Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Waqooyi Bari Ee Kenya

0
557

Picture2Bandaw habeenkii ah ayaa lagu soo rogay magaalooyinka Garissa, Wajir, Mandera iyo Tana River ee wadanka Kenya.

Bandawgan oo shalay dhaqan galay ayaa socon doona illaa iyo 16-ka bishan Abriil.

Waxa uu yimid kadib weerarkii ka dhacay jaamacada magaalada Garissa, oo ay ku dhinteen 147 qof, sida ay sheegtay wasaarada amniga gudaha.

Dawladda Kenya waxa ay sheegtay in hawlgallkii ka socday jaamacada la soo gabgabeeyey, iyadoo dhammaan dableydii weerraka soo qaaday oo afar qof aheyd la sheegay in la dilay.

Ardaydii ka soo badbaaday weerarka ayaa qaarkood waxa ay ka sheekeeyeen sidii ay weeeraradu u dhaceen.  In ka badan 800 oo arday ayaa jaamacadaas wax ka dhiganayay.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay jirtay digniin ah in jaamacadaasi ay khatar ugu jirtay in la weeraro. Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda amniga gudaha Monica Juma ayaa BBC-da u sheegtay in khatarta Al-shabaab ee Kenya ay tahay mid cad.

Dawladda ayaa shalay sheegtay in la xidhay jaamacadda, iyadoo ardaydana loo bedeli doono Jaamacadda kale ee MOI si ay waxbarashadooda u sii wataan.

Dawladda Kenya waxa ay sheegtay in ay abaal gud la siin doona ciddi keenta macluumaad horseeda soo qabsahda ninka la aaminsanyahay in uu weerarkasi soo qorsheeyay Maxammed Maxamuud Kuno oo hore u ahaa macallin dugsi sare oo oo u dhashay Kenya, balse hadda la aaminsayahay in uu Soomaaliya joogo.