War-Murtiyeedka Kulanka Labada Madaxweyne Ee Somaliland Iyo Somaliya+Sawiro

0
545

War-murtiyeedka kulanka labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya

( Dubai Statement) 28/06/2012

 

1. Iyada oo la tixraacayo war-murtiyeedkii London iyo Istanbul ee ay beesha caalamku ku taageeraysay wada hadal dhexmara dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya (Ama Cidii Bedesha) iyo Dawlada Somaliland, si loo iftiimiyo xidhiidhka Labada Dawladood ee Mustaqbalka,

Iyada oo isla markaana laga duulayo kulankii ka dhacay Chevening House, London, Waxay Madaxweynayaasha Dawlada Federaalka Somaliya iyo Somaliland ku kulmeen Dubai 28-June-2012.

2. kulankan waxa codsiga labada Dhinac ku martigeliysay Dawlada imaaraadka Carabta (UAE)

3. ujeedada kulankani waxay ahayd in labada madaxweyne ee ka qayb galay, Madaxweyne Sheekh shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” (Somaliland) in si rasmi ah loo sii amba-qaado wada hadaladii hore u dhex maray labada dhinac ee ka soo bilaabmay, Chevening 20-21-june-2012

4. Labada Dhinac waxay isku raaceen in la sii amba-qaado wada hadalka, waxaanay ku heshiiyeen in loo ogolaado Gudiyadii ka koobnaa labada Dhinac ee ay igmadeen madaxweynayaasha (Somaliland iyo TFG) inay halkaa ka sii wadaan wada hadalka si loo bayaamiyo xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Silaanyo

Madaxweynaha Madaxweynaha

Dawlada Federaalka Somaliya Somaliland

 

ALLAA MAHAD LEH