War-bixin Sheegtay In ‘Xidhiidhka Taiwan Iyo Somaliland Uu Qodax Ku Yahay Dawladda Shiinaha 

0
695

Nayroobi (Geeska) – War-bixin laga diyaariyey Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, ayaa lagu sheegay in xidhiidhkaasi uu si isa soo taraysa uga cadhaysiiyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

War-bixintu waxay sheegtay in Shiinuhu ka cadhaysan yahay joogitaanka Taiwan ee Somaliland.

Indha -indhaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku hayo hawlaha Taiwan ee Geeska Afrika, ayaa si cad loo shaaciyey Jimcihii la soo dhaafay, ka dib markii Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ay boggeeda Twitter-ka ku baahisay hadal Macnahiisu yaay inaan ‘Soomaalidu aanay soo dhawayn doonin gooni u goosadka Taiwan.”

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa qoraalka ay ku baahisay Twitter-ka oo u muuqda Hanjabaad ku socota Somaliland iyo Taiwan oo xidhiidh wanaagsan leh ayay ku tidhi “Geeska Afrika, qof kasta oo isku daya inuu gooni-u-goosad ka dhigo jasiirad Shiine ah waxay ku dambayn doontaa oo kaliya waxay ku qoslaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamku..”

Qoraalka Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ku baahisay Barta twitter-ka, ayaa yimid iyada oo uu Shiinuhu xusayay sannad-guuradii 50-aad ee markii Qaramada Midoobay ay bilowday inay u aqoonsato Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha inay tahay wakiilka keliya ee Shiinaha oo ay ku jirto Taiwan, inkasta oo xilligaa uu Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Qaramada Midoobay Abdulrahim Abby Farah uu ka hor yimid waraaqihii aqoonsiga Jamhuuriyadda Shiinaha. Laakiin, Dawladdii Soomaaliya ayaa Shinaha aqoonsatay bishii December ee 1960kii.

Somaliland iyo Taiwan ayaa heshiis ku kala saxeexday Taipei bishii February 2020. Labada dalba waxay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan Horumarinta Beeraha, Waxbarashada, Tamarta, Kalluumaysiga, Caafimaadka, Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Macdanta.

Heshiiska ayaa markii dambe waxaa xigay heshiis ah in la isweydaarsado xafiisyo wakiileedyo laga furo Magaalooyinka Hargeysa iyo Taipei 1-dii July ee sannadkii hore ee 2020, waxaanu heshiiskaasi dhaliyey aqoonsi diblomaasiyadeed ee rasmiga ahaa, taasi oo macnaheedu yahay in labada Dal ee Somaliland iyo Taiwan isku aqoonsadaan Dawlado Madax-banaan.

Taiwan ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed la leh 15 dal oo Somaliland ku jirto, iyadoo Taiwan u aragta Somaliland inay tahay waddo ay u mari karo fulinta Istaraatijiyadeedda Afrika.

“Somaliland waa albaabka Taiwan ee Bariga Afrika, halkan waxaan Taiwan ugu matalayaa 10-ka Dal ee Bariga Afrika, oo ay ku jiraan Kenya iyo Itoobiya,” ayuu yidhi Allen Chenhwa Lou, oo ah wakiilka Taiwan ee Somaliland, sida War-bixinta lagu sheegay.

Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, ayaa ka cadhaysiiyay jaarkooda Soomaaliya iyo Shiinaha, kuwaas oo si joogto ah u sheegta Mulkiyadda Dhuleed ee Somaliland iyo Taiwan

Toddobaadkii hore, Shiinuhu wuxuu ku eedeeyey Taiwan inay laaluushtay siyaasiyiinta Somaliland iyo qoysaskooda si ay u taageeraan gooni-isu -taagga Taiwan, laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan ayaa iska fogeysay wararkaas iyagoo ku tilmaamay olole sumcad dil ah.

Shiinuhu wuxuu kordhiyay dhaqdhaqaaqiisa milatari ee ku xeeran Taiwan, taas oo sababtay walaac caalami ah.

Ka dib markii Taiwan ay samaysay xafiiskeeda Somaliland bishii Agoosto ee sannadkii 2020, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Zhao Lijian, ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu Adduunka ka jiro Hal Dal oo Shiine ah, Taiwanna ka mid tahay Dhul-weynaha Shiinaha “Shiinuhu wuxuu si adag uga soo horjeedaa samaynta xidhiidh dhex mara Taiwan iyo Somaliland.”ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha, laakiin arrintaasi waxba kama beddelin mawqifka Taiwan ee xidhiidhka Somaliland, inkasta oo ay jiraan Warar sheegaya inuu Shiinuhu  si firfircoon isugu dayay inuu carqaladeeyo xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland.

War-bixinta ayaa lagu sheegay “Somaliland waxay u taagan tahay inay si weyn uga faa’iidaysato xidhiidhka ay la leedahay Taiwan iyada oo rajaynaysa in la kordhiyo ganacsiga, maaliyadda iyo Xirfadaha wax waydaarsiga.” Ayay sheegtay War-bixintu.

In kasta oo Taiwan iyo Somaliland ay si hufan ugu shaqaynayeen muddo sannado ah sida dawlado madax-bannaan, haddana xidhiidhkooda soo koraya ayaa hubaal ah inuu carin doono Shiinaha iyo Soomaaliya.

Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan dhulkiisa ka mid tahay, halka Soomaaliyana aaminsan tahay in Somaliland dhulkeeda ka mid tahay.

Somaliland, ayaa sannadkii 1991-kii Madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya oo ay la midowday 1960-kii, markii ay xorowday Boqortooyada Ingiriiska.

 

Geeska.net/Hargeisa Office