Gudoomiye Xigeen Cusub Oo Loo Doortay Dalladda Aqoonyahanka M-jeex, Hawd, Saaxil iyo Togdheer

0
548

Picture1Hargeysa (Geeska) -Dalladda  aqoonyahanka goboladda Maroodi-jeex, Hawd, Saaxil iyo Togdheer ayaa hogaanka Dalladooda u doortay gudoomiye xigeen cusub oo bedeli doona ku xigeenkii hore, isla markaana xubno cusub ku soo kordhiyey Boodhka dalladda. Shirka lagu doortay gudoomiye xigeenak cusub waxaa gudoominaayey Nageeyey Maxamed Xasan oo ah gudoomiyaha dallada. War qoraal ah oo ka soo baxay xarunta dalladda aqoonyahanka gobolada Maroodi-jeex, Hawd, Saaxil iyo Togdheer oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka dalladu Haashim Mahdi Cabdi ayaa lagu yidhi “Uj: Board ka Dallada Guud Ee Dhalinyarada Aqoonyahanka Gobolada M,Jeex , Hawd, Saaxil Iyo Togdheer oo Magaacay G/Xigeen Cusub ansixiyeyna Xubno Cusub oo lagu kordhiyey Board ka daladda

Board ka Dallada  guud  ee  dhalinyarada  aqoonyahanka  Gobolada M,jeex, Hawd ,Saaxil Iyo Togdheer  ayaa doortay  G/xigeen cusub oo badali doona gudoomiye xigeenkii hore ee daladan aqoonyahan Xamse Khiere Yuusuf , ansixiyeyna xubno cusub oo lagu soo kordhiyey Board ka dalada.

Hadaba board ka daladda ayaa gudoomiye xigeen Cusub u doortay Dr. Adan Abdilahi Mohamed  oo ka mid ah dhalinyarada aqoonyahanka reer Somaliland, jagadan loo doortay isla markaana lagu qancay in uu qaban karo shaqada gudoomiye xigeenka Daladda. Sidoo kalena Broad ka daladda ayaa ansixiyey xubno Cusub oo lagu soo kordhiyey Board ka daladda, kuwaas oo kala ah Mohamed Hussein Xasan 

Aadan c/laahi maxamed

(Haashim Mahdi Cabdi)

Afhayeenka Dallada Aqoonyahanka Hawd