culimada dastuuriga ah oo aanu u aragnay in si sharci daro ah loo magacaabay, waxa dastuurka ku yaala 11 waxaana la magacaabay 12, culimadii dalku lahaan jiray ee u soo dagaalantahay ee u soo halgantay waxba lagagama darin waana dhinac kaliyaata, hadday gudidaasi sidaas ku ansaxdana waxay bar badow ku noqonaysaa Somaliland."

Sheekha oo la waydiiyay waxa ay ula kulmi waayeen madaxweyne Siilaanyo waxa uu yidhi"Madaxweynaha waanu ku soconaa, guurtiduna qayb ayay ka yihiin."