Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Jigjiga, Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Oo Shacabka La Hadlay Iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Itoobiya Oo Xalay Soo Saartay Hanjabaad

0
46486

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Xaaladda magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa inkastoo ay degenayd xalay cawayskii, haddana waxa laga dareemayaa cabsi iyo jaho-wareer. Waxa magaalada laga jaray shalay galab Korantada; Internet-ka iyo Biyaha taas oo walwal kale abuurtay., laakiin xalay cawayskii magaalada ayaa noqotay mid xaaladeedu caadi ku soo noqonayso.

Ciidamada Milatariga Dowlada Federalka Ethiopia ay shalay barqadii la wareegay Magaalada Jigjiga, gaar ahaan madaxtooyada, xarunta baarlamanka iyo xarunta Telefishinka ESTV.
Reer Jigjiga ayaa shalay ku waabariistay Gaadiidka gaashaaman iyo ciidamadan oo ku suggan dhamaan jidadka waaweyn ee magaalada

Madaxweynaha dawladda Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa saacado badan la waayay meel uu ku suganyahay, waxaana soo baxay warar kala duwan oo qaarkood sheegayaan in ciidamada federaalka Itoobiya ay gacanta ku dhigeen.

Wageyska Addis Standard ayaa  qoray in ciidamada militariga Itoobiya ay ku hareereysan yihiin maadxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wargayska oo soo xiganaya ila wareedyo ayaa sheegay in madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ay gacanta ku dhigi doonaan ciidamada.

Wargayska ayaa sheegay in arrintasi loo samayn doono ”si looga hortago dhiig kale oo ku daata gobolka”

Laakiin dhawr saacadood ka dib ayuu saxaafadda la hadlay, isagoo shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, waxaanu Madaxweyne Cumar yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan uga diro shacabka dawlad deegaanka Soomaalida in lays dajiyo, meelo badana dhibaato ayaa ka dhacaysa, dibaatadaasna waxa weeyaan la dajiyo,dadkii dhintayna alle haw naxariisto ayaan leeyahay ee laakiin in mabadgalyada la ilaaliyo oo aan hantida dadka la dulminin, dadkii dhintyana alle hawnaxariisto.”

Dad badan ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada oo u muuqatay mid gashay jahawareer aan hore loo fileyn. Meelaha qaarna waxaa la soo sheegayaa in bililiqo ay ka dhacday.

Wargeyska Addis Standard ee Addis Ababa ka soo baxa ayaa baahiyay in laba kiniisadoo oo ku yaala magaalada Jigjiga dab la qabadsiiyay iyo weliba in la boobay bangiga caanka ah ee Oromia International Bank.

Lama oga sababta ka dambaysay in ciidamada Federalka ay galaan Jigjiga, laakiin Jariidadan Addis Standard ayaa barteeda twitterka ku qortay in talaabadaasi ay dowladda Federalka Ethiopia u qaaday kaddib markii uu khilaf soo kala dhex galay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxda Maamulka Federalka Ethiopia.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa ayaaha dhulka Soomaalida Ethiopia oo Baraha bulshada ka soo muuqday ayaa talaabada Ciidamaddu ay kula wareegeen Jigjiga ku tilmaamay “Afgambi”.

Ciidamada Milatariga ee Federaalka Itoobiya, ayaa la sheegay inaanay ku sugnayn ilaa shalay gelinkii dambe badhtamaha suuqyada, waxase ay joogaan xarumaha dawladda.

Wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya ayaa warsaxaafadeed ay xalay soo saartay waxa ay ku hanjabtay inay qaadi doonto talaabooyin sharci ah oo ay ku sugayso ammaanka magaalada Jigjiga. “Wasaaradda gaashaandhigu ma daawan doonto, waxase ay qaadi doontaa talaabooyin muhiim ah si loo damaanad qaado in nabadgelyada iyo ammaanka deegaanku ay sugnaadaan.” Ayay tidhi wasaaradu waxaanay intaas raacisay “Ciidamada ammaanka oo kaashanaya dadka deegaanka masuuliyad ayaa ka saaran ka wada shaqaynta nabadda iyo degenaanshaha deegaankada ay saameeyeen rabshaduhu.”

Dhimashada dadka ku geeriyooday rabshadahan shalay ka dhacay Jigjiga ayaan tiradooda si rasmi ah loo garanayn, laakiin dad goob-joog ah ayaa wakaaladaha wararka u sheegay inay arkeen dhawr qof oo mayd ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here