Muuse Biixi Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Sheekh Shariif

1
643

biixiHargaysa(Geeska )-Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay wada hadalada dhex maray Somaliland iyo Somaliya, waxaanu si adag uga jawaabay hadalo madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif uu ku sheegay waxa uu ka doonayo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya dhex maraaya.

Gudoomiye Muuse Biixi, oo waraysi siiyay telefishanka HCTV,  waxa uu sheegay in hadalada ka soo yeedhay Sheekh Shariif ay dadka soo xasuusinayaan dhibaatooyinkii xooganaa ee ka soo gaadhay diyaaradahii lagu duqaynaayaay, waxa kale oo uu ka hadlay inuu kamid yahay gudi madaxweyneha ku kaabi doonta wajiga labaad ee wada hadalada lala galaayo Somaliya.

waxaana isag oo ugu horayntii ka hadlaaya inuu kamid noqonaayo gudi wajiga labaad wadahadalada ku wahelinaysa maxadaxweynaha uu yidhi  “Wali arintaas war rasmiya oo ka soo baxay ma jirto, warka rasmiga ah waxa uu ka soo baxayaa wasaarada arimaha dibada ayaa og goorta la tagaayo, cidda tagaysa iyo sida ay wax u dhacayaan, markaas arintaasi waxay u taala cidda ku shaqada leh, laakiin waxa hubaala inay Somaliland ogalaatay inay wadahdal la gasho Somaliya,waftina waa uu jiraa, hadii mid kale loo baahadan waxa inoo sheegi doona hay’adaha ku shaqada leh.” Ayaa uu yidhi waxaanu isaga oo hadalkiisa siiwata uu yidhi “Shariif malaa waa nin da’yare Somaliland gobanimada ay haysataa ma waxa uu ay ku timi hadyad, miyuu I siiyay, miyuu iigu taba ruucay, mise waxa ay ku timi dhiig, dhimasho iyo burbur intaas in leeg ayaa loo huray, marka hore erayga ah waa muqdas iyo ma go’I karaan ayaa damqaya dadka waxii loo gaystay, waxay xasuusinaysaa diyaaradii lagu qaraacayay, waxay xasuusinaysaa taangiyadii garaacayay, waxay xasuusinaysaa waxii dhibaato loo gaystay.

Comments are closed.