War Deg Deg Ah: Waxaa Magaalada Jabuuti Ku Geeriyooday Goor Dhawayd Xoghayihii Xisbiga Kulmiye Keyse Xasan Cige

0
720

 

cige

Jabuuti (Geeska) Alle ha u naxariistee waxaa goor dhawayd magaalada Jabuuti ku geeriyooday xoghayhihii xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Md Kayse Xasan Cige oo maanta gelinkii hore loo qaaday dalkaas Jabuuti, kadib markii ay xaaladiisa caafimaad ka sii dartay. 

Alle ha naxariistee xoghahaye Kayse Xasan Cige ayaa mudo hada ku dhaw laba maalmood xanuun ugu jiray cisbitaalka Edna Hospital, waxaana lagu wadaa in maalinta salaasada magaalada Hargeysa meydkiisa lagu soo celiy si loogu aaso. 

 

Dhawaan ayey ahayd markii uu Md Kayse Xasan Cige dalka uu dib ugu soo laabtay, isaga oo dalka in mudo ah ka maqnaa. Alle ha u naxariistee marxuumka ayaa ifka kaga tagay xaas iyo caruur.

 

Guud ahaan shaqaalaha iyo maamulka wargayska geeska Afriki waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelka, qaraabada, qaranka uu ka baxay marxuum Keyse Xasan Cige, waxaanay ilaahay uga baryayaan inuu jano fardawsa ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo ehelka iyo ubadkii uu ka baxay.